Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 7 2014                                             Shabcan, 9, 1435H     

 

 

 

 

“Madaxtooyadu Waxay Isu Badali Doontaa

Miidaanu Taxriir Ama Dhagxaan Is Hordhiga Ama Darbiyo

Dhaadheer Dhista, Daaqadaha Ayaa Layskaga Soo Daadan Doona"

Af-Hayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Buubaa

Hargeysa. June 8, 2014 (Haatuf) – Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah xildhibaanadda golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah Af-hayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay ka caga jiidayso in ay samayso diiwaan galinta Codbixiyeyaasha doorashada,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in shacbiga reer Somaliland ay ka dharagsan yihiin in ay mudo kordhin la sameeyo,isaga oo sida oo kalena tibaaxay in aanay marnaba ka asxaab ahaan aqbali doonin in hal maalin ay doorashadu dib u dhacdo.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa hadalkna ka sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa"Waxaanu haynaa in aan muddo kordhini aanay xal u ahayn qarankan,waxaanu u sheegaynaa in habeen lagu daraa in aanay dawo u noqonayn dalkan sida aad la socoto dawladan dawladii ka horaysay afar doorosho ayey dalka ka qabatay xukuumadinana doorashadii deegaanka ee dawladaha hoose ee waxii dhibaato ka dhacay la ogaa ayaa ugu horaysay wax ay qabato imikana waxaa muuqata in ay ka caga jiidayso in diiwaangalintii codeeyayaasha wakhtigoodii lagu diiwaan galiyo iyada oo waliba deeq bixiyeyaashii iyo kuwii kale ee inaga caawinaayey ay diyaar u yihiin habeen iyo maalinba ay heegan u yihiin in ay dalka ka hirgaliyaan diiwaan galintii codeeyayaasha"
Af-hayeenka Xibiga Mucaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in hadii xukuumadu ay doorashada wakhtigeeda ku qaban waydo ay madaxtooyadu noqon doonto midaanu taxriir,waxanaa uu uga digay in ay doorashada dib u dhigaan"taasi waxaa ay ku tusaysaa in aan xukuumadani aanay u jeedin in ay dalkan doorasho ka qabato.waxaanu idiin sheegaynaa in miidaanul taxriir madaxtooyadu isu badali doonto ama dhagxaan is hordhiga ama darbiyo dhaadheer dhista daaqadaha ayaa layskaga soo daadan doona hadii doorashadii iyo diiwaan galinta sideedii lagu qaban waayo".