Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 4 2014                                             Rajab 29Shabcan,1435H     

 

 

 

 

Madaxweyne Siilaanyo oo lagala Baqay inuu Berri Furo Garoonka Xawaadle Xiisadda KULMIYE Darteed

Hargeysa, June 4, 2014 (Haatuf) - Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa lagala baqay inuu furo garoonka kubadda cagta ee Xawaadle ee magaalada Hargeysa, xiisadda siyaasadeed ee ka taagan khilaafka xisbiga KULMIYE darteed.
Xaflad loo ballansanaa in lagu furo garoonka kubbadda cagta xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa, Khamiista berri, ayaa dib loogu dhigay sababo la xidhiidha khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex aloosan xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Maayarka Caaasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa khadka telefoonka ugu xaqiijiyay Jamhuuriya maanta, muddo 10 maalmood ah dib loo dhigay xaflad uu isagu qaban-qaabadeeda lahaa oo u qorshaysnayd in Khamiista maanta lagu furo garoonka Xawaadle oo lagu sameeyay dib-u-dhis weyn oo lagu casriyeeyay.
“Waxaan ku wargelinayaa dhammaan madaxda qaranka iyo marti-sharafta lagu casuumay ka-qaybgalka xafladdii furitaanka garoonka Xawaadle ee berri Khamiista in aannu dib u dhignay muddo 10 maalmood ah, arrimo ku saabsan marxaladda siyaasadeed ee waqtigan dalku ku jiro darteed,” ayuu yidhi Maayor Soltelco.
Dib-u-dhiska garoonka Xawaadle waxa maal-gelintiisa iska kaashaday dawladda hoose ee Hargeysa iyo dadweynaha xaafaddaas, iyadoo lagu wareejiyay deyr dhammaystiran, sidoo kalena laga guray dhagxaan waaweyn oo ku aasnaa gegeda kubbadda lagu ciyaaro.