Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 10 2014                                             Rajab 10,1435H     

 

 

 

 

Wiilka Uu Madaxwayne Siilaanyo Sodoga U Yahay Oo Ka Muquurtay Inuu Maxkamadda Hor Yimaado

Hargeysa, May 11, 2014 (Haatuf) - Baashe Cawil Xaaji Cumar (Xidid-ku xoolow) oo ah Wiil uu Madaxweyne Siilaanyo Sodog u yahay oo isagu hormood ka ah eedaynta dacwada Haatuf oo maanta si rasmi ah uga furantay maxkamadda gobolka Hargeysa isla markaana si jujuub ah uga dhacday halkaasi isla markaana maxkamadda u yimid inuu horyimaado ayaa ka muquurtay ka dib markii uu inta uu soo galay si degdeg ah uga baxay hoolkii dacwadu ka socotay, kaas oo markii uu dibada u soo booday ay wariyeyaal dibada taagnaa ay sawiro la daba galeen, kaas oo ka waji qarsanayey.

 

Sidoo kale Baashe Cawil (Xidid ku xoolow) oo Warbaahintu ay isku dayday inay wax ka weydiiso dacwadaasi uu dhibanaha ka yahay, ayaa diiday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo arrimahaasi, taas oo dibadda u soo saartay tuhunadii iyo awoodihii ay bulshadu sida dharaarta u aragto ee uu inta badan u adeegsado awoodaha qaranka, taas oo dadweynihii maxkamada ku sugnaa u cadaatay awooda uu wiilkaasi ku leeyahay dalka, isla markaana si sharciga baalmarsan xabsiga loogu taxaabay masuuliyiinta Haatuf

 

Mr Baashe ayaa awoodo aanu siinin Dasuurta qaranku oo uu si gaar ah u adeegsado awood fulineed oo la mid ta Masuuliyiinta dawlada ka tirsan, iyadda oo Warbaahinta madaxbanaan iyo Siyaasiyiinta dhaliila hanaanka hogaamineed ee Xukuumada Kulmiye ay ku eedeeyaan Xubin awood ku leh talada dalka