Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 7 2014                                             Shabcan, 8, 1435H     

 

 

 

 

Siilaanyo Iyo Wadaadada Ku Xeerani Waxay Khilaafka Kulmiye
Ula Dhaqmayaan Sidii Muran Maamul Oo Ka Jira Wasaarad Dawladeed

Hargeysa, June 6, 2014 (Haatuf) - SNM-tu may aqoon in madaxdeedu ay ka aar-goostaan xubnaha ururka ee aanay isku aragtida ahayn ama dhaliilaba ka hor intii aanu Axmed Siilaanyo ku soo biirin oo ahayd dabayaaqadii 1984.
SNM-tu mar walba waxay u badnayd dhalinyaro aan waligood u shaqayn nidaamkii Siyaad Bare oo ku soo barbaaray dalka oo ay haysato dawlad dadkooda neceb oo dhibta.
Madaxda SNM-tu se waxay mar walba u badnaayeen dad askar iyo rayidba isugu jiray oo usoo shaqeeyey ama dawladii Siyaad Bare ama xukuumadihii madaniga ahaa ee ka horeeyey ama labadoodaba, waxayse madaxdii sanadahaa hore ay ahaayeen niman wax aaminsan oo intay mucaaradnimadii xukunkii askarta ee Siyaad Barre aad ugu fogaatay markii dambe isla gartay in qaabka kaliya ee nidaamkii kalidii taliska ahaa xukunka lagaga tuuri karaa yahay halgan hubaysan oo lagaga hortago.

Hogaamiyeyaashii taariikhiga ahaa ee SNM ee rayid iyo askarba lahaa waxa kale oo ay asiibeen markay ka badheedheen in nidaamka dalka lagu xukumi doonaa marka siyaad bare la rido ahaan doono mid dimuqraadi ah oo dadka u saamaxaya inay iyaga oo xor ah dooran karaan madaxdooda.
Madaxdaasi may is odhan Ethiopia oo hanti-wadaag iyo shuuciyad qaadatay wakhtiyar ka hor aasaasidii SNM-ta 1981 ayaad joogtaane idinkuna iyaga ku dayda balse waxay ninkii xiligaa xukumayey Ethiopia ee Mengiste Haile Maryam aayar u sheegeen in jabhadoodan SNM sida kaliya ee ay isku bixinaysaa tahay iyadoo ay u hogaansanaata kuna shaqaysa waxay shacbigeedu doonayaan oo ah nidaam siyaasadeed oo dimuqraadiyad ku dhisan isla markaana waafaqsan diinta Islaamka ee xaniifka ah iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee suuban oo leh axsaab siyaasadeed oo xor ah, doorasho xor ah, dhaqaale xor ah iyo saxaafad xor ah taas oo uu Mengiste isagoo sheeganaya mabaadiida Marxism-ka aanu ka boodine balse uu waliba ubogay sida saraaxada leh ee ay wax ugu sheegeen ee ka duwanayd sidii Cabdilaahi Yuusuf-kii qaatay kitaabkii Cagaarnaa ee Qadaafi si uu Liibiya hub iyo lacag uga helo.
Laba sanadood intaanay ka soo wareegin markii uu xilka gudoomiyenimada SNM qabtay ayaa Axmed Siilaanyo wuxuu ururkii ka dhex bilaabay habdhaqan cusub oo uu hantida iyo magaca ururka u adeegsanayo la dagaalanka cid kasta oo dhaliisha hogaamintiisa ilaa uu gaadhay xadd uu janaraalkii Herer fadhiyey ee xukumayey ciidamada Bariga Ethiopia u adeegsado in argagixin, xadhig iyo cabudhin lagula dhaqmo xubnihii golaha dhexe ee ururka ee mucaaridka ku ahaa.
Hadaba maanta oo 30 sano ku dhawaad laga joogo taariikhdaa oo madaxweynihii dalkuna yahay Axmed Siilaanyo ayaa waxaynu arkaynaa xisbigii kulmiye oo u kala jabay laba garab oo ay kala hogaaminayaan madaxweynihii Jamhuuriyada iyo gudoomiyihii xisbiga Muuse Biixi.
Run ahaantii waa ku ceeb madaxweynaha inuu u dhaqmo sidii hogaamiye kooxeed xisbi waayo dadku waxay u doorteen inuu madaxweynihii dalka ahaado ee umay dooran xilkan labaad ee uu isagu isu gartay soona shaacbaxay intii uu is-haysiga Kulmiye bilaabmay.
Gefka labaad ee uu madaxweynuhu galay waxa weeye adeegsigan uu awoodii dawlada ee dhamayd u isticmaalayo muquuninta garabka kale ee kula tartamaya cida noqonaysa murashaxa xisbiga ee jagada madaxweynaha Somaliland ee doorashada 2015.
Awoodaha uu Siilaanyo u adeegsanayo la dagaalanka garabka ay xisbiga gudihiisa isku hayaan, waxa ka mid ah ciidankii amaanka ee dalka, cashuurtii dadweynaha laga qaadayey iyo warbaahintii dawlada taas oo aanu madaxweynuhu haba yaraatee xaq u lahayn inuu ku tagrifalo laakiinse ay caadadii tahay inuu sidan u dhaqmo sidaynu horeba uga soo sheekaynay markii uu SNM-ta joogay in masuuliyaadka uu ummada u hayo u isticmaalo damaciisa siyaasadeed iyo danihiisa shakhsiga ah.
Dabcan madaxweyne Siilaanyo distoorka ayaa u saamaxaya inuu doorasho mudo xiliyeed labaad (second term) ah isu soo taago laakiin mushkilada haysataa waxay tahay xisbigii uu iska sharixi lahaa oo lagula tartamayo cida noqonaysa murashaxa madaxweynaha, taasina waa arin daakhili ah oo xisbiga gudihiisa ka taagan ee maaha in loola dhaqmo sidii muran maamul oo ka jira mid ka mid ah wasaaradaha ama hay’adaha kale ee dawlada oo kale, sidoo kale ma aha in labada garab midkoona adeegsado waxyaabaha ummada ka wada dhexeeya.
Xisbi ahaan marka la eegana waxa Kulmiye u fiicnaan lahayd in labadooda garab midkoodna dhiniciisa u afduubin hay’adihii, shuruucdii iyo magacii xisbiga.
Hadii Kulmiye jirayo iyo hadii uu burburayoba waa mid u taala madaxda iyo taageerayaasha xisbiga iyo waliba ashkhaastii aasaastay ee tacabka badan galisay. Hadii ay ka fursan waydo oo xisbigaasi sidii UDUB isna gacanta madaxdiisa ku burburo taasi ma noqonayso arin u taala Somaliland inteeda kale.
Qaladka uu sameeyey Madaxweyne Siilaanyo waxa weeye isaga oo dib uga dhacay xiligii ay ku haboonayd inuu muhmalka ka saaro musharaxnimadiisa waayo intii uu talada dalka qabtayba waxa jiray warar la isla dhex wareego oo odhanayey inaanu shanta sanadood ee dambe isa-soo taagi doonin.
Ilaa hadda lama garan karo sababta Mr Siilaanyo ku kaliftay inuu bari hore is cadayn waayo ee uu mawqifkiisa dib ugu dhigay ilaa iyo wakhtigan maanta ee keentay inay isaga iyo Muuse isku murgadaan xisbigii Kulmiyena dildilaaco.
Miyaanu xisbigu ahayn Faraskii lagaga qayb galayey baratanka loo galayo in lagu haleelo kursiga madaxtinimada dalka? Muuse qudhidiisu may ahayn inay Siilaanyo wax muhmal ah ku wada socdaan intaas oo dhan ee waxa ay ahayd inuu ka sii shaqeeyo in aanu qaraxan oo kale ka dhicin xisbigii uu wax ka doonayey waxna ku doonayey ee uu gudoomiyaha ka ahaa oo hadii Odaygu ka maagay inuu wakhti hore iclaamiyo musharaxnimadiisa aanu Muuse ahaan taas u qaadan in Siilaanyo shanta sano ee dambe isa-soo taagi doonin.
Waxa-se cad in labaduba ay ilaa doorashadii 2010 ee Kulmiye ku guulaystay ay sidii niman digo iyo dambas kala iibinaya u wada socdeen.
Madaxweynuhu isagaa bilaabay xabadii u horaysay ee qaraxa Kulmiye gudihiisa keentay markii uu wasiir ku xigeenkii gudaha Cabdilaahi Abokor uu xilkii uga qaaday sababo la xidhiidha liiska xubnaha golaha dhexe cida uga galaysa beesha Aadan Ciise ee uu Mr Abokor ka soo jeeday oo uu isagu soo qoray liiskooda balse madaxtooyadu ka cadhootay kadib markii ay ka wayday ashkhaas ay taageeradooda tirsanaysay. Inkastoo ay wasiirada kaleba ay iyagu u xilsaarnaayeen inay soo qoraan liisaska beelahooda ka galaya golaha dhexe hadana madaxtooyadu waxa ay liiskii uu soo qoray Cabdilaahi Abokor ka kicisay caasifad weyn oo galaafatay wasiir ku xigeenkii taas oo aan waliba lagaga hadhine balse uu Cali Warancade ka daba diray ciidanka RRU-da kuwaas oo goor saq-dhexe ah gurigiisa ku qaaday weerar waxshi-nimo ah oo uu dirqi iyo tu-xun kaga badbaaday balse naxdin iyo argagax farabadan ku riday qoyskiisii iyo caruurtiisii iyo kuwii jiiraankaba.
Dabcan iclaamintii Muuse Biixi ee musharaxnimadiisuna waxay sii shiday dabkii, inkastoo sida Siilaanyaba xaq u leeyahay inuu isa-soo sharaxo uu Muusana xaq u leeyahay inuu ku hamiyo kursiga dalka looga taliyo.
Hase yeeshee waxaad moodaa in arinta hirdanka Kulmiye ka dhex aloosani ay hada faraha ka baxday oo xataa Xaaji Cabdi iyo Saleebaan Gaalba ay ku adkaan doonto inay xall u helaan waayo lama filayo in madaxweynaha iyo gacanyarayaashiisu ay joojiyaan awoodaha dawladeed ee ay sida cadawtinimada leh ugula dhaqmayaan garabka kale ee ay hogaaminayaan Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo ah labadii u dambeeyey ee Mujaahidiintii halgankii hubaysnaa kaga hadhsanaa regime-ka Siilaanyo ee hada u biyeystay inuu iyagana qabadsiiyo wadadii uu hore u mariyey mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax xiligii shirkii golaha dhexe ee Kulmiye ee ku qabsoomay Burco sanadkii 2008 kaas oo gunaanadkiisii lagaga dhawaaqay in Axmed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici noqonayaan musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga uga qaybgalaya doorashada 2010 iyadoo Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ay Siilaanyo go’aankaasi ku raaceen halka mujaahidiintii kale ee ku sugnaa shirka gudihiisa iyo dibadiisaba ay la safteen Cabdiraxmaan Aw Cali oo uu Siilaanyo ka doorbiday Cabdiraxmaan Saylici.
Hadaba Axmed Siilaanyo oo aanay dhibin ama waxba ku ahayn inuu adeegsado awood kasta oo uu u heli karo muquuninta cida kursiga uu doonayo soo hawaysata isla markaana ka sardhiya tartanka oo aynu ogayn sidii uu u galay xildhibaanka da’da yar ee Maxamed Cali (Obama) markii uu shirkaa golaha dhexe ee Burco uu isku dayey inuu Siilaanyo kula tartamo murashaxnimada xisbiga ee jagada madaxweynaha, sidaas darteed ma laga fili karaa shakhsiyada caynkaas ah inuu u dhaqmo sidii nin madax dawladeed (Statesman) oo xeerinaya milgihii ay madaxnimada iyo dawladnimadu lahaayeen?
Su’aashaasi maaha mid aynu hordhigayno ragii SNM-ta ahaa ee arintii General Abare iyo Siilaanyo ogaa, balse su’aashan jawaabteedu waxay ku xidhnaan doontaa oo ay ka soo dhex bixi kolba sida uu Siilaanyo ayaamaha soo socda ka yeelo khilaafka Kulmiye ee maalinba maalinta ka dambaysa sii durkaya, ee aynu ka dhursugno wuxuu Haatuf-ku soo sido ee Rabbi xukumo.