Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 31 2014                                             Rajab 29,1435H     

 

 

 

 

Wasiirkii Hore Ee Caafimaadka Oo Meel Adag Iska Taagay Jahawareerka Madaxtooyadu Ku Burburinayso Xisbul-Xaakimkeeda

 “Muuse Biixi Wuu Gayaa In Uu Is Sharaxo Maantana Cid U Diidi Kartaa Ma Jirto, Waana Xaq Dastuuriya Waxaan, Anaguna Dadka Uu Bari Isku Halaynayo Ayaanu Nahay Ee Ha Ku Bushaaraysto”Dr Xuseen Xoog

Hargeysa, May 30, 2014 (Haatuf) - Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog) ayaa madaxtooyada ku eedeeyey inay masuul ka tahay khilaafka iyo dagaalka lagu burburinayo xisbul-xaakimka, kaas oo taageero xoogan u muujiyay musharaxnimada Guddoomiyaha Xisbga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Dr Xuseen Xoog waxa uu shaaciyey in isaga iyo beeshiisa koonfurta Hargeysa inay taageero laxaadleh ula diyaar yihiin inay ku barbar istaagaan Muuse Biixi oo uu ku tilmaamay masuul u qalma inuu dalka Madaxwayne ka noqdo, isla markaana lagu xad-gudbay xuquuqdiisii distuuriga ahayd.

Wasiirkii hore ee Caafimaadka xukuumadda Siilaanyo Xuseen Muxumed Maxamed (Dr Xuseen Xoog) waxa uu sidoosi  ku sheegay mar uu maanta ka hadlay shir ay beeshiisu ku taageeraysay Musharaxnimadda Muuse Biixi oo ka qabsoomay magaaladda Hargeysa.ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Khilaafka KULMIYE waxa uu Salka ku hayaa Musharax-baan ahay iyo ma tihid,Qofku in uu yidhaado Musharaxbaan ahay Xeerka Xisbiga KULMIYE iyo Dastuurkaba wuu ku qoran yahay,Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi wuu gayaa in uu is sharaxo Maantana cid u diidi kartaa ma jirto,waana xaq dastuuriya waxaan shacabka ugu baaqayaa in ay Ilaaliyaan Nabad-galyada Taageerayaasha Xisbiga KULMIYENA waxaan leeyahay aynu nabada ilaashano anaguna waxaanu nahay kuwa ugu horeeya ee Nabada Ilaaliya, Beesha(Ciidagale) boos loo magacaabo waxa uga Muhiimsan Ilaalinta Nabada Somaliland”Dr Xuseen Xoog isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxaan Hogaanka KULMIYE iyo Xukuumadaba ugu baaqayaa Ilaalinta Nabad-galyada Somaliland Musharaxnimada Muuse Biixi-na cid diidi kartaa ma jirto, anaguna dadka uu bari isku halaynayo ayaanu nahay hana ku bushaaraysto Muuse Biixi Cabdi”.