Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 23 2014                                             Rajab 22,1435H     

 

 

 

 

XAABSADE Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Madaxwayne Siilaanyo: “Aad Iyo Aad Waxaanu Uga Xunahay Inaan Talada Dadkayaga Waxba Lanaga Weydiin, Shalay Waxa La Weeraray Taleex, Maantana Waxa La Weeraray Saax-Dheer, Intaana Waxayaga Meesha Jooga Nin Qudha Nalagama Talo-Galinin”

 “Anigoo Keenay Gobalka Sool Oo S/land Ku Soo Daray, Nasiib Darro Ayay Noqotay Inaan Maanta Waxba Layga Weydiin Gobalka Sool, Aad Iyo Aadna Waan Uga Xumahay Waanan Qoomamaynayaa, Khaladkaygana Waan Qaadanayaa”Axmed Cabdi Xaabsade

Hargeysa, May 22, 2014 (Haatuf) - Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade, oo ku magacaaban la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka iyo asxaabta siyaasadda, horena u ahaa wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta, ayaa si adag uga hadlay xaaladda gobalka Sool iyo sida aanay xukuumadda Somailand siyaasiyiinta Dhulbahanate uga tallo gelin arrimaha ka taagan.

Mr. Xaabsade, wuxuu tilmaamay inuu qoomamaynayo qaybtii uu ka qaatay in gobalka Sool ku soo noqdo gacanta Somaliland, waxaanu sheegay inaan lagu ixtiraamin guushaas uu soo hooyay oo aan wax tallo ah la weydiin, isagoo sidoo kale cadeeyay in guud ahaan madaxda Beesha Dhulbahante ugu jirta dawladda Somaliland aan iyagana waxba laga weydiin gobalkooda. Xaabsade, wuxuu arrimahan kaga hadlay waraysi uu la yeeshay weriye Maxamed Sagax, oo ka tirsan Wargeyska Haatuf ee xayiran.ugu horayna

Axmed Cabdi Xaabsade isagoo ka hadlaya waxa uu kala socdo xaaladihii u danbeeyey gobolka Sool, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Aad iyo aad waxaanu uga xunahay inaan talada dadkayaga waxba lanaga weydiin haddaanu nahay ragga jooga Somaliland ee madaxda ah, shalay waxa la weeraray Taleex, maantana waxa la weeraray Saax-dheer, intaana waxayaga meesha jooga nin qudha oo wax ka og oo wax laga weydiiyay oo laga tallo geliyay ma jiro, waxaanu umadda u sheegaynaa inaanu arrintaa aad iyo aad uga xunahay, waxaanu leenahay tani waxay keenaysaa sidii lagu kala tagi lahaa, waxa kale oo aanu leenahay dalka waa la wada leeyahay, lama kala laha, waxa muuqata inaan talada Dhulbahanate ee halkan jooga aanay talada dalka waxba ku lahayn, markaas taasi waxay noo keenaysaa sidii loo kala tagi lahaa oo loo kala dhaqaaqi lahaa, taasna aad iyo aad baanu uga xunahay, waanan ka tashanaynaa waxayaga halkan joogaa.”.

Xaabsade isagoo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya in taladii dalku u gacan-gashay dad wax ma garato a, waxa uu yidhi “Waa ka mid, arrintaasi waa ka mid, intii muddo ahaydba waxayagii madaxda ahaa wax lanagama weydiiyo, khaas ahaan anigoo keenay gobalka Sool oo Somaliland ku soo daray, nasiib darro ayay noqotay inaan maanta waxba layga weydiin gobalka Sool, aad iyo aadna waan uga xumahay waanan qoomamaynayaa, khaladkaygana waan qaadanayaa”. Wasiirkii hore ee hawlaha ee xukuumadda Siilaanyo Mr Axmed Cabdi Xaabsade mar wax laga waydiiyey waxa uga meel-yaala tabashooyinka uu sheegay, waxa uu yidhi “Waxa ka mid ah inaanu dhulkayagii la tallo noqono, mar haddii Isaaq tixgelin waayay soohdiintii heshiiskii ay Somali isugu tagtay ee ay mid ku samaysatay, dee anaguna tixgelin mayno tii Ingiriis nagu qasbay ee uu na qabsaday ee uu sameeyay, taladayadana dib baanu ula noqonaynaa”.