Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi
Gaboobe Oo Mar Kale Si Sharci Daro Ah
Xabsiga Loogu Taxaabay
Hargeysa, June 14, 2014 (Haatuf) – Gudoomiyaha Wargeyska
Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa xabsiga loo taxaabay abaaro 11:30
duhurnimo kadib markii ay maxkamada gobolka Hargeysa ay tageen isaga iyo
xoghayaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja, Maxamed Rashiid
Muxumed Faarax, kuwaas oo ujeedada ay maxkamada u tageen la xidhiidhay
mudaynta Kiiskii Haatuf iyo Xukuumada ka dhaxeeyey.
Sida uu noo xaqiijiyey xoghayaha ururka Solja Maxamed Rarashiid oo uu
telefoonka kula xidhiidhay Tifaftiraha Haatuf Axmed Cige ayaa sheegay in
isaga iyo gudoomiyaha Haatuf ay maxkamada maanta u tageen si loo mudeeyo
xiliga ay bilaabmayso dacwada loo haysto Masuuliyiinta Haatuf iyo
Garsoorihii dacwadaasi gacanta ku hayey oo ay masuuliyiinta Haatuf hore
u dureensi habka uu uga garnaqayo dacwada Haatuf kaas oo ay codsadeen in
laga badalo.
Xoghayaha Solja waxa uu intaasi ku daray intii ay hawshaasi mudaynta
maxkamada iyo garsoore badalka ay ku jireen oo ay kala hadlayeen
gudoomiyaha maxkamada gobolka Faysal Dhagogadho uu garsoorihii gacanta
ku hayey dacwada Haatuf uu qoray waaran qabasho ah oo lagu qabanayo
Yuusuf Cabdi Gaboobe Sidaa darteedna uu ciidamadii goobta joogay ay ku
qabteen gudoomiyaha Haatuf gudaha Maxkamada loona dhaadhiciyey Xabsiga
magaalada Hargeysa.
10-kii bishii May ahayd ahayd markii sidan oo kale gudoomiyaha Haatuf
Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha wargayskaasi Axmed Cali Cige oo si
xor ah u tagay maxkamada ay si qaflad ah u qabteen ciidamadii bileyska
ee la soo dhoobay kuwaas oo u dhaadhiciyey xabsiga Hargeysa laba habeen
kadibna loo dhaadhiciyey jeelka degmada Gabiley oo ay ku jireen mudo 17
cisho ah balse 27 May damiin ahaan lagu soo daayey. |