Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 11 2014                                             Shabcan, 13, 1435H     

 

 

 

 

Kooxda UN Monitoring Oo Xukuumadda Ku Eedaysay In Aanay Si Hufan Usoo Bandhigin Lacagaha Shirkadaha Shidaalka Laga Qaado Iyo Jawaabta Ay Ka Bixisay

HHargeysa, June 11, 2014 (Haatuf) - Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo iyo kooxda awooda badan ee UN Monitoring group, ayaa warbaahinta caalamiga ah isku weydaarsanayo hadalo eedayn iyo is difaacid ah. Xukuumadda ayay kooxdani ku eedaysay inaanay dhaqaalaha shirkadaha laga qaaday u soo bandhigin si hufan, halka ay xukuumaduna beenisay.
Kooxdan oo ah koox awood buuxda ka haysata golaha ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa waxa ay sannadkan ku soo jeedsatay heshiisyada shidaal baadhiseed ee ayxukuumadda Somaliland la gashay shirkado ajaanib ah, waxaanay si gaar ah u kooxda UN Monitoring group u bartilmaameedsanaysaa lacagta ay shirkaduhu bixiyeen iyo ciidamo ay Somaliland u samaynayso ilaalinta shirkadaha shidaalka baadhaya.
Guddoomiyaha kooxdan Dr. Jarat Chopra ayaa 27 May, wuxuu warqad u diray golaha ammaanka Qaramada Midoobay, kaas oo uu kaga digay ciidan gaar ah oo uu sheegay inay dawladda Somalialnd u samaynayso ilaalinta shirkadaha shidaalka baadhaya, waxaanu sheegay inay ciidamadas gaarka ahi gobalka Geeska Afrika ka sii abuuri karaan xaalado colaadeed. Dr. Jarag iyo kooxdiisa UN Monitoring group waxa ay wakhtigaas si aan rasmi ah qoraalkooda u siiyeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Sidoo kale wargeyska caanka ah ee the world street journal ayaa isna la siiyay nuqul ka mid ah warqadaas, waxaanu wargeysku baahiyay in qoraalka loo diray golaha Qaramada Midoobay lagu cadeeyay in dowladda Somaliland wax-qarsi (Hufnaan la’aani) ay ka muuqato marka ay ka warbixinayso lacagaha ay ka heshay shirkadaha shidaalka, iyo shuruuc jilicsan oo ay u marayso dhismaha ciidamada ilaalinaya shirkadaha shidaal qodista. Laakiin wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, oo isna jariirada la hadlay ayaa eedda ah hufnaanl a’aanta dhinaca dhaqaalaha laga qaaday shirkadaha ku tilmaamay wax lala yaabo. “Waa ku tidhi ku teen, in la yidhaahdo hufnaan la’aan ayaa jirta.” Ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaas raaciyay in dawladda Somaliland ay baahisay lacagaha xaqul qalinka ah ee ay sanadkii tagay ka qaaday shirkadaha, kuwaas oo ay ku jirto $ 750,000 oo ay ka qaaday shirkadda DNO iyo $ 1.8 Milyan oo ay ka qaaday shirkad Yemen ah.
Arriinta ciidamada la samaynayo, wuxuu wasiirku sheegay inay wasaradda arrimaha gudaha Somaliland hoggaaminayso. Wargeysku wuxuu la xidhiidhay wasaaradda arrimaha gudaha, laakiin wuxuu xusay inaanay u soo jawaabin.
Iyadoo ay halkas marayso, ayuu Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkii hore si toos ah u soo dhex galay mawduucan, waxaana qoraal lagu baahiyay barta uu ku leeyahay twitterka uu farriin kooban ugu diray UN Monitoring group. “Waxaanu ugu baaqaynaa UN Monitoring Group ee Somaliya iyo Ereteriya inay joojiyaan soo dhex gelidda arrimaha Somaliland. Somaliland way ilaashan doontaa raasamaalkeeda dhaqaale.” Ayuu ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo, qoraalkaas kooban.
Isla Salaasadii shalay, wakaaladda wararka caalamiga ah ee Bloomberg ayaa haddana heshay nuqulka qoraalka ay guddiga UN Monitoring group u gudbisay golaha ammaanka Qaramada Midoobay, “Fiiro deg deg ah waa in loo yeeshaa mawduucan [ciidamo samaynta] si looga fogaado in dhaqdhaqaaqyada ganacsi ay colaadda sii huriyaan.” Sidaas waxa qoraalkiisa ku yidhi Dr. Jarat Chopa, waxaanay wakaaladda Bloomberg cadaysay in qoraalka uu u diray sarkaal ka tirsan qaramada midoobay oo codsaday inaan magaciisa la baahin.
Wargeyska Haatuf ee ay xukuumadda Somaliland xayirtay ayaa bishii April horaanteedii wuxuu baahiyay inay kooxda UN Monitoring group ay baadhis ku samaynayso shidaal baadhista Somaliland sida dhaqaalaha loo maamulay, laakiin wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducalae, ayaa beeniyay wakhtigaas, isagoo sheegay inuu xidhiidh la sameeyay UN Monitoring oo uu sheegay inay u cadaysay inaanay wax baadhis ah samaynayn.
Si kastaba ha ahaate, waxa muuqda inay kooxdaasi ku soo jeedsatay Somaliland, waxaana uu dagaal labada dhinac ku dhex marayaa warbaahinta caalamiga ah, iyadoo ay kooxda UN monitoring group si hoos ah warbixinaha u siinayso warbaahinta, halka ay dawladda Somaliland-na ka jawaabayso.


Source: Geeska.net