Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 27 2014                                             Rajab 28,1435H     

 

 

 

 

Xarunta Xuquuqul Iinsaanka Oo Baarlamaanka Uga Digtay Inay Ansixiyaan Xeer Ay Xukuumadda U Gudbisay Oo U Ogolaanaya Inay Dhagaysato Teleefanadda

Xeerkan Ka Hortaga Iyo La Dagaalanka Argagixisada Ayaa Ogolaanaya In Dacwadaha Loo Dhegaysto Si Qarsoodi Ah, Dawladda-Na Siinayaa Awoodo Badan Oo Ay Ku Mamnuucdo Mu’asasaadka

Hargeysa, May 26, 2014 (Haatuf) – Xarunta Xuquuqal Iinsaanka (Human Rigthts Center) xafiiskooda magaaladda Hargeysa ayaa baarlamaanka uga digay inay ansixiyaan xeerka ka hortaga iyo la dagaalanka argagixisada oo ay xukuumadu u gudbisay golaha wakiiladda, kaas oo xadidaya xuquuqo badan oo distuurku u damaanad-qaaday muwaadiniinta Somaliland.

Xeerka ayaa sidoo kale dhabarka ka jabinaya xoriyatul-qawlka, isla markaana dawladda u ogolaanaya inay dhexgasho oo ay dhagaysato telefoonadda, abuurayana in dacwadaha loo dhegaysto si qarsoodi ah, halka uu xukuumadda siinayo awoodo badan oo ay ku mamnuucdo mu’asasaadka.

Waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saartay xarunta xuquuqal iinsaanka, aanu ku saxeexan yahay Agaasimaha fulinta Mowlid Farah Mouse. Kaa soo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Dawladda Somaliland waxay Baarlamaanka u gudbisay xeerka ka hortagga iyo la dagaalanka argagixisada oo ah xeer ku xadgudbaya xuquuqda aadanaha

Golaha Wasiirada ee Somaliland waxay u gudbiyeen Golaha Wakiilada Xeerka ka Hortagga iyo La-dagaalanka Argagixisada. Xeerkan cusubi wuxuu ku yahay xad-gudub dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. Wuxuu jebinayaa xoriyaadka iyo xuquuqaadka aasaasiga ah oo ay ku jiraan xorriyadda ra’yi dhiibashada, xoriyadda is-gaadhsiinta, xoriyadda bannaan-baxa, dacwad qaadis xaq ah iyo xaqa is-difaaca, xoriyadda dhaqdhaqaaqa iyo xoriyadda is-abaabulka. 

Xeerkan qabyada ahi wuxuu u qeexayaa argagixisonimada si balaadhan oo daba furan. Qeexidda aragagixisonimo ee ku jirta xeerkan waxay keenaysaa cadibaad iyo in lagu dabaqo ficilo balaadhan oo aad u kala duwan.

Xarunta Xuquuqal Insaanku arimaha badan ee ay ka welwelsan tahay ee ku jira xeerka waxa ka mid ah:

 

1.         Wuxuu abuurayaa in dacwadaha loo dhegaysto si qarsoodi ah iyada oo aanay ka soo qayb-galin cidda la eedaynayo iyo cid metelaysa tooni

 

2.         Wuxuu siinayaa dawladda awoodo badan oo ay ku mamnuucdo mu’asasaadka

 

3.         Wuxuu ogolanayaa in la dhexgalo oo la dhegaysto is-gaadhsiinta dadka sida telefoonada, boostada IWM kadibna loo adeegsado cadayn ahaan

 

4.         Wuxuu awood baaxad leh u siinayaa Booliiska inuu dadka xidho isaga oo aan wadan amar qabasho

 

5.         Wuxuu ogolaanayaa in la qabto oo lala wareego hantida dadka iyada oo aan loo marin hanaan sharci

 

6.         Wuxuu abuurayaa hab dacwadeed siinaya booliiska iyo xeer-ilaalinta awoodo fara badan islamarkaana wuxuu xadidayaa xaqa dastuurku damaanad qaaday ee dadku u leeyihiin inay iska difaacaan maxkamada horteeda

 

7.         Xeerku waa mid madmadow badan oo aan cadayn

 

8.         Ciqaabaha ku jiraa waa kuwo naxariista ka fog oo aan u dhigmin ficilada dadka lagu ciqaabayo

 

9.         Wuxuu ogolaanayaa in la diido diiwaangelinta ururada samafalka ah iyo in lagala noqdo diiwaangelinta ururada samafalka ah

 

10.        Wuxuu ku yeelan doonaa saamayn xun xawilaadda lacagaha

 

11.        Waxa ku jira dembiyo ay maamulayaan xeerar kale sida dembiyada la xidhiidha duulista madaniga ah kuwaas oo ku jira xeerka duulista madaniga ah oo isna horyaal Golaha Wakiilada

 

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa:

 

•           Golaha Wakiiladu inuu diido Xeerka ka Hortagga iyo La-dagaalanka Argagixisada

 

•           Dawladdu inay dib ula noqoto xeerkan ku xadgudbaya xuquuqda aadanaha

 

•           In xeer kasta oo loogu talo galay in lagula dagaalamo argagixisada uu noqdo mid waafaqsan dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka”.