Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 20 2014                                             Rajab 16,1435H     

 

 

 

 

Hargeysa: Labadii Jaamacadood Ee Dalka Ugu Waynaa Oon Laga Qayb-Galin Socodkii Loogu Dabaal-Dagayey 18-Ka May Iyo Nuxurka Meel-Ka Dhac Uu Wasiir Waji-xun Kula Kacay Jaaliyada Sheffield

Hargeysa, May 19, 2014 (Haatuf) - Labadda Jaamacadood ee ay wax ka bartaan ardayda ugu tiradda badan dalka ayaan doorkan laga qaybgalinin socodkii shalay ee loogu dabaal-dagayey xuska maalinta aas-aaska Somaliland ee 18-ka May. Siday ilo xogogaal ah Haatuf u sheegeen xukuumadda ayaa ka shakiday in ardayda labaddaas Jaamacadood ee Gollis iyo Hargeysa University oo la sheegay inay ku kacsan yihiin maamulka Madaxwayne Siilaanyo ay ku kacaan mudaharaad ay muujinayaan waxyaabo ay ka tabanayaan ama ku dhaliilayaan xukuumadda iyaga oo ka faa’idaysanayaya socodka lagu horumarayo fagaaraha madaxtooyadda horteeda ee madaxwaynuhu salaanta ku qaato.

Waxa dabaal-daga 18-ka May ka qaybgalay arday ka socota dhawr jaaacadood oo ay ka mid yihiin Jaamacadaha New Generation iyo ADMAS, kuwaas oo iyaga ay xukuumadu u aragtay inaanay waxba ka tabanaynin oo ay madaxdoodu raali ka yihiin maamul xumadeeda.

Dhinaca kale waxa xuskii 18-ka May ee lagu qabtay magaaladda Burco xukuumadda uga qaybgalay wasiiro uu ku mid yahay Wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) AKA Hussein Osman Farah, kaas oo watay saddex nin oo ay isku reer yihiin oo uu uga yeedhay magaaladda Sheffield.

Saddexdan nin oo sheegtay inay matalayaan Jaaliyadda Somaliland ee Magalaadda Sheffield waxa Imaatinka ka danbeeyey Wasiirka macdanta, kaas oo qaabilay kharashka ku baxaya socdaalkoodan, kuwaas oo ay ka mid yihiin ninkii u markhaati furay inuu $20-kii kun ee xafladii aqoonsiga Sheffield loogu dabaal-dagayey ee uu Jaxaastay isagu sheegay inay soo gaadhay, kaas oo la yidhaa Aadan Yuusuf oo sheegta guddoomiyaha shirkadda Israac Somaliland Community balse aanay arrintaasi waxba ka jiran, isla markaana arrintaasi ayaa meel ka dhac ku ah isku duubnimda jaaliyaddaasi oo uu wasiirka macdantu kala qaybin iyo fidmi ka dhex wado.