Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 26 2014                                             Rajab 27,1435H     

 

 

 

 

Shalay Iyo Maxkamadii Xukun Qarqooshka Siilaanyo: Qalinkii Mustafe Abdi Mooge

Kiiska macmalka ah ee loo haysto guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatiraha wargeyska Axmed Cali Cige oo dhagaysigiisii 2-aad qabsoomay ayaa garsooraha qaadayey dacwadda Mr Asad, wuxuu halkiisii ka sii waday xukun-qarqooshnimadii lagu arkay dhagaysigii 1-aad ee qabsoomay 10-kii bishan May 2014-ka mid la mid ah ama kaba sii daran.

shalay waxa maxkamadda yimid Baashe Cawil oo uu sodog u yahay Madaxwayne Siilaanyo, waxaanu hoolka soo galay iyadoo  ay la socoto ilaalo hubaysan oo ka tirsan Bilayska, kuwaas oo mid ka mid ahi Baashe la soo galay hoolka maxkamadu uu sitay qori AK 47 ah.

Baashe wuxuu meesha ka akhriyey eedo cusub oon ku jirin xaashidii eedaynta (Chart Sheet) ee ka koobnayd 11-ka eedood, taas oo ay xeer ilaalintu u soo gudbisay Maxkamadda intii aanu bilaabmin dhagaysigii dacwadu.

Garsoore Asad ayaa doorkana qareenada Haatuf iska hortaagay inay su’aalo khuseeya eedaha, doodaha sharci iyo marag-kaca ka dhanka ah labada masuul ee Haatuf ee Maxkamadda laga hor sheego. Tusaale ahaan Baashe Cawil oo ay xeer ilaalintu markhaati ahaan u qabsatay ayaa markii ay ka dhamaysteen waxay qareenada Haatuf isku dayeen inay wax ka waydiiyaan waxyaalihii uu meesha ka yidhi.

Hase yeeshee garsoore Asad ayaa su’aalihii qareenada Haatuf ee ay isaga soo mariyeen gaashaanka ku wada dhuftay, dhawr su’aalood oo intuu u sii daayey markii danbe ka dhexgalay mooyaane.

Waxyaabaha uu Baashe Cawil ku dacwooday waxa ka mid ahaa in isagoo muwaadin ganacsade ah ay Haatuf sharaf-dil ku samaysay markii ay ku sheegtay inuu waraaq uu shirkadaha ajanabiga ah kula macaamili karo ka soo qaatay madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud. Markii la waydiiyey waxa uu ka ganacsado waxa uu ku jawaabay inuu gawaadhida ka keeno dibadda. Markii ay qareenada Haatuf waydiiyeen in hadii uu yahay muwaadin iskii u shaqaysta oo aanu dawladda ka mid ahayn, maxay tahay sababta uu uga mid noqday masuuliyiinta dawladda ee ka dacwoonaysa Haatuf oo  Halkay xeer ilaalintu  uga doodayso uu qareen u qabsan waayey? Sida labada muwaadin ee Guddoomiyaha iyo Tafatiraha Haatuf ayaa su’aashaas inuu ka jawaabo Baashe waxa ka joojiyey garsoore Asad oo su’aashii ku tilmaamay mid aan Baashe xaq loogu lahayn.

Su’aalaha kale ee uu durray garsooruhu waxa ka mid ahaa mid ku saabsanayd sida uu Baashe ganacsigiisa u bilaabay iyo inay jirto cid dawladda ah oo maal-galisay iyo in kale.

Mar Baashe la waydiiyey in madaxtooyadu leedahay gaadhigii uu maxkamadda ku yimid iyo in kale wuxuu ku jawaabay inuu isagu leeyahay baabuurkaa, taas oo uu qareenka Haatuf ka daba geeyey su’aal kale oo ah hadii aad adigu gaar u leedahay gaadhigaa maxaa dhex-dhigay kaamboolka maxkamadda een xataa loo ogolayn gaadiidka garsoorayaasha in la dhex-dhigo?miyaanay taasi muujinaynin inaad leedahay awood dawladeed oo lagaaga haybadaysanayo?.

Aflagaadooyinka uu Baashe kaga cawday Haatuf waxa ka mid ahaa “Wiilyar oo xidid ku xoolow ah”.

Markii uu qareenka Haatuf waydiiyey sababta uu uga cabanayo erayadaasi maadaama aan isaga shakhsiyan la magac-dhabin, waxa uu ku jawaabay inuu isku qaatay in isaga loo jeedo, dabadeeto waxa uu farta ku fiiqay sawirkiisa oo ku yaala cadadka wargeyska ee uu ka cabanayey  inkastoo sawirka iyo erayadaasi uu ka cabanayey ay ku kala yaaleen laba mawduuc oo kala duwan.