Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 25 2014                                             Rajab 24,1435H     

 

 

 

 

Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Iyo Maalgashiga Oo Ka Xog-Waramay Sababaha Soo Dadajiyey Xil Ka Qaadistiisa

“Markay Noqoto Mabaa’diida  Iyo Karaamadayda  Diyaar Uma Ihi Inaan Qaato Wax Aanan Aaminsanayn Oo Ila Khaldan”Wasiirkii hore ee Ganacsiga Dr Maxamed C/laahi Cumar

Hargeysa, May 25, 2014 (Haatuf) - Wasiirkii hore Wasaaradda Ganacsiga iyo maal-gashiga Somaliland Dr.  Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo xalay madaxwyne Axmed Siilaanyo, xilka ka qaaday ayaa sheegay in xil ka qaadistiisu ay ka dhalatay ka dib markii ay madaxweynaha isku arragti ka noqon waayeen  furdaaminta  khilaafka xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE.

“Marka hore jecelahay inaan madaxweynaha uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee aanu u soo shaqeynay afartii sanadood ee u dambeeyay, iyadoo saddex sanadood ah aan ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda iyo sanadkii u dambeeyay oo aan ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo maal-gashiga oo runtii aanu si wanaagsan u soo wada shaqaynay,”ayuu yidhi  Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu maanta  siiyay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.

“Warqadda xilka qaadista inkasta oo aanay wali I soo gaadhin oo aanan gacanta ku haynin, haddana war-saxaafadeedyadda aan arkin may tilmaamin asbaabta xil ka qaadistayda, hase yeeshee waxa jiray  khilaaf beryahan-ba socday oo u dhaxeeyay xisbul xaakimka KULMIYE iyo xukuumadda. Waxaa markaa nasiib darro Aniga iyo madaxweynuhu isku arragti ka noqon kari waynay qaabka loo furdaamin  karayo ama labada geesoodba la iskugu soo dhaweynayo,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Wasiirkii hore ee Ganacsigu waxa uu sheegay in Madaxweynuhu ku shaqeynayo tallooyin khaldan oo ay siinayaan masuuliyiin ka tirsan dawladda, tallooyinkaasi oo ah qaar sii xumaynaya khilaafka xisbiga KULMIYE Dhexdiisa.

“Waxa ii muuqatay aniga shakhsiyan in madaxweynaha la siinayo tallooyin  sii adkayn kara khilaafka Hoggaanka xisbiga iyo madaxtooyadda, waxaanu madaxweynuhu qaatay inuu tallooyinkaasi ku shaqeeyo. Aniguna waxaan goostay inaanan ku shaqaynin ama aanan ku hawl-gelin tallooyinkaas”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga oo la weydiiyay in xil ka qaadistiisu ay la xidhiidho inuu la saftay garab ka mid ah dhinacyadda KULMIYE isku haya, waxaanu yidhi   “Xilkaqaadistaydu waxaan filayaa inay arrintaasi la xidhiidho, waxaanan anigu aaminsanaa in khilaafkaas xisbiga lagu soo dhammeeyo si nabad-gelyo ah oo wada hadal ah, hase yeeshee tartamadii hore ee xisbiga dhexdiisa ka jiray waxaan anigu la socday Hoggaamiyaha xisbiga oo aan taageerayay.  Arrintaasina waxay ku soo dhammaatay si wanaag ah oo guul ah.”

Dr. Maxamed Cabdilaahi oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa keenay  khilaafka haddii la soo gabo-gabeeyay shirweynihii, waxaanu ku jawaabay “Shirweynihii si fiican ayuu ku dhammaaday, inkasta oo ay jirtay wada shaqayn xumo xisbiga iyo xukuumadda ahi, hase yeeshee arrintaasi may noqon mid waxyeesha xidhiidhka labada geesood. Hase yeeshee shirku inta uu socday iyo markii uu dhammaaday-ba waxay noqotay in khilaafaadkii labada geesood ee hore u jiray uu runtii aad u sii xoogaystay oo aan isleeyahay waa afkaarihii aan anigu danaynayay maadaama oo xisbigu yahay xisbigii tallada haya oo uu yahay xisbigii xukuumaddan dhalay ee tallada dalkana ku guulaystay, markaa anigu aan u arkayay in xisbiga la dhiso oo la hagaajiyo.

Laakiin waxay u muuqata in tallooyinkii madaxweynaha la siinayay ay noqdeen qaar wax sii kala fogaynaya. Dadka siinaya tallooyinkani waa masuuliyiin Wasiirro iyo dad kaleba leh. Waxaanan isleeyahay waxay ahayd in tallooyinkaasi dhulka la dhigo oo aan xisbiga loo arag cadow xukuumadda ka soo horjeeda.”

Wasiirkii Ganacsiga oo la weydiiyay in xil ka qaadistiisu ay soo afjari karto khilaafkii xisbiga KULMIYE, waxa uu yidhi “Waxaan rajaynayaa oo anigana talladaydu ahayd in aan loo maro arrinta khilaafka ka dhaxeeya Hoggaanka xisbiga iyo madaxtooyadda loo maro dhabo nabad-gelyo iyo wada hadal ah, waxase muuqata in tallooyinka qaarkood ay yihiin qaar kharibaya xidhiidhkaas.”

“Markaa waxa igu adkaatay inaan tallooyinkaasi ku shaqeeyo oo aanan arrintaasi ku hawl-gelin, madaxweynaha waxaan u hayaa ixtiraam iyo xushmad, laakiin markay noqoto mabaa’diida aan aaminsan nahay iyo sharafta iyo karaamadayda shakhsiga ah diyaar uma ihi inaan qaato wax aanan aaminsanayn oo ila khaldan,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.