Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

June 2 2014                                             Rajab 29,1435H     

 

 

 

 

Wasiirka Macdanta Oo Sifo Shaqsi Ah U Qabsaday Qareeno Ka Difaaca Shirkadda EARG Oo Ku Eedaysay Inuu Ka Dhacay Block 19

Hargeysa, June 2, 2014 (Haatuf) - Waxa soo shaac-baxaya xogo cusub oo ku saabsan dacwad ay fooda iskula jiraan Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) iyo shirkadda EARG (East African Resource Group) iyadoo uu wasiirku sifo shaqsi ah qareen ahaan u qabsaday Baker Botts oo ah xafiis ay leeyihiin garyaqaano Maraykan ah oo caan ahi.
Shirkadda EARG oo la odhan jiray Asante Oil heshiis shidaal baadhis ahna la gashay dawladda Somaliland sanadkii 2008-dii ayaa ilaa dabayaqaadii 2013-kii ku dacwoonaysay in Wasiirka macdantu si sharci daro ah u bixiyey Block 19 oo ah dhul ay iyadu Leysan u haysatay, isla markaana uu wasiirku dhulkaasi oo ku yaala gobolka Sool ku wareejiyey shirkadda Ansan taas oo uu leeyahay ganacsadaha Yemeniga ah ee Shaahir Cabdul-Xaq.
Hadaba mulkiilayaasha iyo qareenadda shirkadda EARG ayaa bishii May ee ina dhaaftay waxay xukuumadda Somaliland soo kala waydiiyeen in iyadu magaceeda ku soo wakiilatay qareenada Baker Botts iyo in wasiirku shaqsi ahaan u soo wakiishay Baker Botts. Hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda kala cadayn cida qabsatay looyaradaasi Maraykanka ah.
Laakiin baadhitaan uu Wargeyska Haatuf ku sameeyey arrintan ayaa waxa uu ku ogaaday in Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale A.K.A Hussein Osman Farah uu qareenadda Baker Botts shaqsi ahaan u qabsaday, iyadoo uu takaaliifta faraha badan ee ku baxaysana uu ka qaabilay Shaahir Cabdul-Xaq taas oo xukuumadda Somaliland ku noqon karta fadeexad caalami ah in Wasiir ka mid ahi uu si shaqsi ah u maamusho uguna tagri-falo hanti qaran oo uu masuul ka yahay oo waliba madaxwaynihiii dalkuna sidaas kula socdo kuna ogol yahay.
Wararka dacwadan ay shirkadda EARG oo dhinac ah iyo shirkadda Ansan iyo wasiirka macdanta oo dhinaca kale ahi ku murmayaan lahaanshaha Block 19 ee ay qareenada caalamiga ah isku qabsadeen ayaa waxa uu wasiir Xuseen ku tilmaamaa qaar aan sal iyo raad toona lahayn iyadoo eedaha 11-ka ah ee ay dawladda Somaliland ku oogtahay Wargeyska Haatuf ay ka mid yihiin qaar ay ka qortay is-haysigan ka taagan Block 19 iyo ceebta ka soo socota ee saamaynta ku yeelan doonta sumcadda dibadeed ee dalka Jamhuuriyada Somaliland.
Wasiirka macdantu shirjaraa’id oo uu magaaladda Hargeysa ku qabtay 20/12/2013 wuxuu ku soo bandhigay Jeeg $1,800,000 (Milyan iyo sideed boqol oo kun oo doolar) kaas oo uu ku sheegay lacag xaqul-qalin ahaan uu uga qaaday shirkadda Ansan oo uu heshiis kula galay inay shidaal ka baadho dhulka Block 19, 14 iyo qayb ka mid ah Block 7 oo dhamaantood ku yaala barriga Somaliland (Wasiirka ayaa 10/5/2014 dhagaysigii maxkamadda ee dacwadda ay dawladu ku soo oogtay Haatuf ku dooday inuu $1,700,000 xaqal-qalin ahaan uga qaaday shirkadda Ansan).
Shirkadda EARG oo ku dacwootay inay iyadu ruqsad u haysato Block 19 sida uu dhigayo heshiiskii ay la gashay dawladda Somaliland 6/2/2008 ayaa waxa uu wasirku qoraal ku taariikhaysan 23/12/213 (laba cisho ka dib markii uu Block 19 ku wareejiyey Shaahir Cabdul-xaq) ku ogaysiinayaa EARG inay lumisay xuquuqdii ay ku lahayd Block 19 taas oo ay shirkadda EARG kaga soo jawaabayso qoraal dheer oo ku taariikhaysan 19/1/2014 oo ay ku garnaqsanayso sida ay iyadu u leedahay Block 19.
Qoraalkan oo ay Wasiirka u soo direen qareenada EARG oo la yidhaahdo CLYDE & Co ayaa waxay dhinac iskaga leexinayaan dhaliil uu Wasiirku u soo jeediyey in shirkad ahaan aanay lahayn awood dhaqaale iyo mid farsamo oo ay ku hawlgasho toona, waxaanay qareenadda shirkadu hoosta ka xariiqayaan in Wasiirku aanu marnaba arrintaas oo kale ku dhaliilin shirkadda EARG ka hor intii aanu Block 19 ku wareejin maalqabeenka Yemeniga ah.
Sida la ogsoon yahay Diyaarad JET ah oo uu leeyahay Shaahir Cabdul-Xaq ayaa waxa mar qaaday Madaxwayne Siilaanyo oo booqanayey dalka Turkiga.
Bulshadda Somaliland ayaan iyagu fursad u helin inay wax ka ogaadaan heshiisyada dhinaca shidaal baadhista ee ay dawladda Somaliland la gasho shirkadaha ajanabiga ah, maadaama oo aan heshiisyadaasi la marinin Baarlamaanka isla markaana warbaahinta Somaliland-na aanay inta badan xogogaal u ahayn arrimahaasi inkasta oo ay xukuumadda Siilaanyo dhawaan albaabada u laabtay Wargeys-yada Haatuf iyo Somaliland Times oo iyagu 10-kii sanadood ee u danbeeyey aad iskugu taxaluujin jiray inay Shacbiga usoo bandhigaan xogaha laga qariyo ee ku taxaluqa heshiisyada shidaal badhista.