Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 3570 |
May 25 2014 Rajab 24,1435H |
|
|
Madaxwayne Siilaanyo Oo Si Caadifadaysan Xilkii Uga Qaaday Wasiirkii Ganacsiga Oo Ka Diiday Inuu U Saxeexo Warqadii Madaxtooyadu Ku Soo Dhoob-Dhoobtay Xubnihii Golaha Dhexe Iyo Ka Fulinta Ee Kulmiye Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Xil Ka Qaadista Dr Maxamed C/Laahi Cumar Oo Ka Socda Magaaladda Gabiley Hargeysa, May 25, 2014 (Haatuf) – Madaxwayne Siilaanyo ayaa xalay xilkii ka qaaday wasiirkii ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar oo hore u ahaan jiray wasiirka arrimaha dibadda, kaas oo lagu badalay masuul magaciisa la yidhaahdo Muuse Qaasim. Sida ay ilo wareedo xogagaal ahi Haatuf u xaqiijiyeen xil ka qaadiska wasiirka ganacsiga Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa waxa soo dadajiyey ka dib markii uu habeen hore ka diiday dalab uu Madaxwayne Siilaanyo u soo bandhigay, kaas oo ka codsaday inuu saxeexo go’aankii shirguddoonka Shirwaynaha Kulmiye ay ku soo saareen xubnaha golaha dhexe iyo fulinta ee madaxtooyadu dabada ka riixaysay oo uu si cad u diiday Maxamed C/laahi isla markaana madaxwaynaha si cadho leh ugu sheegay inaanu saxeexaynin go’aankaas oo uu ku dooday inaan markii hore lagala tashanin, waxna laga waydiinin isaga oo guddoomiye ku xigeenkii shirgudoonkaasi ahaa. Ilo wareedadan ayaa waxay intaas ku dareen in diidmadii uu wasiirka hore ee ganacsiga ee xilka laga qaaday kala hortagay madaxwaynaha oo uu u sheegay inaanu sharci ahayn in hogaanka xisbiga oo jooga in liiska golaha dhexe iyo ka fulinta in cid kale ku dhawaaqdo inuu sharciga baalmarsan yahay, iyada oo ay go’aankaasi uu u cuntami waayey madaxwaynaha. Dhawaan ayey ahayd markii uu amar diido uu sameeyey wasiir ku xigeenkii hore ee daakhiliga C/laahi Abokor Cismaan oo isagu markii la soo xulayey ergooyinkii shirwaynaha Kulmiye oo uu ka reebay masuuliyiin ka soo jeeda gobolka Saaxil inay marwada madaxwaynuhu ka dalbatay inuu lix xubnood ku daro, taas oo uu isaguna si cad u diiday oo uu si kulul uga dalbaday inay marwadu faraha uga qaado arrimaha beesha gobol Saaxil, isla markaana amar diidadaaasi keentay in si degdeg ah xilka looga qaado Wasiir ku xigeenkaasi oo madaxtooyada aad ugu dhawdhawaa mudooyinkii u danbeysay. Dhinaca kale Mudaharaado lagaga soo horjeedo xil ka qaadista Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka socda magaaladda Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, halkaas oo uu taageero laxaadle ka haysto Wasiirka xilka laga qaaday, kuwaas oo ku dhawaaqayey hal ku dhigyo lagaga soo horjeedo xil ka qaadistiisa. |
|