Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 12 2014                                             Rajab 12,1435H     

 

 

 

 

“Markii La Geeyey Jeelka Dhexa Waxa Lagu Riday Qololkii Ay Ku Jireen Argagixisadu, Codkii Ugu Badnaa Ee Uu Axmed Siilaanyo Madaxwaynaha Ku Noqday Ee Uu Kursiga Ku Fadhiyo Muuse Biixi Ayaa U Keenay”

“Qoladan Kaambaynka Ugu Jirta Midnimada Ee Turkiguna Maalgalinayo Ee Labada Madaxtooyo Ee Hargeysa Iyo Muqdisho Ka Tirsan Oo Saakana La Igu Yidhi Boorama Ayey U Baxeen”Gud. Madasha Wada-Tashiga Xasan Guurre

Hargeysa, May 12, 2014 (Haatuf) – Guddoomiyaha Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure ayaa luqad adag ku cambaareeyey xadhiga masuuliyiinta Haatuf, kaas oo ka digay inay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo sii wado tacadiga iyo hadidaada ay ku hayso warbaahinta dalka, isaga oo sheegay in dhaqamadda Xukuumadda Siilaanyo inuu barbur u horseedayo Somaliland.

Mujaahid Xasan Guure waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu ka hadlayey shirjaraa’id oo ay madasha wada tashiga iyo toosinta Qaranku ku qabteen magaaladda Hargeysa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uuu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan jeclahay inaan ka hadlo laba arrimood oo labaduba imika dalka ka taaggan yihiin, kuwaas oo mid tahay qoladan Kaambaynka ugu jirta Midnimada ee Turkiguna maalgalinayo isla markaana labada madaxtooyo ee Hargeysa iyo Muqdisho-na ka socda arrintooda ee saakana la igu yidhi waxay u baxeen Boorama oo midi waa taa. Arrnka 2-aadba waa cabudhinta saxaafadda iyo xadhigan sida layaabka leh u dhacay shalay ee sida foosha xun shalay loogu xidhay Yuusuf Cabdi Gaboobe ee waliba lagu riday markii maxkamada halkii loogu talo-galay Argagaxisada markii la geeyey jeelka dhexana lagu riday qololkii ay ku jireen argagixisadu”.

Guddoomiyaha Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas raaciyey “Labada qofba xaqbay u leeyihiin inay is sharaxaan oo madaxwaynaha laba jeer ayuu distuurku u ogolyahay inuu is sharaxo oo mar 3-aad uma ogola, Muuse Biixi-na xaqbuu u leeyahay inuu is sharaxo sida qofkasta oo xisbigooda ka  mid ahiba uu xaq ugu leeyahay inuu iska dhex sharaxo isla markaana waxa intaas u dheer Muuse Biixi inuu Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) 2003-dii uu si wayn u dhisay oo ragii la aas-aasay xisbiga ayuu ahaa oo ilaa maalintii ilaa maantana sidii ayuu u barbartaagnaa oo oo doorashadii danbena naf iyo maalba wuu la barbar taagnaa oo wuu si wayn ayuu u dhisay oo codkii ugu badnaa ee uu Axmed Siilaanyo madaxwaynaha ku noqday ee uu kursiga ku fadhiyo-na Muuse Biixi ayaa u keenay iyo ragii la midka ahaa oo ragii way iskaga wada yaaceen oo Muuse Biixi oo kaliya ayaa kaga hadhay oo ragaas waxa ka mid ahaa Maxamed Xaashigan i ag-fadhiya oo iskaga baxay”.

Mujaahid Xasan Guure mar uu ka hadlay musharaxnimada Muuse Biixi, waxa uu yidhi “Muuse Biixi maanta in loo abaal-gudo cid uga xaq lihi ma jirto oo xaqbuu  u leeyahay, Axmed Siilaanyo waxaan leeyahay u abaal-gud ninkaa aad saaxiibka ahaydeen ee ilaa xiligii jabhadii ku soo barbar taagnaa ee ku soo taageerayey waa xiladiisiiye guro, oo sida marka ay caruurtu ciyaarayso Luuf-luufta ayey odhan jireen waar xiladaydiiye i gur dee markaa Muuse waa xiladiisiiye ha gurro, ugu danbayn waxaan leeyahay Axmed Siilaanyo Madaxwayne bal mar uun abaalka gud laguguma aqoonine Muuse Biixi u tanaasul oo dhis”.