Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 30 2014                                             Rajab 29,1435H     

 

 

 

 

Ciidanka RRU-Da Oo Jidadka Magaaladda Hargeysa Ku Xidh-Xidhay Baabuurta Ay Ku Arkaan Sawiradda Guddoomiyaha Kulmiye

Wasiiradda Xukuumadda Oo Loolan Guddoomiyaha Kulmiye Iyo Madaxwayne Siilaanyo Sii Cakiraya, Kuna Taliyey In Xoog Lagu Muquuniyo Kornaylada Kulmiye

Hargeysa, May 29, 2014 (Haatuf) – Ciidanka ka hortaga Argagixisada ee RRU-du ayaa jidadka magaaladda Hargeysa ka ururinayo oo xabsiga u taxaabaya baabuurta iyo dadka saaran ee lagu arko Sawiradda guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo tan iyo markii uu shaaciyey inuu madaxwayne Siilaanyo kula tartami doono musharaxnimada Kulmiye ee doorashadda soo socota ee shanta sano ee danbe lagu bilaabay dagaal iyo weeraro siyaasadeed oo lagu muquuninayo balse ilaa imika lagu mari laayahay garabka uu hogaaminayo.

Tan maalintii uu Muuse Biixi Iclaamiyey hankiisa siyaasadeed ee doorashadda shanta sano ee danbe ayaa wasiiro xukuumadda ka tirsan oo ka amar qaadanaya Madaxtooyadu ay bilaabay inay ummadda ku abuuraan shaki badan oo lagu xagal-daacinayo hanka Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo qaaday talaabooyin ay ku sii murjinayaan xaalada cakiran hogaanka Kulmiye iyo madaxtooyada u dhaxeeya.

Sidoo kale dhaqamadan cusub ee ay ku talaabsatay xukuumadda Siilaanyo ayaa ah kuwo circa ku sii shareeraya khilaafka taagan, isla markaana meesha ka saaray waan-waanta socota iyo isku soo dhawaynta ay golaha guurtida Somaliland ku mashquulsanayeen 48-kii saacadood ee u danbeeyey.

Ilaa iyo imika ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hogaanka xisbiga Kulmiye oo lagaga hadlayo talaabadan foosha xun ee cago-juglaynta iyo tacadiga ah ee ay ciidanka RRU-du ku bar-tilmaameedsanayaan baabuurta dadka rayidka ah ee lagu dhajiyey sawirada guddoomiyaha Kulmiye oo u muuqda nin dhaqamadda noocan ah ku sii helay shacbiyad aanu marka hore lahayn.