Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 10 2014                                             Rajab 10,1435H     

 

 

 

 

Hargeysa: Qareenadii Wargeyska Haatuf Oo Garsoorihii Dacwada Qaadayey Ku Eedeeyey Inaanu Dhex-Dhexaad Ka Ahayn Dacwadaa

“Maxkamaddiibaa Dhibane Ahayd Oo Tidhi Anigaa Wax La Iga Qoray, Masuuliyiinta Haatuf Garsoor Dhex-Dhexaad Ah May Helin, Wasiirka Daakhiligu Awood Buu Sheegtay, Markaanu Aragnay Afduubka Iyo…..”Qareen Xasan Cali Xasan Banfas 

Hargeysa, May 11, 2014 (Haatuf) – Labada Qareen ee u doodayey guddoomiyaha iyo tafatiraha wargeyska Haatuf ayaa iskaga soo baxay dacwadii maanta sida juujuubka ah uga dhacday maxkamadda gobolka Hargeysa, kuwaas oo qaadacay qaabka uu garsoorihii dacwada qaadayey uga garnaqay dacwadaasi, kaas oo ay ku eedeeyeen inaanu dhex-dhexaadba ka ahayn oo uu dhinaca xeer ilaalinta iyo wasiiradda xukuumadda Siilaanyo ee dacwoonayey inuu u xagliyey.

 

Labadan qareen oo markii ay dibada uga soo baxeen dacwadaasi dhinaca ka raran warbaahinta kula hadlay maxkamada horteeda ayaa arrintaasi ku tilmaamay sharci daro iyo cadaalad-daro ay hormood ka tahay maxkamadii dhex-dhexaadinta laga doonayey.

 

Ugu horayn Qareenka 1-aad ee madaxda Haatuf u doodayey Xasan Cali Xasan Banfas oo isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka ururkadda qareenadda Somaliland oo markii uu ka soo baxay dacwada arrimahaasi ka hadlay ayaa waxa uu hadalka ku bilaabay “Dacwada meeshan ka dhacday dacwad garsoorku dhex-dhexaad ka yahay may ahayn oo Maxkamaddaa dhibane ahayd oo tidhi anigaa wax la iga qoray, markaa masuuliyiinta Wargeyska Haatuf garsoor dhex-dhexaad ah may helin”.

 

Qareen Xasan Cali Xasan isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu maxkamadda horteeda ka yidhi Awood baan leeyahay oo wasiirka daakhiligu Awood-buu sheegtay, markaa maadaama oo meesha ay awood sheegasho ka dhacday oo awoodii qaranka la sheeganayo ee aanu aragnay afduubka iyo jujuubka meesha ka socda ayaanu iskaga baxnay anaguna meesha”.

 

Guddoomiye ku xigeenka qareenadda Somaliland mar uu ka hadlayey xeerka ay maxkamadu ku qaaday dacwada Haatuf, waxa uu yidhi “Xeerka dhaqangalka ah ee Saxaafadda Somaliland ee Xeer Lr 27/2004 lama ixtiraamin oo waxa ay maxkamadu meesha soo dhigtay oo hoosta lagu sitaa xeerkii ciqaabta ee Soomaaliya ee Panel Code-ka, xeerka Saxaafadda Somaliland-na waxa uu dhigayaa in dacwadaha warbaahinta in lagu qaado xeerka dhaqangalka ah ee saxaafadda Somaliland ee Xeer Lr 27/2004, markaa sidaan hore u sheegay waxa noo muuqatay oo aanu aragnay in dacadu afduub tahay oo aanay meesha wax cadaalad ahi ka dhicin”.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey qareen Xasan “Wixii aanu aragnay ee ka dhacay Maxkamadda waxa aanu u gudbinaynaa hay’adda caalamiga ah ee xuquuqal-iinsaanka iyo dunida cidkasta oo xoriyatul-qawlka arrimaheeda danaysay”.

 

Sidoo kale Qareenka 2-aad ee dacwadda Haatuf qareen Cismaan Askar Maxamed oo isaguna madasha ka hadlay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu ka cabanaynaa garsooraha dacwada haya oo aanu leenahay dhex-dhexaad kama aha dacwada oo isagu u ciiray xaga xeer ilaalinta iyo wasiiradda awooda sheeganayaa, markaa iyada oo arrintaasi wixii aanu ka yeeli lahayn waanu ka tashan doonaa laakiin sababtaasi ayaanu imika dacwada uga soo baxnay”.

 

Dhinaca kale ilaa imika si dhab ah looma ogga sababta ama sharciga loo cuskaday madaxda wargeyska Haatuf oo maanta xabsiga dhexe ee magaaladda Hargeysa loo taxaabay, kuwaas oo markii uu shalay garsoorihii dacwada qaadayey sheegay inay maxkamadu xidhan tahay isaga oo aan go’aan iyo xukuntoona gaadhin mar kaliya uun halkii ay ku jireen ciidan la wareegay isla markaana baabuurta maxaabiista lagu qaaday oo lagu xabisay jeelka wayn ee Hargeysa.