Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 30 2014                                             Rajab 29,1435H     

 

 

 

 

“Waxaan Taageersanahay Madaxweynahahay-Ga, Isagaa Musharax Ii Ah” Wasiirka Madaxtooyadda Siilaanyo Mr Xirsi Cali

Hargeysa, May 29, 2014 (Haatuf) - Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Galabta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheergay inuu taageerayo Musharaxnimadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu dhawaan shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu xusay inuu ka qayb-qaadanayo in Madaxweyne Siilaanyo mar kale u loolamo Madaxtinimadda Somaliland.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Qof waliba xaq-buu u leeyahay waxa uu ku dhawaaqayo laakiin anigu Wasiir baan ahay oo waxaan taageersanahay Madaxweynahahay-ga isagaana musharax ii ah isaaagan taageersanahay.” ayuu yidhi Wasiir Xirsi

Taageeraddan uu Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X. Xasan u muujiyay Musharaxnimadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa sii xoojin-karta Muranka Siyaasadeed ee hadda ka taagan Xisbiga KULMIYE.