Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 14 2014                                             Rajab 14,1435H     

 

 

 

 

Hay’adda Ilaalinta Saxaafadda Dunida Ee CPJ Oo Siilaanyo Ugu Baaqday Inuu Degdeg Xayiraada Uga Qaado Wargeyska Haatuf, Suxufiyiinta Xidhan Xoriyadooda U Soo Celiyo

 

“Waxaanu Ugu Baaqaynaa Dawladu Inay Si Dhakhso Ah U Sii Dayso Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Cige, Oo Ay Joojiso Dagaalka Ay Ku Hayso Saxaafadda Madaxabanaan”Ergayga CPJ Ee Barriga Afrika Mr. Tom Rhodes.

Hargeysa, May 15, 2014 (Haatuf) - Hay’adda qaabilsan ilaalinta saxaafadda dunida ee loo yaqaan CPJ, oo ay xarunteedu tahay magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baaqday inuu xorriyadooda u soo celiyo saxafiyiinta Wargeyska Haatuf ee toddobaadkan la xidhay, islamarkaana xayiraadda laga qaado xarunta Wargeyska Haatuf.

Mr. Tom Rhodes, oo ah ergayga CPJ u qaabilsan bariga Afrika, ayaa dawladda Somaliland ugu baaqay inay joojiso dagaalka ay ku hayso saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland, “Dawladda Somaliland waxay weerartay hoyga warbaahinta Haatuf, waxaanay xayirtay daabicistii wargeysyada, iyadoo xayirtay barihii Internetka ee Haatuf.” Ayuu yidhi Mr. Tom, waxaanu intaas raaciyay, oo uu tilmaamay inay dawladda Somaliland sidoo kale ugu digtay saxaafadda kale inaanay khadka ka gudbin, taas oo uu tilmaamay inay uga jeedo aamusiinta saxaafadda. “Waxaanu ugu baaqaynaa dawladda Somaliland inay si dhakhso ah u sii dayso Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige, oo ay joojiso dagaalka ay ku hayso saxaafadda madaxabanaan.” Sidaas waxa yidhi Mr. Tom Rhodes.

Xarunta CPJ, qoraalka ay ka soo saartay magaalada Nayrobi ee wadanka Kenya, waxa ay ku sheegtay in sababta loo xidhay saxafiyiinta iyo xarunta Wargeyska Haatuf ay tahay ka dib markii uu dacweeyay wasiirka macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, oo uu wargeysku ka baahiyay arrimo musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Xarunta CPJ, waxa kale oo ay qoraalkeeda ku soo xigatay Mr. Guled Axmed, oo madax ka ah xarunta Human rights center ee Somaliland, kaas oo dhawaan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u gudbiyay codsi ay saxeexeen muwaadiniin tiro badan oo boqolaal ah oo madaxweynaha lagaga dalbanayay inuu xayiraadda ka qaado Wargeysyada Haatuf iyo Somalilandtimes iyo wargeyska kale ee Hubaal. Mr. Guuleed, wuxuu hay’adda CPJ u sheegay inaanu Madaxweyne Siilaanyo weli ka soo jawaabin dalabkoodaas.

Dawladda Somaliland ayaa u muuqata inay culaysyo dibadeed oo caalami ah kala kulantay dagaalka ay saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland ku hayso, waxaana markii u horaysay taariikhda Somaliland la arkay wargeysyo laba ah oo u xayiran xukuumadda Somaliland iyo weliba saxafiyiintii ka shaqaynaysay oo la xidhay, ka db markii ay baahiyeen warar musuqmaasuq oo ka dhan ah xukuumadda taladda haysa.

 

 Sources:Geeska Africa.