Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 8 2014                                             Shabcan, 10, 1435H     

 

 

 

 

Siyaasi Ka Mid Ah Aas-aasayaashii Xisbiga Kulmiye Oo Muuse Biixi Ugu

Baaqay Inuu Abaabulo Shirwayne Uu Beelaha Subeer Awal Kula Tashanayo

Hargeysa, June 8, 2014 (Haatuf) - Axmed Xasan Cali (Lkike) oo ka mid ahaa siyaasiyiintii aasaasayaasha xisbiga KULMIYE , ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay go’aanka ay ergada guurtidu ku xalisay khilaafkii KULMIYE, waxaanu ku tilmaamay go’aan reeraysan.
Md. Likke, wuxuu guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi ugu baaqay inuu abaabulo shir ay beelaha Subeer Awal isugu yimaadaan si looga tashado go’aanka golaha guurtida. “Waxaan ka hadlayaa go’aanka ergada guurtidu ka soo saartay khilaafka KULMIYE, go’aankani waa mid go’naa oo tallo reer ahaa, waxaana gooyay saddex nin oo ilmaadeer ah oo Madaxweynuhu koow ka yahay, Xasan Macalin oo guddiga diiwaangelintu laba yahay iyo guddoomiye Saleban oo saddex ah, waxaanan leenahay taladaas tallo la mid ah oo reer ah, oo Subeer Awal ah in la isugu yimaado, waa inuu Muuse Biixi abaabulo shirkaas Subeer Awal si looga tashado arrimahan oo ah kuwii u horeeyay ee noocooda ah ee dalka soo mara.” Ayuu yidhi Mr. Likke.
Likke, oo ka mid ahaa raggii sida weyn uga qayb qaatay inuu Madaxweyne Siilaanyo ku guulaysto doorashadii madaxtooyada, gaar ahaan codadkii gobalka Saaxil, wuxuu sheegay in guddoomiye Saleban laga sugayay inuu soo saaro go’aan la mid ah go’aankii uu sannadkii 2005 ku kala saaray madaxweynihii hore Daahir Rayaale iyo labadii xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID. “Waxa la ogaa wakhigii uu xisbiga KULMIYE mucaaradka ahaa ee ay isaga iyo UCID hotel ku doorteen shirguddoonkii golaha wakiilada, wuxuu guddoomiye Saleban markii uu dhexdhexaadiyay ee uu ansixiyay go’aankii mucaaradka uu sheegay inuu ku ciiray madaxweyne Rayaale oo dawladda hoggaaminayay maadaama oo ay labada xisbi mucaarad aanay tallo haynin ee ay geed hoostii fadhiyeen, maantana waxa laga filayay inaanu Muuse Biixi ku ciirin ee uu tallo odaytinimo oo guurtinimo keeno, laakiin may dhicin, waxaanan ku baaqayaa shir Subeer Awdal oo lagu tashado.” Sidaas ayuu yidhi Likke.