Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 7 2014                                             Shabcan, 9, 1435H     

 

 

 

 

Hargeysa: Guddidii Saleebaan Gaal U Magacaabay Dhex-Dhexaadinta Khilaafka Kulmiye Oo Iclaamiyey 3 Qodob Oo Madaxwayne Siilaanyo U Sad-Burinaya

Hargeysa, June 7, 2014 (Haatuf) - Guddidii Golaha Guurtidda ee uu magacaabay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) ee dhex-dhexaadinta khilaafka Xisbiga KULMIYE ayaa maanta iclaamiyey go’aamo u sad-burinaya Madaxwayne Siilaanyo, kuwaas oo meesha ka saaray guud ahaan xuquuqdii Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu hore ugu doodi jiray.
Guddidan ayaa shir madaxtooyada ka dhacay kaga dhawaaqay go’aamo ay iskugu soo ururiyeyeen Saddex qodob oo dhabar-jab ku ah damaca iyo hanka Muuse Biixi, kuwaas oo si wayn uga farxiyey madaxtooyada Somaliland.
Go’aankan guddida guurtida ee dhinaca ka rarnaa oo nuqul ka mid ah Haatuf helay ayaa iyagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:-
“Gudoomiyaha Guurtida ayaa ku dhawaaqay go’aankii Golaha guurtida ee khilaafka Kulmiye. oo kala aha: Guddiga Golaha Guurtiddu ka dib
Markii ay dhegaysteen: Dacwaddaha Labada dhinac, darseena Qoraaladdii ay u soo kala gudbiyeen;
arkii ay arkeen : Qoddobka 19aad ee Dastuurka Xisbiga Kulmiye, Xarafkiisa H, Faqradiisa 1aad; Markii ay arkeen : Xeerka Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka Xeer Lambar 14, Qoddobkiisa 25aad, Faqradihiisa 4aad & 5aad; Markii ay Arkeen Warqadda Sumadeedu tahay GDU/AA/206/2014, kuna Taariikhaysnayd 31/05/2014ka oo ka soo baxday Xafiiska Guddiga Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Axsaabta Qaranka; Markii ay Arkeen Go’aankii Guddiga Turxaan-bixinta ee u Madaxweynuhu u magacaabay khilaafka Xisbiga dhexdiisa 01/01/2014, Qoddobadiisa 5aad iyo 6aad ee ku Taariikhaysan 22/02/2014. Iyadda oo ay waajib tahay in la soo af-jaro Khilaafkan Cakiran ee hadheeyay Xisbiga Kulmiye si aanu u sababin Bur-bur iyo kala-qaybsanaan ku yimaadda Xisbiga Dhexdiisa Haddaba, Guddiga Golaha Guurtiddu iyaga oo ka duulaaya dhammaan Arrimahan kor ku sheegan waxay soo saareen Go’aamaddan: –
1. In Go’aanaddii ka soo baxay Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye oo ay soo saareen Shir-guddoonkii Shir-weynuhu, una gudbiyeen Madaxweynaha JSL, Guddoomiyaha Xisbiga, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta, Isla markaana ay Guddiga Diiwaan-gelinta Ururadda iyo Asxaabta Qaranka ansixiyeen ay sidooda ayay Dhaqan-gal u yihiin.
2. Inkasta oo u Xaq u yeelan karo Madaxweynuhu iyo Qof kasta oo Dalka Madaxweyne ka noqdaaba in uu dhammaysto Labadda Teeram Doorasho ee Dastuurku u jideeyay, hase yeeshe in cid kasta oo ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Buuxisa Shuruudaha laga rabo qofka isu taagaya Doorashadda Jagadda Madaxweynaha uga tartami karo Golaha dhexe ee Kulmiye dhexdiisa. a. Waxa Reeban Shacaa’ir kasta oo muujinaya Astaan Musharax ama Doorasho ka hor inta aan la gaadhin wakhtiga ku muddaysan Xeerka Doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka;
3. Wixi dad loo xidh-xidhay Arrimo la xidhiidha Khilaafka Xisbiga Kulmiye la sii daayo”.