Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 5 2014                                             Shabcan, 7, 1435H     

 

 

 

 

Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Ku Soo Guryo-Noqday, Kana

Hadlay Xaalada Cakiran Ee Dalku Galay Iyo Shirkii Qaran Ee Ay Hore Ugu Baaqeen

 

“Waxa Maanta Somaliland Isku Bahaystay Cududo Doonaya In Ay Baabiiyaan Qaranka,Gobolo Aynu Leenahay, Wax Mudo Kordhin La Yidhaahdaa Ma Jirto”Guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe

Hargeysa, June 5, 2014 (Haatuf) - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Dalka Dib ugu soo laabtay,ka dib markii uu soo dhamaystay Socdaal uu ku tagay Wadamada Yurub.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa u ka hadlay Xaalada Guud ee uu dalka Marayo iyo Khilaafka Xisbiga KULMIYE, isagoo ka dayriyey xaalada wadanku galay wakhtigan oo uu sheegay inay khatar ku tahay jiritaanka Somaliland, ugu horayna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan maqnaa laba bilood iyo toban cisho hawsha aan ku maqnaa waxay ahayd mid iskugu dhex jirta mid qaran iyo mid xisbi, waxaana socdaalkayga aan ka bilaabay magaalada Nairobi halkaas oo kaga hadlay arimaha diwaan gelinta codbixiyayaasha, ka dibna waxaan Tanzania kaga qayb galay shir ay ka soo qayb galeen asxaabta ilaa labaatan wadan kuwas oo toban ka mid ahi yihiin asxaabta talada haysa ka dibna waxaan tagay wadanka Jarmalka halkaas oo aan kaga qayb galay shir u dhaxeeyey wadankaas iyo Afrika kaas oo ay ka soo qayb galeen 18 wasiir oo dhinaca tamarta u qaabilsan wadamadooda Afrika, ka dibna waxaan tagay Finland aniga oo u dhaafay wadanka Ingiriiska, 18-kii Mayna waxaan kaga qayb galay imaaraadka, arimahaas oo dhana waxay ahaayeen arimo qaran”.isaga oo hadalkiisa sii watan, waxa uu intaas raaciyey “Somaliland waxa isku bahaystay xoogag ka soo hor jeeda oo taladooduna gaadhay inay Somaliland baabiyaan, cadawgeenuna aad iy o aad ayuu u shaqaynayaa sumcad darana waa laynagu riday , gobolo aynu leenahay ayaa la sheeganayaa waxaana inagu socota mu’amarad weyn oo gacmo badan oo shisheeye ah kuwaas oo adeegsanaya Somali ayaa inagu socda, waana taas keentay in la yidhaahdo shiidaalkooda ma qodan karaan ee UN-ta loo diray waxaasina waxay ka imanaysaa maadaama aynu hoosteena ku jeedno oo aynaan kor indhaheena u qaadanayn cadawgeenu waxa uu helayaa masrax uu kaligii ku ciyaaro oo waxa uu doono inaga yeelo”.
Mar uu ka hadlay khilaafka Kulmiye, waxa uu yidhi “Arimaha haatan ka socda Somaliland gaar ahaan xisbiga Kulmiye, xisbiga Kulmiye waaya aragnimo badan ayuu soo arkay waxbaana laga bartaa waxa soo maray is qabsigii Ucid waxa soo maray Udub inuu wax ka faa,iidaystana way ahayd, xisbiguna wuu is qaban karaa oo waxa laysku qabsan karaa waa awood waana layska soo horjeedsan karaa oo ceeb maaha anagu maxkamad ayaanu isla galnay,Udubna wuu ku burburay”.
Guddoomiyaha UCID mar uu ka hadlayey mushkiladaha dalka ka taagan, waxa uu yidhi “Waxa ceeb ah dadka qabaa’ilka ah ee habka qabiil u hadlaya ee marka uu xisbi isku hayo talada aan ahayn mid qaran iyo mid xisbi toona ee awooda dhexdooda ah isku haya in af qabiil lagu hadlo oo qabaa’il soo dhex galo oo ay ku milmaan muranka asxaabta waxay keenaysaa fool xumo weyn, waxaanan ku talin lahaa in dadka laga daayo qabiilka, siyaasaduna waxay leedahay hay’addo sida Asxaabta, baarlamaanka, wasiiro laakiin inay rag meel soo fadhiistan oo ay yidhaahdaan anaga oo reer hebel ah Somali mooyee meel kale aduunka laguma hayo, reer hebel iyo qaranimana isma qabtaan, inaynu noqono qabaa’il xeerarkii qabiilka ku kala socda iyo inaynu distoorka iyo sharciga aynu leenahay ku noolaano wax ka dhaxeeyaa ma jiraan”.
Sidoo kale waxa uu gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid si weyn u canbaareeyey hab dhaqanka ciidamada habeenkii u daadanaya guryaha, isaga oo tilmaamay inay ka mid tahay waxyaalihii laga dagaalamay waxaanu yidhi “Waxa kale oo aad u fool xun ciidamada dadka u dhacaya waana wixii aynu ka dagaalanay ee aynu ku caayi jirnay faqashta, dawlada sidan ku dhaqmaysana sharaf u keeni mayso e sharaf daro ayey u keenaysaa iyaga iyo qoladan kale ee shaanida qarxinaysa, labadaas qolana sharaftii shacabka Somaliland iyo qaranimadii ayey ceeb ku yihiin, wasiiraduna umada ayey u dhaxeeyaan oo waa wasiir qaran in wasiir qabiil uu noqdana maaha, qabiil haddii uu qofku doonayana waa inuu caaqil iyo suldaan doontaa, wasiirkana umadu way u siman tahay inuu af qabiil ku hadlana maaha.”
Waxa kale oo uu gudoomiyaha xisbiga Ucid soo jeediyey in si deg deg ah loo qabto shirkii wada tashiga qaran ee ay hore ugu baaqeen, isaga oo xukuumadana u soo jeediyey inay gacan ka gaysato waxaanu yidhi “Waxaan ku talinayaa in shirkii wada tashiga ahaa deg deg layskugu yimaadaa dawladuna gacan ka gaysataa, hore ayaanu u aragnay inay wax inaga qaldan yihiin hadana way muuqataa, sumcadeeniina hoos ayey u sii socotaa, dawladuna waa inay waajibkeeda qabataa waa wixii loo doortay mana aha waxy ku faani karto waana shaqadeedii haday wado dhistay, haday lacag badashay, haday guro dhistay laakiin dhaliilo badan ayaa jira, shacabkeenana lacag ayaa laga qaadaa tacliintu waa lacag,biyuhu waa lacag,caafimaadku waa lacag, laydhkuna waa lacag markaas shacabka aynaan intaas u qabanayn inaynu isku dul qabqabsano oo maalin kasta wax ay ka naxaan aynu keeno xaq uma laha shacabku”.
Waxa kale oo uu tilmaamay inaanay suurta gal ahayn in khilaafka xisbiga Kulmiye lagu xaliyo mudo kordhin loo sameeyo xukuumada Somaliland, waxaanu sheegay inaan odoyaasha guurtidu aanay taas u dhex gelin daminta khilaafka xisbigaasi waxanu yidhi “Wax mudo kordhin la yidhaahdaa ma jirto, khilaaf ayaana loo diray ee mudo kordhin looma dirin wadanku sharci ayuu leeyahay, maantana wax mudo lagu kordhiyo iyo wax madaxweyne-nimo layskugu laayaa ma jirto, sharcigii ma samaysna, guddi doorashadu ma samaysna, lama mudayn doorashada markaa waxan ay isku haystaanba waa wax aan jirin, marka hore-na waa in wadanka loo diyaariyaa doorasho oo sharcigi la sameeyaa, komishankana la hagaajiyaa, hawlo badan ayaana hadhsan, markaa odoyaasha haddii ay dhex galeen murankaas waxaan leeyahay ilaahay haw fududeeyo, wax kordhis la yidhaahdana ma jiro”.
Dhinaca kale waxa halkaasi ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo ah guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Ciro, Xildhibaano, Masuuliyiin sarsare oo xisbiga UCID ka tirsan iyo dadwayne aad u tiro badan.