Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 14 2014                                             Shabcan, 16, 1435H     

 

 

 

 

Mujaahid Cali Guray Oo Sheegay In Dalku

Qarka U Saaran Burbur, Una Baahan Yahay In Laga Bad-Baadiyo

Haween Iyo Inamo Yaryar Oo Madaxwayne Siilaanyo Adeer U Yahay

 

"Somaliland waa bested, Madaxweyne Siilaanyo Kama Taliyo Dalka Sidii Loo Doortay,Somaliland Ma Qaadi Karto Wax Ka Badan Afar Sanadood Oo Bilaa Madaxweyne Ah" Muj: Cali Guray

Hargeysa, June 15, 2014 (Haatuf) - Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Yuusuf (Cali Guray) ayaa Madaxaweyne Siilaanyo ku eedeeyey in aanu isagu dalka ka talinayn mudadii afarta sano ahayd ee uu Xukumaayey.
Mujaahid Cali Guray ayaa hadalkan ka sheegay mar ay maanta Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga UCID ay shir jaraa'id ku qabteen Xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa,waxana uu carabka ku dhuftay in dalka ay ka taliyaan Haween,inamo uu adeer u yahay iyo nin uu sodog u yahay sida uu hadalka u dhigay,waxana uu tibaaxay in dalku u baahan yahay in la badbaadiyo maadaama Muddo Affar sano ahayd aanu madaxweynahu ka talinayn isla mar ahaan taana aan la ogalaan doonin meel Wadan bilaa madaxweyne ah.
"Marka laysku soo wada duubo waxaan odhanayaa Somaliland waa besteed,waxaana ay u baahan tahay in laga badbaadiyo Madaxweynaheedii ay iyadu gacmaheeda ku dooratay ee ay sida dimuqraadiga ah ay u dooratay ee nasiib darro in maalin kaliya oo afartaa sano ee Xilka ay u doorteen ee uu hayey aanu ka talin dalka oo aanu isagu madaxweyne dalka ka ahayn oo awoodihii dastuuriga ahaa ee uu isagu lahaa ay dumar iyo inamo yar yar oo uu adeer u yahay iyo ku uu sodog u yahay ay ku takri falayaan"Ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga UCID oo Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:"Maantadan lafteeda ma Xukummo dalka,waanan aqaanaa oo waxan la samaynaayo masamaynaayo isagu oo kama imanayso,laakiin waxaa weeye Madaxweyne kama taliyo dalka,hada ayaan idiin ku celinayaa ninkaasi sidii loo doortay dalkan kamuu talinayn dalkana Somaliland ma qaadi karto wax ka badan afar sanadood oo bilaa madaxweyne ah".