Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 14 2014                                             Rajab 14,1435H     

 

 

 

 

Hargeysa: Wasaaradda Caafimaadka S/land Oo Dalka Tanzania U Dirtay Dhakhaatiir Iyo Kal-Kaaliyayaal Caafimaad Oo Waxbarasho Takhasus Ah Soo Baran-Doona

Xubnahan Ayaa Tababarayaal Ka Noqon-Doona Man-Hajka Caafimaadka Qaranka Clinical Officers Curriculum

Hargeysa, May 14, 2014 (Haatuf) - Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa Isniintii doraad dalka Tanzania u dirtay laba dhakhtar iyo shan kal-kaaliye caafimaad, kuwaas oo halkaasi ku soo baran doona waxbarasho takhasuskeedu yahay inay noqdaan Tababarayaasha Man-hajka Caafimaadka Qaranka kaas oo la yidhaahdo Clinical Officers Curriculum.

 Xubnahan dhakhaatiirta iyo kal-kaaliyayaasha iskugu jira ayaa waxay waxbarashadooda ku qaadan doonaan mac-hadka IFAKARA Institute oo ku yaala dalkaasi Tanzania.

 Munaasibad balaadhan oo sagootin ah ayaa Bahdan caafimaadka ee waxbarashada takhasuska ah u tagaysa dalkaasi Tanzania waxa loogu qabtay intii aanay dalka ka dhoofin Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa, isla markaana xafladan ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin

 agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka JSL, Dr  Cismaan Hussen Warsame, Agaasimaha Cududa shaqaalaha ee wasaarada caafimaadka qaranka Dr. Ciise Cabdi Jaamac, Agaasimaha Caafimaadka Qoyska Drs. Khadra Maxamuud Ibrahim, Agaasimaha Caafimaadka Guud Md. Abiib Aadan Nuur, Faysa Xaaji Axmed Agaasimaha Qorshaynta ee Wasarada caafimaadka, Hodan Maxamed Saxardiid Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Wasaarada Caafimaadka, Wario Guchara madaxa mashruuca hayada THET ee Somaliland, Mohamoud Yonis oo ah sarkaal ka tirsan hatyada THET.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Dr Ciise Cabdi Jamac oo ah agaasimaha cududa shaqalaha iyo tobabarada ee wasaarada caafimaadka , kana warbixayay muhiiimada manhajkaasi iyo wakhtiga uu bilaabmay oo ah sanadkan 2014 oo ay wasaarada caafimaadku ku soo kordhisay xirfadan, manhajkan oo laga fulin doono kuuliyada caafimaadka Jaamacada Burco,haatana loo soo tobabarayo 4 dhakhtar iyo sadex kal-kalaiye oo noqon doona kuwa sii gudbiya waxbarashada ay soo bartaan.

Sidoo kale waxaa kale oo ka hadlay halkaas wario guchara oo ah madaxa mashruuca hayada THET ee Jamhuuriyadda Somaliland kaas oo ku dheeraaday muhiimada manhajkan iyo sida uu uga suurto galayo Somaliland iyadoo lala soo maray xaalado faradaban oo adkaa hirgalinta manhajkan.waxa uu halkaas kula sii dardaarmay xirfadlayaashan oo uu sheegay in mudo bil ka bacdi ah ay kormeer ugu iman doonaan Tanzania saraakil ka tirsan wasarada caafimadka Somaliland iyo Hay’adda Thet.

 

Ugu danbayn waxaa halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada caafimadka somaliland.

Dr Cismaan Xuseen Warsame oo isagu si wayn ula dardaarmay xirfadlayaashan lasoo tobabarayo isla markaan sheegay muhiimada loo qabay manhajkan oo ka hirgali doona kuuliyada caafimaadka jamaacada Burco, kaas oo sheegay inay mustaqbalkana ka hawl gali doonaan gobolada Somaliland gaar ahaan meelaha aan la gaadhi karin ee uu ka hirgalay mashruuca xidhmooyinka caafimaadka(EPHS).waxa kale oo uu agaasimaha guud ku dheeraaday dedaalka ay wasaarada caafimadku ka wado horumirinta cududa shaqaalaha, waxa u ugu danbayn waxa uu agaasimaha guud u mahadnaaqay hayada THET iyo DFID oo kala shaqeeyay wasaarada caafimaadka hawshan.