Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 18 2014                                             Rajab 16,1435H     

 

 

 

 

Haatufka Maanta

Ergadii Ururka SNM uga qayb-gashay shirwaynihii Beelaha Somaliland ee Burco April 1991-kii Ee Markii Ugu horaysay Lagu Go’aamiyey La Soo Noqoshadda Gooni Isku Taaga Somaliland, waxa ka mid ahaa Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo sitay Kaadh lambarkiisu ahaa 001.

Waxyar ka hor intaan si rasmi ah loogu dhawaaqin go’aankaa taariikhiga ah Axmed Siilaanyo wuxuu isagu ku sugnaa mid ka mid ah labadiisa guri ee ku yaala magaaladda London ee dalka Britain, halkaasuu dadka ugu qaybinayey warqad uu qoray oo uu ugu ololaynayey in Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto qaadato nidaam Federaali ah.

23 sanadood ka bacdi oo caawa ah Axmed Siilaanyo waa ,madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Yuusuf Cabdi Gaboobe-na wiuxuu Siilaanyo ugu xidhan yahay qol-madow.