Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 7 2014                                             Shabcan, 9, 1435H     

 

 

 

 

Axmed Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Oo Dareeno Kala Durugsan

Ka Yidhi Go’aamadda Laga Soo Saaray Xiisadii Ka Dhex-Taagnayd Kulmiye

Hargeys, June 7, 2014(Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka dalka ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo madaxwayne Siilaanyo ayaa dareeno kala durugsan ka yidhi saddexda qodob ee laga soo saaray khilaafkii u dhexeeyey.
Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ayaa isagoo ka hadlaya xarunta madaxtooyada oo maanta lagaga dhawaaqay go’aamada ay khilaafkaasi ka soo saareen guddidii golaha guurtida waxa uu sheegay inaanay go’aamadaasi ahayn kuwo cadaalada ku salaysan, balse uu dulmi walba uu ugu dulqaadanayo danta bulshadda Somaliland darteed, kaas oo sheegay inuu ku qanacsan yahay saddexda qodob ee u xaglinaya Madaxwayne Axmed Siilaanyo.
Sidoo kale Madaxwayne Siilaanyo ayaa isaguna isagoo dhoola-cadaynaya sheegay inuu ku qanacsan yahay go’aamadaasi oo uu ku dooday inay soo afjarayaan khilaafka xisbiga Kulmiye u kala jabiyey labada garab. Ugu horayna Guddoomiye Biixi oo arrimahaasi hadlaya,waxa uu yidhi "Waxa ay ila tahay hadaad raga aad arin u dhiibato maaha sidaad doonayso in ay kuu xukumaan inkasta oo ay adag tahay sida ay wax u jareen hadana waan aqbalay,Go'aamada waan aqbalay sida ay ahaayeen si kasta ha iigu adkaato danta qaranka ayaan u aqbalayaa aniga waxba layma soo qaadinee sidii kalay u xukumeen waan se qaatay".
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa isaguna ka hadlay sida uu u arko go’aamadaasi oo isaga dani ugu jirto, waxa uu yidhi
"Waanu aqbalnay oo waanu qaadanay,waxaanu u aragnaa sida ay tahay oo waxa ay tahayba waanu qaadanay oo waanu aqbalnay maadaama aanu gudida aqbalnay in ay dhexdhexaadin gasho oo ay Guurtidii Qaranka ay tahay".