Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 31 2014                                             Rajab 29,1435H     

 

 

 

 

Somaliland Uun Bay Ka Dhacdaa

Qalinkii Axmed Aadan Maxamed (Qaybta 7 Aad)

Akhristayaal sidii ay taxanaha inoo ahayd waxaanu soo qaadanay laba xeeladood oo ay nimankan xagjirka ah ay u adeegsadaan in bulshada Somaliland dhaxgal ku sameyaan kuwaaso aanu hore laba qaybood soo qaadanay oo kala ahaa iskuulada iyo isgaadhsiinta sidii aanu idiin balanqaadnayna qaybta sadexaad in aanu idiin bandhigno Xawaaladaha iyo rugaha lacagta lagu xawilo oo ay magacyo badan u bixiyeen laakinse waxaanu idiinka raali galinaynaa duruufo soo kordhay awgood anu qaybta dambe ku soo bandhigi doono arrimahaasi maantase waxaanu idiin bandhigi doonaa laba qof ama laba magic iyo laba hay;dood oo ay ka hawl galaan kuwaaso kala ah Idaacada Quraanka Kariimka ah ee uu Wasiir Khaliil meel la garanayo ka keenay iyo idaacada Radia Hargeisa qaybta wacyigalinta arrimaha Diinta ah .
Labadaasi qof waxay kala yihiin Sh Yusuf Aden oo ah Maddexa Golaha Shuurada ee ururka Xag jirka ah ee Al Ictisaam ninkan oo Dalka Isutaga Imaaraadka laga tarxiilay sanadkii 2004 kii markii ay Hay’adaha Amaanka ee dalkaasi ay dareeno amnidaro laga shakiyay isaga oo dalkaasi ka waday fidmo iyo isku dir kula dhax kufay dadka jaaliyada reer Somaliland eek u dhaqan dalkaasi Imaaraadka .
Wadaadkan wuxuu taariikh madow ka galay reer Somaliland isaga oo maalgalin ku sameeyay bilowgii sagaashamaadkii ee qarnigan ururka Xag jirka ah ee Al itixaad kuwaasi oo ay dhiiga u dareen dad aan waxba galabsan magaalooyinka Bosaaso iyo bariga Somaliland , markii ururka SNM dagaalka jihaadka ah la galayay Nidaamka Siyaad Bare wadaadkani wuxuu safaarada Wahaabiyada ee Abu dabay ka qaadan jiray awaamiirka oo la faray in uu SNM ta dhaxdeeda ka bilaabo tashwiish iyo xaalad abuur iyo in uu isku diro unugyada Militeri ee SNM si ay isku dhacaan oo ay halkaasi ku burburto halgankii iyo qadiyadii ay reer Somaliland ay u nafwaayeen isaga oo adeegsanayaa cudurka khatarta ah ee Qabyaalada .
Ninkani imika dalka ayuu jooga wuxuuna muxaadarooyin ka gala Masaajidka Madmadwagu hadheeyay ee noqday hoyga Argagixisada ee Cali Mataan , ninkani wuxuu ka mid yahay 12 qof oo wadaad isku sheeg ah oo mushar qadarkiisu yahay 3000$ (Sadex kun oo dollar) ka qaata U qaybsamaha arimaha Diinta ee Safaarada Wahaabiyadu ku leedahay dalka Jabuuti ninkaasi oo la yidhahdo Mr Al Xakami .
Wadaadkan marka aanu eegno xilialka uu dawlada ka hayo waxaa ka mid ah la taliyaha khaaska ah ee Wasiirka Diinta iyo awfaaqta Somaliland Sh Khaliil oo ay wadaagaan xubinimada ururka Al Ictisaam ee xag jirka ah , ninkan wadaadka ah waxaa xiligii dawladii Maddexweyne Rayaale wuxuu ahaa raga ay cadaaladu daba socotay isaga iyo Khaliilkan Wasiirka ahba 2007 kii waxa xabsiga dhigay labadoodaba jelka oo ay sirdoonka Somaliland ay qabten laakin manta waataa la arkayo iyada oo geed lagu gabanayn oo hadh cad ah ay manta yihiin dad xilal u hayaa dawladan manta jirta ee Maddexweyne Silaanyo.
Qofka labaad na waa nin la yidhahdo Maxamed Kaahin ninkan wuxuu can ku yahay Magaalada Hargeisa wuxuu ahaan jiray Maamulaha Guud qaybta wax barashada Hay’adda Geeska afrika ee u leeyahay Maxamed Cali Geedi waxaana u dheera hawlo qarsoodi ah oo khatar ah isaga oo uu dhalinyarada reer Somaliland uu kula kulmi jiray masjiidka Al Huda ee Xaafadaha bariga Hargeisa ka dibna uu ka dhax sameyn jiray dhalinyaro fikrada xagjirnimada uu ku beeray uu saari jiray gawaadhida u kala gooshta magaalooyinka Kismaayo iyo baraawe ee Somalia hargeisana uu ka diri jiray si ay ka qayb galaan dagaalka ay Shabaabku ka wadaan dalkaasi Somalia , ninkan laftiisa waxay dawladii rayaale ee gacanta adag ku haysay amaanka dalka way daba socon jirtay waxaana isaga iyo sh yusuf aden iyo khaliilba hal mar ay wada xidhnaayeen jiilka Hargeisa.
Hadaba akhriste waxaa layaab iyo amakaag ah in manta ninkan uu Maddextooyada dalka laga maamulo uu ka yahay la taliyaha Wasiirka Maddextooyada isaga oo ugu magacaaban la taliyaha arrimaha sharciga iyo awqaafta ee Maddextooyada mushaharna ku qaata .
Idaacada Radio Hargeisa gaar ahaan qaybta wacyigalinta diiniga ah ay u gacan gashay iyaduna ururadan iyo shakhsiyaadkan xag jirka iyada oo 2010 wixii ka horeeyay ay qaybtaasi idaacada ah ay gacanta ku hayeen wadaado qunyar socod ah oo dhaxdhaxaad ah oo bulshada galin jiray fariimo sax ah in la is jeclaado oo la isxaal ogaado la iskuna naxaristo iyada oo la marayo diinteena suuban iyo madhabkeena aanu ka dhaxlay awoowyaasheen ee Shaaficiga mantase ay qaybtaasi wacyigalineed ee Radio Hargeisa la wareegay Xafiiska dacwada ee hoos timaada ururka Xagjirka ah ee Al Ictisaam , xafiiskan oo u Wasiir khaliil ku wareejiyay barnaamijka wacyigalinta ee dalka oo dhan isaga oo u diiday kana hor joogsaday wadaadadii waligoodba haysan jiray ee qunyar socda lagu yiqiinay .
Akhriste marka aanu eegno mudadii afarta sanno ahayd ee xukuumadan Kulmiye waxaa aad dareymaysaa in xagjirnimadu ay aad u faftay waliba aan lagaba xishoonayn oo ay cadaan lagu hadaaqayo lagu shaqaysto wadaada ka baqi jiray waa la idiin daba socdaa oo markay kilmadaasi maqlaan ay mashriq iyo maqriba u kala yaaci jiray ay manta cid ay ka baqdaan iskadaayo iyagii baba haystaa xafiisyadii umaadan laga mamulo kuna xidideystay adeegyada bulsho.
Idaacada Quraanka Kariimka ah hadii aanu soo qaadano umad waliba dhaqan bay u tahay hadii ay tahay umad muslim ah in ay quraanka barato oo ay dhageystao idaacadahana laga si daayo tafsiirkeeda waayo waa waajib la ina faray lakin waxay balaayadu ka dhacday marka quraanka kariimka ah ee munazal ka ah loo adeegsado dano gaar ah oo looga jeedo in dhinac ama dal shisheeye lagu faafiyo madhabka wahaabiyada ah idaacada quraankuna noqoto meel ay ururo dimeed oo diintu ogolayn ba tafaraaruqa iyo xisbinimada islaamka in ay gacanta ku dhigaan .
Horta akhriste ma is weydiisay halka la inooga keenay idaacada quraanka kariimka ?
Hadii aad su’aashani u doonayso jawaab waxaad dib ugu noqotaa war bixintii Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee shaqada laga eryay ee Boobe yusuf Ducaale oo sababta kaliya ee loo eryeyna tahay markii uu runta ka sheegay idaacadan ku ag rakiban ee aan waxba ka ogayn halka laga keenay iyo waqtigii lagu ag rakibay idaacadii qarabka ee Radio hargeisa .
Akhriste idaacadan u fiirso labadan qodob oo kala ah
1- Marka ay hawada soo galayso idaacadani qofka wariyaha ah ee ka hawlgala idacadan ka maqli maysid sidii caadadu inoo ahayd ee anu u baranay marka ay Radio hargeisa soo galayso ay tidhahdo ‘halkani waa Radio hargeisa codka jamhuuriyada Somaliland”
idaacada quraanka ku maqli maysid halkan waa idaacada quraanka kariimka ah ee radio Hargeisa ee Somaliland .
2- Nin kaliya ayaa wariye ka ah idacadan kaas oo la yidhahdo Maxamed Cali Al Somali magaca ugu dambeeya oo ah Al Somali waxay sheegeysaa in uu yahay nin aaminsan mabda’a Somaliweyn in u yahay Somaliland na ka soo hor jeeda waayo hadii uu Somaliland nimada jecelyahay waxaa loo bixin lahaa Al Somalilandi waliba waa qof aan ka tirsanayn shaqaalaha dawlada bayroolka mushaharka shaqaalaha dawladana kuma jiro oo waxaa lacagta laga siyaa musharooyinka Al Xakami u u soo diro inamadiisan cigaalka iyo cimaamada cas wata ee amarka ka qaata.
Akhriste bal waxaad iga jawabta wadankeenan halkee buu ku socdaa dadkanse maxay naga rabaan dalkan ilaahay nimceeyay ee nabadan qaaliga ah siiyay ee laga wada faaiday kuwii ka faaideyna ay yihiin dadkan aanu sheegayno oo maantana u hanqal taagaya oo wali u hilanaan qabaa simalia ee aan aaminsanayn qadiyada Somaliland ?



La soco qaybta 8 aad ……….