Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 31 2014                                             Rajab 29,1435H     

 

 

 

 

Xukuumadda Siilaanyo Oo Mid Ka Mid Ah Shirkadaha Shidaal Ka Baadhi Doonta Oodwayne U Ogolaatay Inay Samaysato Ciidamo U Gaar Ah Oo Ilaallin Doona Goobaha Ay Shidaalka & Macdanta Ka Badhayaan

Ciidamada Ayaa Magacoodu Noqon-Doonaa Oilfield Protection Unit (OPU), Kuwaas Oo La Filayo Inay Hawl-Geli Doonaan Daba-Yaaqada Sannadkan

London, May 30, 2014 (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland ayaa go’aansatay inay cutubyo ciidamo ah oo si gaar ah u  tababaran isla markaana la qalabeeyay loo sameeyo goobaha laga sahaminayo shidaalka ee dalka Somaliland, kuwaas oo  sugi doona heerka ammaan ee ay shirkadaha sahaminta shidaal ka bilaabaya dalku u baahan yihiin, isla markaana mustaqbalka dhow si ammaan ah u sahli doona hawl-galada sahaminta iyo qodista shidaalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay mid ka mid ah shirkadaha sahaminta shidaalka ee la yidhaahdo Sterling Energy Plc, waxaa la bilaabay qorshihii lagu aasaasi lahaa ciidamadan oo loogu yeedhi doono OPU (Oilfield Protection Unit), waxaana la filayaa inay hawl-geli doonaan daba-yaaqada sannadkan.

Guddoomiyaha Shirkaddan Sterling Energy Plc, Alastair Beardsall, ayaa war-saxaafadeedkan waxa ku sheegay in abuurista ciidankani uu shirkadiisa u suurto-gelin doono inay si dhakhso ah u bilowdo sahaminta dhinaca shidaalka.

“Waxaanu ku faraxsannahay tallaabada hore looga qaaday abuurista ciidamada ilaalada goobaha shidaalka, waxaanuna rajaynaynaa in si degdeg ah hawl-galadayada sahaminta shidaalka ka bilowno goobta Oodweyne la yidhaahdo” ayuu yidhi Alastair.

Sidoo kale shirkadda Sterling Energy waxay ku dhawaaqday muddo-kordhin laba sannadood ah oo loogu kordhiyay muddada heshiiskeeda wax-soo-saar ee ay kaga baadhayso shidaalka goobta Oodweyne, iyadoo laysku nidaamin doono wakhtiyada shaqadeeda.

header“Waxaanu uga mahadcelinaynaa xukuumadda Somaliland inay muddadii noogu kordhisay laba sannadood, taas oo noo saamixi doonto inaanu helo wakhti aanu ugu diyaar-garowno si mustaqbalka dhow aanu u qaadno hawl-galo si nabad iyo ammaan leh u fula,” ayuu raaciyay guddoomiyaha shirkadda Sterling Energy.

Waxa uu Bearsaall sheegay in dib u dhaca ku yimi hawsheedii sahaminta iyo qodista shidaalku ay sabab u ahayd jiritaan la’aan ciidanka hadda la abuurayo.

Dhulka shidaalka laga baadhayo ee loo yaqaano Oodweyne Area, ayaa waxaa heshiis shuraako ah ku wada haysta saddex shirkadood oo kala ah Shirkadda Genel Energy oo leh heshiiskaas 50%, halka 40% ay leedahay shirkadda Sterling Energy, iyadoo 10% soo hadhayna ay leedahay shirkadda loo yaqaan Petrosoma.

Goobta Wax-soo-saarka shidaalka (PSC) ee Oodweyne ayaa ka kooban boloogyada SL6 iyo qayb ka mid ah boloogyada SL7 iyo SL10, kuwaas oo ku fadhiya baaxad dhuleed oo dhan 22,840 square kilometers.

Si kasta ha ahaatee, dastuurka Somaliland ayaa waxa uu dhigayaa in dalka Somaliland yeesho oo keliya saddex ciidan oo kala ah, Bileyska, MIlateriga iyo Asluubta, hase yeeshee ilaa hadda lama oga ciidanka cusub ee ilaalada shidaalku taliska ciidan ee ay hoos tegayaan iyo xeerarka lagu maamuli doono.

Sidoo kale heshiisyada sahaminta iyo soo saarista shidaal ee ay xukuumadda Somaliland la gashay shirkadaha shisheeye ayaan marnaba la horkeenin Golaha Wakiilada Somaliland ama baarlamaanka oo dastuurku dhigayo inay ansixiyaan heshiisyada noocyadan oo kale ah.