Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 15 2014                                             Rajab 14,1435H     

 

 

 

 

Haatufka Maanta

Waaryaadhaheed labaddii ganacsade ee Day-dayga ahaa ee Maxamed Aw Siciid Iyo Cumar Caydiid Waxay waddaanba Ma Maantay yidhaahdeen Odaygan Siilaanyo Dib u doorta Si yarkiisan Xidid ku xoolow Shan Sanadood oo danbe idiin xukumo anaguna aanu qaadano Warshadda Laydhka ee Hargeysa iyo Mashruuca Korontadda ee laga keenayo Ethiopia.

Bal ganacsato markay guul-wadaynayso madaxtooyadda Gogosha ayaanu arki jirnee nacam-layntan cusubi waabay inaga dhinayd shaw?.

Laakiin labaddan haammaan inay Arbacuunan yihiin waxaad ku garataa waa nimanka la soo saftay Xuseen Waji Xun ee ku leh Haatuf-baa ka gardaran si heshiiska Korontada labadooda degdeg ugu saxeexo.

Adeer Labaddan Koontaro-baandiiste ee doonaya inay saddexda dal Somaliland, Djibouti iyo Ethiopia laba-laba gooni fooda iskugu galiyaan, tolow yaa yidhaahda hadaad faraha kala bixi waydaan siyaasada iyo warbaahinta Somaliland walee inaydun calfan-waayi wixii hore ee aad dadkan ka dhacdeen!!!!.