Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 25 2014                                             Rajab 24,1435H     

 

 

 

 

“Wasiir Fadhiyay Ayaa Waxa Uu Ku Yidhi Maxamed Cabdilaahi Cumarow Waa La Dagaalamayaa Labada Dhinac Mid Raac Sababtaa Ayaana Loo Eryay, Mid Kale-Na Wuxuu Igu Yidhi RRU-Dii Ayaa Heegan La Galiyee Yaan La Idin Xidhin Adiga Iyo Muuse Biixi”

“Madaxweyne Siilaanyo Cidi Lama Magacowdo Golahiisa Wasiirada Muuse Biixi-Na Cidi Lama Magacaabayso Guddida Fulinta”Guddoomiye Ku Xigeenka 1-Aad Ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed

Hargeysa, May 25, 2014 (Haatuf) - Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed ayaa khashifay sababaha xilka looga qaaday wasiirkii ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr Maxamed C/laahi Cumar, kaas oo uu sheegay inuu xilkiisa ku waayey diidmo uu kala hortagay guddidii shirgudoonka shirwaynaha Kulmiye ee iyagu ku dhawaaqay liisas ay madaxtooyadu soo qorqortay oo u badan dad madaxwayne Siilaanyo taabacsan oo muduci ku ah guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi.

Mujaahid Maxamed Kaahin waxa uu sidoo kale fariin adag u diray Madaxwayne Siilaanyo oo uu ugu baaqay inuu wax ka qabto faro-galin uu ku eedeeyey wasiiradiisa oo uu tilmaamay inay burburinayaan xisbul-xaakimka dalka ee Kulmiye.

Maxamed Kaahin Axmed waxa uu cod dheer ku iclaamiyey in sida uu distuurku ugu madaxbanaaneeyey inuu madaxwayne Siilaanyo magacaabo golihiisa xukuumadda inuu Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi-na uu xaq distuuri ah u leeyahay magacaabida guddida fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. Waxaanu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaaladda Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay intiisa badan khilaafka xisbiga Kulmiye. Ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waynu la soconay in Xisbiga KULMIYE 28-kii Ilaa 29-kii Bishii hore uu ahaa Shirweynihiisii 3-aad oo ku qabsoomay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, arrimaha uu muranka iyo Khiaafku ka taagan yahay ee aanu immika Labadayada qolo isla hor-taaganahay ee aan aniguna immika ka hadlaayo Shalayna ay iyagu ka hadlayeen waxa weeyI Go’aamadii ka soo baxay shirweynihii 3-aad ee Xisbiga, guddidii shir-guddoonka ahayd sida uu qeexaayo distuurka xisbiga KULMIYE  waxay awoodoodu ku eekayd saacadii uu dhamaaday Shirweynihii Xisbigu, waxay ahayd in maalintii shirku dhamaaday maalintii ku xigtay ay nagu soo wareejiyaan Ducuments-kii shirka maadaama aan Shirweynihii laga ansixin xubnihii Golaha dhexe, haddii aanay arrintu ahayn Xisbi bur-burin, haddii aanay arrintu ahayn mid cid loogu jeedo, waxa kale oo ay guddidaasi soo saareen in Shirweynihii Xisbigu ansixiyay oo loo codeeyay go’aamo ay shaaciyeen, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqaynaa inuu dhex-dhexaad ka noqdo khilaafka KULMIYE”. Maxamed Kaahin Axmed isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaasi raaciyey “Habeen hore ayaa Madaxtooyada la isugu yimi,waxaan idhi guddidii shir-guddoonku way kala dhantaalnayd Guddoomiye ku Xigeenkii shir-guddoonka Shirweynaha oo saaka la eryay  waxaa loogu yeedhay in uu shalay ka hadlo Shirkii Guddidaasi qabatay wuxuu yidhi Madaxweyne kii horena waa la iga qariyay kana ka qayb-gali mayo. wasiir fadhiyay ayaa waxa uu ku yidhi Maxamed Cabdilaahi Cumarow waa la dagaalamayaa labada dhinac mid raac sababtaa ayaana loo Eryay Wasiirkii Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar. Madaxweyne Siilaanyo cidi lama magacowdo golahiisa wasiirada Muuse Biixi-na cidi lama magacaabayso guddida fulinta, qoladan cimrigoodii dhamaaday ee guddidii shir-guddoonka Shirweynihii xisbigu waxay yidhaadeen waxaynu shir ku qabsanaynaa Ambbaasador Hoteel dabeed waxaynu dooranaynaa guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga, xeerka xisbiga guddoomiyaha xisbigu isagaa ah guddoomiyaha golaha dhexe  isagaa ah ninka isugu yeedhaya golaha dhexe marka la xaqiijiyo Liiska golaha dhexe waxa awood u leh in uu yidhaado Guddoomiyaha Golaha dhexe ha la doorto, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, hudheelada la kiraysanyo iyo waxay samaynayaan Guddidii shirweynaha xisbigu waxay kaw ka tahay burburinta xisbiga KULMIYE”. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, isaga soo bandhigay mushkilado ay wasiiradda xukuumadu ka dhex wadaan xisbul-xaakimka, waxa uu yidhi “Madaxweyne dhibaatada ku haysa iyo dagaalka xisbiga KULMIYE ee jira ee wasiiradaadu kow ka yihiin, dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Xilka golaha wasiirada waxa uu u tilmaamayaa xubinta golaha wasiirada ahi waxay Madaxweynaha u matashaa hawlaha uu u xil-saaray, wasiirada ku yidhi Maxamed Cabdilaahi Cumar waa dagaale dhinac raac dabadeed xalay loo eryay waxay rabaan inuu KULMIYE u burburo sidii uu bur-buray xisbigii UDUB. laba nin ayaa saaka ila soo hadlay midi waxa uu igu yidhi xalay ayaanu erinay Maxamed Cabdilaahi Cumar,mid kalena waxa uu igu yidhi RRU-dii ayaa heegan la galiyee yaan la idin xidhin adiga Iyo Muuse Biixi, hadii xisbiga KULMIYE janadii ku galaayo xadhiga aniga iyo Muuse Biixi Cabdi labadayaduba jeelkaanu is gaynaynaa”.