Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 28 2014                                             Rajab 28,1435H     

 

 

 

 

Hargeysa: Xildhibaan Siciid Cilmid Rooble Oo Eedo Kulkul USoo Jeediyey Madaxtooyada, Iclaamiyey-na Inay 31-Ka Bishan May Qaban-Doonaan Shirkii Lagu Dooranayey Hogaanka Golaha Dhexe Ee Xisbiga

Hargeysa, May 27, 2014 (Haatuf) - Garabka taageersan hogaanka Xisbiga KULMIYE ayaa maanta iyaguna iclaamiyey inay shirkoodii golaha dhexe ee ay qabanayeen 31-ka bishan May ee aynu ku jirno, maadaama oo ay hore madaxtooyadu ugu dhawaaqday in shirka golaha dhexe hogaankooda lagu dooran doono uu kowda bisha danbe ee June ka qabsoomi doono huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ku hadlaayey afka garabka uu hogaaminaayo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa  shir-jaraa’id oo uu maanta qabtay waxaa u kaga dhawaaqay in ay iclaaminayaan in iyaguna ay shirkoodii golaha dhexe qabsanayaan 31-ka May,isaga oo sida oo kalena tibaaxay in ilaa bari ay sii daynayaan liisaskii Golaha dhexe sidaasina ay ku qabsanayaan Shirka Golaha dhexe.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxaa uu sida oo kale u ka waramay halka uu khilaafka Xisbiga KULMIYE uu salka ku hayo,isaga oo sheegay ilaa maalintii Muuse Biixi Xilka lagu wareejiyey in ay jireen dad doonayey in aan Madaxweyne Siilaanyo Xilka Gudoomiyenimada Xisbiga KULMIYE aanu ku wareejin Muuse Biixi oo uu Siilaanyo isku ahaado Gudoomiyaha Xisbiga iyo Murashaxa Madaxtinimada danbe,waxaana Isaga oo ugu horayn arimahaasi ka hadlaya uu yidhi:

“Waad ogtihiin maanta xaalada uu xisbigu maraayo, waad ogtihiin in duulaan lagu soo qaaday Xaruntii Xisbiga iyo madaxdii xisbiga oo inqilaab ka socdo qaranka maanta ama dee gaar ahaan xisbigan waad ogtihiin, waad ogtihiin in huteelada lagu shiro oo madaxtooyadii ku soo duushay Xisbiga waad ogtihiin, waxaan hadaba doonayaa in aan halkan uga jawaabo ragii shalay hadlaayey ee ku hadlaayey afka xukuumada ilayn kumay hadlayn afka Xisbigee. waxa weeye arintani may bilaabmin imika ee Afar sanadood ka hor ayaa ay bilaabantay oo markii uu doorashada Xisbiga Kulmiye helay waxaa distoorka noogu taalay in muddo 30 Cisho  gudahooda ah uu guddoomiyenimada xisbiga ku wareejiyo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga hadii uu ku guulaysto doorashada, madaxweynuhu waa uu fuliyey qodabkaa  oo waa taad ogaydeen in maansoor lagu qabtay xil wareejintii, hadaba arintani ilaa maalintaas ayaa ay socotay oo dadbaa aan raaliba ka ahayn in odayga laga wareejiyo Gudoomiye-nimada oo uu odaygu gudoomiye ahaado, murashax uu ahaado intaas oo dhana waxaa nalagu lahaa gudoomiyenimadaa  lagu wareejiyey Muuse Biixi-na waa ku meel gaadh”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo hadalkisii Sii wata “Horta golihii dhaxe waa uu baxayaa maanta iyada oo uu Xisbigu uu isticmaalayo awoodiisii sharciyeed,golihii dhaxe waa la sii daynayaa shirkiisa ugu horeeyana 31-May ayaa la qabanayaa anaga ayaa cadayna taa Golihii dhexanaa waa sii daynaynaa oo waanu sii daynaynaa liisaskoodii oo baritana waa ay naga wada bixayaan waana lawada arki doonaa taa,waxaana aanu icilaaminaynaa in aan anaguna 31-ka may aanu anagu qabanayno shirka yagii”Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Si kastaba ha ahaatee shalay ayaa ay ahayd markii ay iyaguna garabka dhinaca Xukuumada taabacsani ay ku dhawaaqeen in Shirkii golaha dhexe ay qabanayaan 1-da Juun,waxaana ay arintani noqonaysaa mid sii kala fogaynaysa dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo ee Xisbiga KULMIYE.