Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 15 2014                                             Shabcan, 17, 1435H     

 

 

 

 

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA

Oo Luuqad Adag Ku Cambaareeyay Xadhiga Sharci-Darada

 Ah Ee Xukuumadu Kula Kacday Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf

 

Yuusuf Cabdi Gaboobe Ayaa Saaka Laga Qaaday Jeelka Dhexe Ee Hargeysa, Loona Dhaadhiciyey Xabsiga Magaaladda Gabiley Oo Uu Hore Ugu Xidhnaa

Hargeysa, June 15, 2014 (Haatuf) - Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa luuqad adag ku cambaareeyay xadhiga sharci-darada ah ee xukuumadda Siilaanyo markii labaad shalay xabsiga ugu taxaabtay guddoomiayaha wargeyska Haatuf Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe. Sidaana waxay ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Haatuf, kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu cambaaraynayaa falka anshax xumada ah ee markii-labaad uu kula kacay garsoore Asad Nuur Cilmi Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yusuf Cabdi Gaboobe. Oo maanta 6/14/14 abaaro 11:40 barqonimo xabsiga ugu taxaabay gudoomiyaha wargeyska Haatuf oo ku sugan xarunta maxakamada gobolka maroodi-jeex isagoo ay gudoomiyaha maxkamada gobolka maroodi-jeex Faysal dhagodhago u-lasocday inlagabadalo garsoorihii ay hore udureen iyo in lamudeeyo dacwadii wargeyska iyo masuuliyinta Haatuf hore loogu haystay taasi oo uu gudoomiye Faysal uu hore uga ogalaaday.
Intaa ka dib gudoomiye gaboobe oo ay wehelinayaan xog-hayaha ururka SOLJA iyo laba xubnood oo kale ayaa waxa dhacay in garsoore ASAD uu ku amaray in ay qabtaan askarta maxkamada gobollka una dalbaday gaadhigii maxaabiista qaadayay .markii uu xog-hayaha SOLJA uu waydiiyay Sobobta uu marlabaad u xidhayo wuxuu ku jawaabay in xubno wasiiro ah iyo madaxtoyada iyo xeer-ilaalituba ay culays kusaareen in uu si dhakhso ah usoo xidho.
Hadaba ururka SOLJA wuxuu cod-dheer ku cambaaraynayaa falalka noocana ee loogu cagajuglayanyo xoriyatal qowlkii ee laguna wiiqayo kalsoonidii umadu ku qabtay maxkamada iyo sharaftii cadaalada dalka waxa aanu ugu baaqaynaa madaxweynaha Somaliland in uu si dagdaga usii daayo gudoomiyaha wargeyska Haatuf iyo labada xarumeed ee wargeysyada Haatuf iyo Hubaal”.