Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 18 2014                                             Rajab 16,1435H     

 

 

 

 

Somaliland Uun Bay Ka Dhacdaa Faallo; Axmed Aadan Maxamed Qaybta 4 aad

Akhriste salaan ka bacdi waxaa aan maanta doonayaa in aanu bal dib baanu u soo noqon doonaaye arrimihii iyo xogihii lala xidhiidhinayo  argagixisada ee inoo taxanaha ahaa , maantase waxaan doonayaa in aan ka yara sheekeeyo  madaama uu gabalku u dhacay xuriyatul qawlka iyo saxaafada maddexa banana oo ay xukuumada Maddexweyne Silaanyo ay xabsiga  u taxaabtay rag uu ka mid yahay Mujaahid Yusuf Cabdi Gaboobe oo la yaqaan halka uu ka dhax jiray halganka iyo Mr Axmed Cumar Cige tafatiiraha Wargeyska Haatuf ee xayiran taas waxay ku tuseysaa in maanta maddexda dalkan ka ariminaysa aanay lahayn abaal iyo milgo toona madaama ay saaxiibadii iyo halyeydii ay wada halgameen ay si dhib yar jeelka loo taxaabayo iyada oo aan loo aabo  yeeleyn  dhibna u haysanin wixii falkaasi ka iman doona oo runtii aan u wanaagsanayn maanta Somaliland iyo qadiyadeeda madaama uu caalamku inagu tix galin jiray amaanka aanu haysano  iyo xuriyatal qoolka.

Waxaa laakin la yaab noqotay in maanta aanu wargeys ahaan na soo gaadhay warar sheegayaa in xubnihii wahaabiyada wakiilka uga ahaa Somaliland iyo argagixisada geeskuba ay  farxad iyo badhaadhe ku jiraan madaama maanta wargeyska Haatuf oo looga bartay in uu mar walba xaqa ku adimo oo u kashifo tuug walba oo ku yamamay xoolaha umada iyo bidhi wale u shqeeyaa xakamiyiinta safaaradaha Sacuudiga u fadhiya aduunka oo dhan.

Wararkaasi waxay sheegayaan in ay isla dhax marayaan maasha alaah nasri nasri nasri  waryaadhaheen maanta ma maqasheen ninkii gaalada la shaqeynayay ayaa jeelka la dhigay Nassri wargeyska Haatuf na waa la xayiray , laakin akhriste waxaan aniga iyo nadiguba nimankaasi u sheegaynaa in uu mar walba dulmigu jiri jiray laakin aanu raagaynin oo uu xaqu mar waliba soo shaac bixi doono .

Waxaanse si dhab ah u sheegeynaa nimankan cimaamadaha cas cas xidhan ee masaariifta gacanta u dhiga safaarada sacuudiga ee dalka jabuuti gaar ahaan ninka quudiyaa  ilaahay baa wax quudiyee Mr Al xakami in aanan marna qalinka la dhigi doonin maaha oo kaliya si loo difaaco Yusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cige laakinse si wadanka Somaliland looga difaaci lahaa argagixisada ku soo duushay ee bada cas ka soo talowday diinta sharafta lehna ku gabanayaa , taasa inoo balan ah waxaanu leenahay waliba labadan urur diimeed ee xagjiraka ah ee shisheeyaha ku xidhan Al Ictisaam iyo Al Islaax idin ka hadhi mayno.

Maanta intaasi dhaafi mayo waxaase ino balan ah qormadan tan xigta oo aanu siro iyo xoogo khatar ah aanu idiin hauno haduu ilaahay edmo qormada dambe ayaa inoo balan ah .

La sooco