Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 31 2014                                             Rajab 29,1435H     

 

 

 

 

“Dhibku Waxaad Moodaa Inuu Ka Taagan Yahay Dheeraad Nin Dooney Iyo Nin Ku Dhagey Xaqqiisii, Waa Gardaro Garab Og Waxaabey Maraysaa Rag Leh Anagaa Xisbiga Iska Leh” Xoghayaha Hayaha Hidaha Iyo Dhaqanka Xisbiga Waddani

Hargeysa, May 30, 2014 (Haatuf) - Xog-Hayaha Hidaha Iyo Dhaqanka ee Xisbiga Mucaaradaka ah ee WADDANI Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Jamac ayaa ka hadlay khilaafka murugsan ee Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE,waxaana uu sheegay in khilaafka xisbiga KULMIYE  ka taagani uu yahay mid salka ku haya nin wax dheeraad ah doonaya,waxaana uu tibaaxay in mujaahid Muuse Biixi Cabdi uu taageero iyo tacaba u soo huray Xisbiga, kana doortay in uu Xil dawladeed uu qabto,balse ay niman kale Xisbiga ku haystaan oo dhadhama raac ahi sida u hadalka u dhigay ay ku qabsadeen Xibiga.

Xog-Hayaha Xisbiga Mucaaradka  Ah ee WADDANI ayaa hadalkan ka sheegay Shir-jaa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa,waxaana ka mid ah hadaladiisii isaga oo arimahaasi ka hadlaaya. “Waxaynu maqli jirney kulmiyaa is haysta iyo hadana wey dhameysteen laakiin waxa lagu dhameeyey mey ahayn wax sharci iyo distoorkooda toona. xeer jajab odayaal sida RRU da saqda dhexe gurguurta dhoodhoobeen ayaa xal laga dhigaayey. Dhibkuse waxaad moodaa inu ka taagan yahay dheeraad nin dooney iyo nin ku dhagey xaqqiisii. Waar waateynu ogeyn ee nimankii tacab iyo taageeraba uhurey X.kulmiye markuu guusha heley la yidh dawlada iyo xisbiga kala toorta ay xisbigii doorteen, dawladey dhaliyeena rag kale ku dul maalayey ee maanta markey tii xisbigu timid maxaa loogu haystaa. Waa gardaro garab og waxaabey maraysaa rag leh anagaa xisbiga iska leh , dhadhama-raacna weyska jiraa. Tanuse waxay daba socotaa markii cagta la mariyey hantidii qarankani lahaa oo ahayd”

Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe waxaa uu sida oo kale isaga oo hadalkiisii sii wata uu sheegay in Xukuumada Siilaanyo ay Iska laashay Shuruucdii uu dhigaayey distoorka qaranka Jamhuuriyada Somaliland,waxaana uu tibaaxay in ay samaysatay Xisbi afaraad “Qaranimadii oo la kala yeeshey, Distoorkii oo noqdey kitaabkii CUMAR IID oo maalinba qodoka aan la rabin inta xagga danbe laga tuuro aayar uun layska leeyey kana goormey ku Dareen, Xisbiyadii qaranka waxa loo sameystey xisbi afraad oo madaxdii qaranku ka wada muuqdaan maayaradii iyo badhasaabadii iyo xataa shaqaalihii dawladu u wada ololeynayaan seddexdii xisbina ka dhigay mid ay burburiyaan midey taayiro gubis iyo mudaharaad kal hor yimaadaan midey caabudla jidgooyo ugu sameeyaan waxaan dawladba waligeed lagu arag laguna maqlin,waxaasoo dhami waa uu diidmo axsaabta tirada ah iyo dimuqraadiyada iyo malaa kalitalisnimo iyo dib ugu noqosho filim umadani hore u soo eedey”.Ayuu yidhi Xog-Hayaha iyo Dhaqanka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Ugu danbayntii xog-haya hidaha iyo dhaqanka ee xisbiga muxaafadka ah ee WADDANI waxaa uu ku eedeeyey Xukuumada Siilaanyo in aanay doonayn in ay ilaaliso Xuquuqul insaanka iyo sida oo kale in ay doorasho dalka ka dhacdo “Adeer saxaafad xor ah la dooni maayo xoriyatuqawl iyo xuquuqal insaan lama rabo doorasho iney dhicina allaa og waayo markaad eegto warbaahinta kacaanka doorashdu waa dooro madaxweynahaaga adoo DOORAN DOONA Kulmiye waa xisbi qaran waxaanu ugu danbeeyey hantimihii qaran cagta la maryey ee alow hanti qaran wynaye halis qaran naga hay”Ayuu yidhi Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Jaamac.