Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 May 31 2014                                             Rajab 29,1435H     

 

 

 

 

Hor Imaatin La’aanta Madaxwayne Siilaanyo Ee Warbaahinta Iyo Turjumaadda Laga Bixin-Karo

Faallo; Naasir Aadan Maxamed (Nawaa)

Cajalad Video ah oo la soo duubay ayuu Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) maanta kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa doorashadda madaxtinimada shanta sano ee danbe ee la filayo inay dalka ka qabsoonto sanadka 2015-ka ee inagu soo foolka leh.Galinkii hore ee maanta ayaa afhayeenka madaxwayne Siilaanyo uu warbaahinta ugu yeedhay xarunta Madaxtooyadda oo sida la sheegay ay warbaahintu filaysay inuu Madaxwaynuhu ku qabto shirjaraa’id oo uu khilaafka cakiran ee ka dhex taagan madaxtooyada iyo hogaanka Kulmiye, waxase warbaahintii loo yeedhay oo ahayd suxufiyiin ka socday Telefishanada afka Soomaaliga ku hadla sooc ah oo sita qalabkoodii Kamaradihii ay wararka ku duubanayeen ay halkaasi kala kulmeen arrin la yaableh ka dib markii loo qaybiyey Cajalado DVD ah oo laga soo duubay Madaxwaynaha oo marka la daawado la arkayey in la jarjaray oo mudo dheer laga shaqaynayey sida cajaladaha aroosyada ee lacagta lagu bixiyo habayntooda (Video Editing). Dabcan wariyeyaashii meesha tagay aad bay uga cadhoodeen hab-dhaqankan oo telefishanada ku cusub ee codkii iyo muuqaalkii oo diyaar ah inta loo dhiibay lagu yidhi shirkii jaraa’id ee Madaxwaynuhu halkaasi ayuu ku duuban yahay ee baahiya, isla markaana ay taasi keentay in suxufiyiintii qaar ka mid ahi afhayeenka hortiisa ku daadiyeen cajaladihii.Hadaba waxay is-waydiintu tahay sababta uu madaxwaynuhu u hor imankari waayey warbaahinta la iska arko ee ay raga ku xeerani u door-bideen in cajalad laga duubo isagoo waliba doonaya in dadwaynaha wax doorta uu u sheego inuu isku soo taagi doono doorashadda madaxtinimada ee soo socota si uu shan sano oo danbe xukunka u sii hayo, taas oo ahayd arrin mihiim u ah damaciisa madaxtinimo oon marna ku haboonayn inuu bulshadda kula xidhiidho cajalad laga soo duubay sida looga bartay hogaamiyeyaasha ururadda xagjirka ah oo iyaga sababo la xidhiidha amnigooda isku qariya marka ay hadlayaan, balse xaqiiqatan ay habdhaqankan uga wanaagsanayd madaxwayne Siilaanyo inuu dadka si toos ugala hadlo warbaahinta.Murashax madaxwayne Siilaanyo fagaare uu bulshadii uu codka ka doonayo kala hadlo iska daayoo hadiiba aanu tahli-karaynin inuu warbaahintiiba hor imaado sideebay shacbigu ugu kalsoonaan karaan inuu hogaamiyo shan sano kale?.Hadaba miyaanay shaki ku abuurmi karin mujtamaca Somaliland oo u arki kara in madaxwaynahoodu aanu caafimaadkiisu wanaagsanayd oo laga qarinayo inay ogaadaan, iyadoo waliba ay su’aali ka taagnayd arrintaa mudadii uu xilka hayey oo dhanba.Tan iyo intii Axmed Siilaanyo xilka qabtay waxay gacan-yarayaashiisu isku taxaluujin jireen inay ka ilaaliyaan shirar jaraa’id oo isaga iyo wariyeyaasha aan loo dhaxayn sida madaxda kale ee dunidda.Axmed Siilaanyo oo ahaa nin lagu yaqaanay aftahan-nimo ayaa afartii sanadood ee u danbeeyey waxa laga dareemayey marka uu qudbadaha akhriyayo hag-hago iyo hilmmaan badan oo aanu hore u lahaan jirin, iyadoo mararka qaarkood uu sida ardayda dugsiyada hoose/dhexe oo kale wax u akhirayo.Mudadaas Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland looga taliyo waxa caado u noqotay in marka madaxwaynuhu qabanayo “shirjaraa’id” loo yeedho TV-yada oo kaliya, Wargeysyada iyo Website-yada oo su’aalo kulkul looga bartayna iyaga codkii oo duuban Emailada loogu diro, waxaana sidaasi meesha uga baxay kaalintii ay dadwaynuhu ku halayn jireen warbaahinta ee ahayd inay diiradda ku hayaan oo ay uga soo waramaan madaxda sarsare ee dawladooda.Inkasta oo ay warbaahintu ku doodi karto inaanay iyadu kaalinteedii gabin ee dambiga ay leedahay madaxtooyadda is-hortaagaysa inay warbaahintu xogogaal u noqoto hadba arrimaha dawladda iyo madaxdeeda, hadana warbaahintu gar kuma helayso aamusnaanta ay kaga muquurata arrintan khatarta ah ee lagaga qarinayo xogaha mihiimka ah ee ay bulshadda u soo bandhigi lahayd.Gabo-gabadii dadwaynaha reer Somaliland gaar ahaa cod-bixiyayaasha ayey sida dhabta ah u taalaa cida ay talada dalka ku aaminayaan, laakiinse ma la tahay gacan-yarayaasha Siilaanyo inay qaabkan ay murashaxooda u maamulayaan (Stage-managed) ay ku heli-doonaan dad badan oo aqlabiyad ku soo saari kara wakhtiga doorashadda???.


Faallo; Naasir Aadan Maxamed (Nawaa)