Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 28 2014                                             Rajab 28,1435H     

 

 

 

 

“Waxa Jira Koox Ka Tirsan Xukuumadda Oo Caan Ah, Bahdayada Amnigu Waxaanu Odhan Jirnay Gunti-Gaab, Magacyadoodana Way kala Bad-badalaan Mar waxay la baxaan Al-Itixaad, Ikhwaanul-Muslimiin, Ictisaam, Marna Waxay la baxaan Al-Shabaab”

“Isma Hayaan Muuse Biixi Iyo Axmed Siilaanyo, Khilaafka Kulmiye-Na Inuu Halka Uu Maanta Marayo Gaadho Waxa U Sabab Ah Kooxdaasi Sawir Diimeedka Isku Qarinaya Laakiin Afkaartoodu Tahay Afkaar Siyaasiya” Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga C/Laahi Abokor

Hargeysa, May 27, 2014 (Haatuf) – Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Amminga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa markii ugu horaysay daboolka ka qaaday koox wadaado ah oo urur-diimeedo xagjir ah ka tirsan oo xukuumadda Siilaanyo awood badan ku leh, kuwaas oo uu sheegay inay magacyadooda bad-badalaan, isla markaana mar la baxaan Al-Itixaad, Ikhwaanul-muslimiin, Ictisaam marna kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ee dagaalada ka wada Somalia.

Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga ee wasaaradda daakhiliga C/laahi Abokor waxa uu ku dooday inaanu khilaaf u dhaxaynin Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, balse ay Shabakaddan wadaadada ah ee xukuumadda ku jiraa inay xiisada siyaasadeed ee ka dhextaagan ay ka danbayso oo ay iyagu abuureen, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay dalka fidmo ka dhex abuurayaan.

C/laahi Abokor waxa uu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay huteelka Guuleed ee magaaladda Hargeysa. Ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Somaliland waxay gashay xaalada adag, waxaana Sabab u ah Group uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo ah koox caana, qoladayada Ammniguna waxaanu u naqaanay Gunti-gaab. kooxdaasi magacyo badan ayey isticmaashaa, Ruutkooda Koowaad-na waa Ikhwaanul Muslimiin Magacyadoodana way kala bad-badalaan, mar waxay la baxaan Al-Itixaad, Ikhwaanul Muslimiin, Ictisaam Marna waxay la baxaan Al-Shabaab. marka ay doonayaan inay dal qabsadaana waxay abuuraan Khilaafyo iyo khataro badan, nimankaasi sawir diineed ayay isku qariyaan  laakiin Afkaartoodu waa afkaar Siyaasiya, laba Siyaaboodna way weeraraan inta badan si ay dalka gacanta ugu dhigaan waxay ku dadaalaan in ay hantida dalka gacanta ku dhigaan,waxa kale oo ay awooda saaraan in ay talada dalka gacanta ku dhigaan”.C/laahi Abokor isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Isma hayaan Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Siilaanyo Khilaafka KULMIYE in uu halka uu maanta marayo gaadho waxa u sababa Kooxdaasi ,Kooxdani waxay Immika ku hawlan tahay Samaynta Guddida Culimada”

Sidoo Kale Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga ee dhawaan Madaxwayne Siilaanyo xilka ka qaaday waxa uu khashifay khilaafyo diini ah oo ay kooxdaasi ka dhex abuurtay Masaajidada magaalooyinka Somaliland gaar ahaa Hargeysa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayna waxa uu yidhi  “Somaliland maanta waxa ku yaala Masaajido la isku haysto, sababna waxa u ah Kooxdan aan sheegay waxaanay doonayaan in ay Maamulaan Masaajidada dalka oo dhan,waxaan shacabka reer Somaliland u sheegaya in aanu jirin Khilaaf u dhaxeeya Xukuumada iyo Xisbiga KULMIYE ,kooxdani waxay immika bartilmaameedkooda ka dhigtaan in ay baabiiyaan Ahlusana wal-jamaaca iyo ururka la yidhaa Salafiyiinta”.