Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 12 2014                                             Rajab 12,1435H     

 

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo Iyo Beeshiisa Oo Shir Ka Yeeshay Xadhiga Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf Iyo Musharaxnimada Muuse Biixi

Nuxurka Dareeno Xasaasi Ah Oo Ka Dhashay Su’aalihii Shalay Qareenadda Haatuf  Waydiiyeen Wasiiradda Macdanta Iyo Daakhiliga Ee Uu Garsoorihii Dacwada Dhagaysanayey U Diiday Inay Ka Jawaabaan

 

Hargeysa, May 12, 2014 (Haatuf) – Shir albaabadu u xidhnaayeen oo sida ay Haatuf u xaqiijiyeen dad madaxtooyadda ku dhawdhawi shalay galinkii hore markii ay dacwada masuuliyiinta Haatuf socotay ay xafiiska madaxwaynaha ku yeesheen Madaxwayne Siilaanyo iyo shaqsiyaadka aad ugu dhaw, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wiilka uu sodoga u yahay Baashe Cawil (Xidid ku xoolow), Wasiirka Macdanta Xuseen Cali Ducaale (Waji-xun), Xildhibaan Cali Mareexaan iyo Wasiirka daakhiliga Cali Warancade oo isaga markii danbe loo yeedhay.

Kulankaas ayaa waxa lagu go’aamiyey inay xubnaha dhibanayaasha ka ah dacwadda loo haysto Guddoomiyaha Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tafatiraha Haatuf Axmed Cali Cige inay yimaadaan Maxkamada si ay ugu marag-furaan madaxda Haatuf oo ahaa labada eedaysane ee kiiska wargeyska madaxbanaan ee Haatuf. halka wiilka uu madaxwaynuhu sodoga u yahay Baashe Cawil uu isagoon meelna dawladda kaga qornayn hadana ka mid ahaa dadka mudiciga ku ah Haatuf ayaa isna mar soo galay hoolka ay dacwadu ka socotay balse si degdeg ah uga baxay halkaasi isagoon fasax ka qaadanin sida sharcigu dhigayo garsooraha dacwada dhagaysanayey Mr Asad.

Garsoorahaas ayaa sida la sheegay culays badan ay xukuumadu saartay, kaas oo daqiiqad walba amaro laga soo siinayey Madaxtooyada, taasina ay keentay inaanu dhag u dhigin dhamaan doodihii sharci ee ay garyaqaanada Haatuf ku durrayeen eedihii xeer ilaalintu soo jeedisay, iyada oo ku xigeenka xeer ilaaliyaha  gobolka Maroodi Jeex iyo xubintii kale ee ku xigeenka xeer ilaalinta guud ka socday ayaa iyagu hadalka ka boobayey ama ka joojinayey qareenada masuuliyiinta Haatuf difaacayey, taas oo uu garsooraha dacwada dhagaysanayeyna mar walba ku taageerayey oo aanu dhex-dhexaad ka noqonin kiiskaasi, isla markaana keentay markii danbe in markii ay dacwadii dhamaatay sida qorshaha madaxtooyada laga soo diyaariyey ahaa lagu wargaliyey masuuliyiintii Haatuf in la Rumaan-garenayo oo xabsiga lagu haynayo ilaa iyo bacdul 18-ka May.

Sidoo kale waxa muuqatay shalay in go’aan lagu sii gaadhay in marka ay maxkamadda horteeda yimaadaanba la xidho masuuliyiinta wargeyska Haatuf oo imika la sheegay inay qol kula xidhan yihiin xubno ka mid ahaa argagixisada ku xidhan jeelka dhexe ee Hargeysa. Iyada oo ay ifa-faalaha dacwadaasi iyo qorshaha ay xukuumaddu ka leedahay waxa lagu garankarayey oo qofkasta ugu filnaa fahan askartii tirada badnayd ee la hor-dhoobay wado kasta oo soo gasha maxkamada gobolka Hargeysa, kuwaas oo ay raxan-raxan meel walba u taagnaayeen oo ay dadka iyo gaadiidkaba ka celinayey wadooyinka Maxkamadda. Ciidamadda RRU-da oo ah ciidan ay tababarkiisa iyo taakulayntiisaba ay bixiso dawladda UK, isla markaana ay xukuumadda Siilaanyo u adeegsato cabudhinta iyo ku tacadiga saxaafada Somaliland.

Waxa sidoo kale xusid mudan in kulankaas ay qasriga madaxtooyadda ku yeesheen madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo dadka aadka ugu dhawdhaw oo beeshiisa u badan waxa lagu soo qaaday go’aankii bulshadda Somaliland aadka ula wada dhacday ee uu Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku iclaamiyey inuu isku sharaxayo doorashada madaxwayne-nimo ee santa sano ee soo socota, iyada oo ay ka soo qayb-galayaasha shirkaasi iskula garteen in xiisada siyaasadeed ee uu hadalkaas Muuse Biixi ku abuuray Madaxwayne Siilaanyo oo goor xeedho iyo fandhaal kala dheceen uu shaaciyey todobaadkii hore wasiirka warfaafinta Mr Cukuse hadii ay arrinta Haatuf-na u raacdo inay fashilaad ku keeni karto qorshaha inta u ehelka ah xukuumadda Siilaanyo oo imika shacbiga Somaliland 90% ay ka aamin-baxeen oo ay burburtay taageeradii ay bulshadda ka haysteen.

Dhinaca kale dhagaysiga dacwada guddoomiyaha iyo tifatiraha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige ayaa ahayd mid dhinac kaliya ah oo aan si dhex-dhexaad ah u dhicin, iyada oo u muuqatay qorshe la sii diyaariyey qaabka ay socon-doonto, iyada oo su’aalo badan oo qareenadda Haatuf waydiiyeen wasiirada macdanta iyo daakhiliga uu garsoorihii dacwada dhagaysanayey si cad u diiday inay ka jawaabaan. Su’aalahaasi ay maxkamadu diiday inay ka jawaabaan masuuliyiinta dhibanayaasha ka ahaa dacwadaasi ayaa waxa ka mid ahaa su’aal uu qareenka 1-aad ee Haatuf garyaqaan Xasan Cali Xasan Banfas waydiiyey wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun), taas oo ahayd inuu sheego magaca ugu qoran Passport-kiisa Maraykanka ah iyo inuu sheego lacagta xaqul-qalinka ahayd ee uu ka qaatay shirkadda Ansan Wikfs iyo goorta uu ku wareejiyey wasaaradda maaliyadda iyada oo wasiir Waji-xun jeeggii lacagtaas oo ahayd $1,800,000 (hal malyan iyo sideed boqol oo kun oo dollar) warbaahinta tusay 20/12/2013, balse uu shirkiisii jaraa’id ee 9/4/2014 ku qaybiyey Ducuments muujinaya in lacagtaasi qasnada dawladda ku dhacday 31/3/2014.

Garsooraha dacwada qaadayey waxa kale oo uu diiday in wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland la waydiiyo cida iska leh shirkadda East African Resource Group (EARG) ee heshiiska shidaal baadhista ah kula jirta xukuumadda. Sidoo kale waxa uu garsooruhu qareenadda Haatuf difaacayey ka horjoogsaday inay wasirka waydiiyaan su’aal ahayd inuu jiro muran u dhaxeeya isaga iyo shirkadda EARG . waxa kale oo uu garsooraha dacwada qaadayey si cad ugu diiday garyaqaanada Haatuf inuu ka jawaabo wasiirka daakhiliga Cali Warancade su’aal mihiim ah oo la xidiidhay mawduuca dacwadda uu u haysto Haatuf oo ahayd in isaga iyo Xildhibaan Cali Mareexaan u dhoofayeen Nairobi si ay usoo dilaalaan mashruuca diwaangalinta rayidkaa. Markii ay arrintu halkaas maraysay ayey qareenadii u doodayey masuuliyiinta Haatuf ka qayiliyeen hab-dhaqanka garsooraha oo si badheedh ah ugu xaglinayey dhinaca dadka muduciga ku ahaa Haatuf, iyadoo  uu markaa garsoorihii ku dhawaaqay inay maxkamadu xidhan tahay sidaasna waxa ku dhamaaday fadhigii maxkamadda ee u afduubnaa labadda wasiir iyo wiilka uu Siilaanyo soddoga u yahay.

Arrinta kale ee sharci-darada ah ee meesha ka dhacday ayaa iyaduna ahayd hadalo deel-qaaf ah oo aanu ogalayn sharciga iyo distuurka Jamhuuriyada Somaliland-ba oo ay ku dhawaaqayeen markasta labada xubnood ee ka socday xeer ilaalinta oo mid ka mid ah ay ehel dhaw yihiin wasiirka macdanta, kuwaas oo mar walba madaxda Haatuf ku lahaa labadda maxbuus halkay ka isticmaali lahaayeen labada eedaysane, taas oo sida xaqiiqada ah la odhankarayey waxa uu afku ka xadayey waxa uurkooda ku jira. Iyada oo markii danbe ee ay labada eedaysane is yidhaahdeen ka baxa hoolka dacwadu ka socotay ay is hortaageen hogaanka hawlgalinta ciidanka Bilayska Somaliland Maxamuud Ducaale iyo qaar ka mid ah RRU-dii maxkamadda gudaheeda iyo dibadeedaba la soo dhoobay.

Hogaanka hawl-galinta Bilayska Mr Ducaale ayaa isagu labada eedaysane waydiiyey Mobiladooda oo uu ka qaaday, isla markaana si kulul ugu wargaliyey inay fuulaan labadooduba baabuur la sii diyaariyey oo ah nooca qufulan ee loogu talo-galay in lagu qaado maxaabiista, kaas oo Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige-ba lagu geeyey Jeelka dhexe ee Magaaladda Hargeysa.

Maxamuud Ducaale ayaa isagu ah sarkaal lagu tuhunsan yahay in isaga iyo wiilka uu madaxwayne Siilaanyo sodoga u yahay ee Baashe Cawil (Xidid ku xoolow) ay wada qorsheeyeen shirqoolkii lagu weeraray maamulka iyo madaxda Wargeyska xukuumadu xayirtay ee Hubaal, kuwaas oo ay laba nin oo ciidanka Bilayska ka tirsani ay ku fashilmeen isku day dil xarunta Wargeyskaasi ay kula kaceen masuuliyiinta Hubaal.