Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 31 2014                                             Rajab 29,1435H     

 

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo Oo Hor-Imankari Waayey Warbaahinta, Cajalad Laga Soo Duubay Ku Sheegay Inuu Musharax Yahay, Fariin Adagna U Diray Guddoomiyaha Kulmiye

“Umma Dulqaadanayo Mana Aqbalayo Cidna……., Waxaan Ku Qaban Doonaa Gacan Adag, Ma Nihin Kuwii Shaanida Lagu Baqo Gelinlahaa, Sharciguna Wuxuu I Siiyey Labo Jeer (Two Terms), Ma Dhacdo Xisbi Xaakin Guulaystay Oo Xisbigiisu La Tartamaa” Axmed Siilaanyo
Hargeysa, May 31, 2014 (Haatuf) – Madaxwayne Siilaanyo ayaa tahli-kari waayey inuu hor yimaado warbaahinta oo uu qabto shirjaraa’id oo uu kaga hadlayo xaalada murugsan ee dalku galay, kaas oo cajalad laga soo duubay Maanta loogu yeedhay warbaahinta inay baahiyaan, balse saxafiyiintii madaxtooyada galay oo u badnaa kuwa ka hawlgala Telefishanada ay ka biyo diideen dhaqankaasi, kuwaas oo ku dooday inay arintaasi ka hor imanayso shuruucda caalamiga ah ee warbaahinta dunida.
Madaxwayne Siilaanyo ayaa cajaladaha laga soo duubay ku sheegay inuu u tartami doono musharaxnimada madaxwayne-nimo ee xisbiga Kulmiye ee shanta sano ee danbe, kaas oo ku dooday in sharciga dalku uu kooto ugu xidhayo maadaama oo xisbul-xaakimkii uu talada dalka hayo inaanay cidi kula loolami karin, balse uu isagu diyaar u yahay in lala tartamo.
Axmed Siilaanyo ayaa waxa uu fariin adag u diray guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay mudo dheer rafiiq ku ahaayeen siyaasada, kaas oo uu ku dooday inaanay jirin meel uu Muuse Biixi ugu balanqaaday inaanu doorashada shanta sano ee danbe u tartamaynin.
Madaxwayne Siilaanyo waxa uu sidoo kale si adag uga hadlay laba qarax oo habeenadii ina dhaafay ka dhacay magaaladda Hargeysa, kuwaas oo uu ku faanay inaan isaga lagu baqo-galinkarin. Ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Dhamaan waxaan salaamayaa bulshada Somaliland gudo iyo debedba, waxaan jecelahay in aan wax ka idhaahdo labo shay oo inagu cusub, kuwaas oo ah: A) Amaanka, iyo Qaraxyada inagu soo kordhay.
B) Khilaafka Xisbiga Kulmiye.Nabadgelyadu waa shay ku qaaliya umada reer Somaliland, waxay usoo mareen dariiq dheer, waxaynu umad ahaan ku difaacnaa inagoo isku duuban, waxaynu feejigo u lahayn, oo iska illaali naynay, cadaw meel fog inooga yimaada, waxaase ayaan daro ah, in kuwii aan ammaanka u diray iyo kuwii damaca lahaa, ee dalkan inay xukumaan doonayey, laga soo sheego waxyaalo ammaanka kulidi ah, iyo inay isku dayaan in ay qarankan khalkhal geliyaan.
Waxaan leeyahay qarankan anigaa masuuliyada 1-aad iga saarantahay, umma dulqaadanayo mana aqbalayo cidna gorgortan kala gelimaayo ammaanka iyo xasiloonida dalka. Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo gelinlahaa.
Madaxwaynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxaa maalmahan soo baxayey khilaaf xisbiga Kulmiye dhexdiisa ah, waan ka xumahay manaan filayn wakhtigan oo waxaan u haystay in aan kala reebay intii is haysay, oo weliba guddi turxaan-bixineed u saaray, taasoo suurta gelisay in shirwaynihii loo soo gebagebeeyo si quruxbadan. waxaana halkaa lagu doortay shirgudoonkii maamulayey shirka, Hogaankii Xisbiga iyadoo laysla qaatay in Golihii dhexe iyo fulintii lagu soo ururiyo shirgudoonka shirka, Waa lagu soo ururiyey waanay soo saareen.
Hadiiba uu soo baxo is-fahmi-waa, waxay ahayd in si hoose loo dhameeyo, hogaanka xisbigu wadafadhiisto, Kaadirka xisbiga loo yeedho, Xildhibaanada la talogeliyo, hadiii taasi dhamayn waayaan xisbigu sharci buu leeyahay dalkuna sharci buu leeyahay. buuq iyo qaylo toona looma baahnayn”.
Axmed Siilaanyo mar uu ka hadlayey khilaafka Kulmiye, waxa uu yidhi “Arinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee, waxaa jirtay oo golaha dhexe soo saaray inaan gudoomiyaha ku wareejiyo marka aan ku guulaysto tartanka doorashada madaxweynaha, waxaanan ku wareejiyey bil-gudaheed”.
Isaga oo Siilaanyo hadalkiisa sii wata isla markaana sheegaya inuu mar kale isu soo taagi doono Doorashada Madaxtinimada ee la filayo in ay qabsoonto sanadka 2015, waxa uu yidhi “Waxaa Xisbigu ii doortay musharaxa madaxweynaha waanan ku guulaystay sharciguna wuxuu i siiyey labo jeer (Two Terms), waan sharaxanahay diyaarbaan u ahay cidkasta oo illa tartanta, waxay ahaan jirtay dabeecada nidaamka dimuqraadiyadu in la tartamo balse ma dhacdo xisbi xaakin guulaystay oo xisbigiisu la tartamaa. Aniguse waxba kamaqabo”. Madaxwayne Siilaanyo isaga oo ka hadlaya dhexdhexaadka golaha guurtida ee khilaafka Kulmiye, waxa uu yidhi “Odayaasha Guurtida waa kumahadsanyihin dedaalka, qiimo wayna waan u hayaa, xaasha ma diidin mana diidikaro oo waxaan ahay ninkii 80 cod ay kaga kexeeyeen duco-qaado balse arintani waxay u baahantahay in xisbiga gudihiisa iyo sharcigiisa lagu daweeyo”.