Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 24 2014                                             Rajab 24,1435H     

 

 

 

 

“Siilaanyo Waxyaabaha Uu Igula Talin Jiray Waxa Ka Mid Ah, Reerka Habar Awal La Yidha Hala Coloobin Markaa Maxaaa Isbedelay Tolow”C/Raxmaan C/Qaadir Guddoomiye Ku Xigeenkii 2-Aad Hore Ee Kulmiye

Hargeysa, May 23, 2014 (Haatuf)  - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, ayaa sheegay in Xornimadda iyo Madaxbanaanidda Somaliland ay ku timid halgan adag oo loo soo galay,isla markaana ciidda haddii la tuujiyo  uu ka imanayo dhiigga mujaahidiintii SNM waxaa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo la talin jiray isla markaana uu ku dardaaay inaanu la colloobin reerka la yidhaahdo Habar.

“Waxay dadku kaaga jeedaan waa Haatuf iyo Hubaal haddii labadaa la waayo oo aad dadka afka ka xidho fadhiyi maysid oo dadku kaa joogi maayaan ee waa inaad sida ugu dhakhso badan u soo daysaa,soo daa ayaan ku leenahay waxay ku xidhan yihiin sharci darro iyo dulmi ee soo daa.”ayuu yidhi Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax

“Aniga Axmed Siilaanyo wuu ila talin jiray waxyaabaaha uu igu yidhina waxaa ka mid ahaa waligaa iska ilaali oo  hala colloobin reerka Habar Awal la yidhaahdo,markaa maanta maxaa is bedelay tolow ee uu Axmed ula colloobay,waa mid is weydiin leh”.