Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 13 2014                                             Rajab 13,1435H     

 

 

 

 

Xukuumada Siilaanyo Oo Shalay Hiirtii Waaberi Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf Jeelka Gabilay U Wareejisay

Hargeysa May 12, 204 (Haatuf) – Gudoomiyaha wargeysyada Haatuf iyo Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige oo maalintii Sabtidii doraad xukuumada Siilaanyo xabsiga dhexe ee Hargeysa u taxaabtay ayaa xilliyadii daakiraada salaaadii subax ee shalay si kadisa loogu wareejiyay xabsiga degmada Gabilay.

Talaabadan degdega ah ee xukuumadu xabsiga Gabilay ugu wareejisay masuuliyiinta wargeyska Haatuf ayaa lala xidhiidhinayaa inay salka ku hayso sharci daradii markii horeba ay xukuumadu xabsiga ugu taxaabtay masuuliyiintaasi iyadoo aan wax dembi ah lagu helin ay Jeelka loo taxaabay, isla markaana ay hada u wareejisay xabsiga Gabilay ay tahay in laga fogeeyo guryahoodii iyo qoysaskoodii, isla markaana tacadiga ay xukuumadu ku sii adkaysnayso in xabsiogaasi ay gaysay.

Ta;aabadan ayaa dadweynaha reer Hargeysa iyo guud ahaan reer Somaliland aad ula yaabeen sababaha keenay wareejinta masuuliyiintaasi loo qaaday jeelka Gabilay.

Talaabadan ayaa noqanaysa mid xadgudbkii hore ee ay xukuumadu kula dhaqantay masuuliyiintaasi ay hadana ugu sii dartay inay u wareejiso xabsiga Gabilay.

Talaabadan ayaa ka soo horjeeda distoorka qaranka, xeerka saxaafada iyo xoriyatul qawlka damaanad qaaday madaxbanaanida saxaafada, lana mid tahay habdhaqanadii rajiimkii Siyaad Barre