Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 13 2014                                             Rajab 13,1435H     

 

 

 

 

Wasiirada Macdanta Iyo Duulista Oo La Sheegay In Guryihii Ay Deganaayeen Ay Ka Qaxeen Iyo Dareenada Lala Xidhiidhinayo

Hargeysa May 12, 2014 (Haatuf) – Wasiirada macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo duulista Maxamuud Xaashi Cabdi  ayaa la sheegay in guryihii ay daganayaan ay ka qaxeen Sabtidii todobaadkan, ka dib markii xabsiga loo taxaabay gudoomiyaha wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola xukuumada Siilaanyo ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay wasiirada macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (waji xun) iyo duulista Maxamuud Xaashi Cabdi ay ka qaxeen guryihii ay ka  daganayeen xaadaha waqooyiga caasimada Hargeysa, taas darteedna la sheegay inay u guureen hotelka Ambasador ee magaalada Hargeysa.

Ilaa hada lama garanaya sababaha ay wasiiradaasi uga qaxeen guryihii ay daganaayeen ee keenay inay ugu digarogtaan Hotelka Ambasador