|
|
Baadhitaan Lagu Ogaaday In Aamina
Waris Iyo Baashe Cawil Ka Dambeeyeen 3
Xadhig Iyo 2
Xayiraadood Oo Xukuumadu Kula Kacday Qaar Ka
Mid Ah Warbaahinta Dalka
Waxay Kaga Aargoosanayeen Warar Ay Ka Baahiyeen Musuqmaasuq Ay Faraha
Kula Jireen Iyo Awood Maroorsi
Hargeysa, June 18, 2014 (Somalilandcitizen) - Marwada koowaad ee
Somaliland Aamina Maxamed Jirde (Aamina Waris) iyo Baashe Cawil oo ah
wiilka inanteeda qaba ayaa ka dambeeyey saddex xadhig iyo laba
xayiraadood oo xukuumada madaxweyne Siilaanyo sanadkii 2013 iyo 2014
kula kacday saddex ka mid ah hay’addaha warbaahinta ee dalka kuwaas oo
kala ah wargeyska Hubaal, Bulsho Tv iyo wargeyska Haatuf iyo qaar ka mid
ah suxufiyiinta u shaqeeya kadib markii ay Marwada koowaad iyo Baashe
Cawil ku qoonsadeen aadna uga cadhoodeen warar labadooda ku saabsan oo
ay baahiyeen.
Habeenimadii April 24, 2013 ayaa laba nin oo baastoolado iyo budad ku
hubaysani weerar ku soo qaadeen xarunta wargeyska Hubaal ee ku taala
Hargeysa waxaanay Gacan ka jabiyeen gudoomiyaha Hubaal Maxamed Caloolay
iyadoo mid ka mid ah labadii nin ee weerarka soo qaaday ay shaqaalihii
wargeysku gacanta ku dhigeen kadibna isaga iyo baastooladii uu sitay
bileyska ku wareejiyeen. Kiiskan ayaa markii dib loo raacay waxa uu
raadkiisii ku arooray Baashe Cawil oo wargeyska Hubaal wax ka qoray
intii aanu weerarkani dhicin.
Kiiskii weerarka Hubaal oo wali maxkamada ku jira ayaa June 12, 2013
waxay xukuumada madaxweyne Siilaanyo xayiraad ku soo rogtay isla
wargeyskii Hubaal isla markaana waxay xabsiga u taxaabtay gudoomiyihii
wargeyskaasi Mr Caloolay iyo Tifaftirihiisii Xasan Keefkeef iyadoo sabab
uga dhigtay inay baahiyeen war ay ku sheegeen nin maalqabeen Yemeni ah
oo madaxweynuhu ku qaabilay xafiiskiisa ay la socdeen saraakiil Masaari
ah oo doonayey in xukuumada Somaliland kala hadlaan sidii ay Masar ula
safan lahayd muranka biyaha Niilka ee iyaga iyo Ethiopia u dhexeeya.
Waxase jirtay in wargeyska Hubaal uu weerarkii lagu soo qaaday
xaruntiisa ka hor iyo ka bacdiba soo daabacay warar iyo faalooyin
Marwada koowaad iyo Baashe ku eedaynaya musuq iyo ku tagrifal awood
dawladeed oo in madaxtooyadu ay aad uga qaylisay uu dareenkeedu soo wada
gaadhay warbaahinta gaarka ah.
Dhacdadan xayiraada ah oo ahayd tii ugu horaysay ee Somaliland intay
jirtay ka dhacda ayaa waxay dalka u soo jiiday sumcad xumo dibadeed
iyadoo ay cambaareeyeen ururada wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ahba ee u
dooda xoriyatal qawlka gaar ahaan xoriyada saxaafadda.
August 20, 2013 ayaa madaxweyne Siilaanyo cafis u fidiyey wargeyska
Hubaal in xayiraadii laga qaado kadib markii ay sidaasi ka codsadeen
koox suxufiyiin ah oo uu xafiiskiisa ku qaabilay. Hase yeeshee markii uu
wargeyska Hubaal halkii uu ka sii waday wararkii kul-kululaa ee uu
xukuumada ka qori jiray ka sokow inuu isla markaaba mararka qaarkood
faaleeyo amuuraha qoyska madaxtooyada ayaa December 13, 2013 waxay
xukuumada Siilaanyo mar labaad ay xayiraad ku soo rogtay wargeyskii
Hubaal iyadoo sabab uga dhigtay inuu baahiyey warar been abuur ah oo ku
saabsan khilaaf soo kala dhex galay madaxda bileyska hase yeeshee sida
baadhitaankan aanu kor ku soo sheegnay lagu ogaaday, marwada koowaad
Aamina Waris iyo Baashe Cawil oo adeegsanaya taliyaha bileyska
Cabdilaahi Fadal ayaa soo abaabulay labada xayiraadood ee Hubaal la
saaray kadib markii ay u adkaysan waayeen wararka uu wargeyskaasi ka
baahiyo, sidaas darteedna ay go’aan ku gaadheen in aanu dib usoo bixin
kol hadii uu wax ku qaadan waayey talaabooyinkii hore ee ay xukuumadu ka
qaaday.
Waxa kale oo uu taliyaha bileysku candadawlay kiiskii weerarkii loo
gaystay Hubaal iyadoo uu aakhirkii ku guulaystay inuu xidhmo oon cidna
loo qabsan falkii dhacay.
December 3, 2013 waxa mudo todobaad ah saldhiga dhexe ee bileyska
Hargeysa ku xidhnaa afar suxufi oo laba ka mid ahi u shaqeeyaan
telefishanka BulshoTv iyadoo loo haystay war telefishankaasi siidaayey
oo siyaasiga xisbiga UCID ee Faadumo Siciid kaga jawaabaysay dhaliilo ay
usoo jeedisay Aamina Maxamuud oo ka tirsan xisbiga Kulmiye isla markaana
ka mid ah gacan yarayaasha Aamina Waris.
Afarta suxufi ayaa markii hore lagu qabtay hotel Imperial hortiisa
halkaas oo ay u joogeen si ay war uga duubaan mudaharaad salmi ah oo uu
soo abaabulay ururka SOLJA sida uu sheegay lagaga soo horjeeday
tacadiyada iyo cabudhinta ay xukuumada Siilaanyo ku hayso warbaahinta
dalka.
Hadaba markii madaxtooyada laga ogaaday in madaxii qaybta wararka ee
BulshoTv Siciid Khatar Cabdilaahi ku jiray wariyeyaasha ay bileysku
xidheen ayaa taliyaha bileyska Cabdilaahi Fadal oo dusha lagala soo
hadlay waxa uu labada wasiir ee kala ah Cukuse iyo Xirsi ka diiday in
afarta suxufi damaanad lagu sii daayo, waxaana maamulka BulshoTv culays
lagu saaray inuu shaqada ka eryo Siciid Khadar maadaama isagu masuul ka
ahaa siidaynta warkii laga duubay Faadumo Siciid. Inkastoo uu maamulka
BulshoTv sidaas yeelin hadana waxa uu Siciid Khadar ka badalay jagadii
madaxa wararka.
Maxkamada ayaa afarta suxufi ku xukuntay saddex bilood oo xadhig ah oo u
dhiganta ganaax gaadhaya SL/Sh600,000 midkiiba, waxaana la sii daayey
markii ay ganaaxii bixiyeen.
April 7, 2014 waxa la xayiray wargeyska Haatuf iyo Somaliland Times,
sababta loo xidhayna umay baahnayn baadhitaan dheer oo loo galo balse
waxay ku cadayd Xaashida Eedda ee dacwada ay xeer-ilaalintu ku soo
oogtay Haatuf ee ay dhibaneyaasha ka ahaayeen wasiirka Macdanta Xuseen
Cabdi Ducaale (Waji-xun), wasiirka Daakhiliga Cali Warancade iyo Wiilka
uu Madaxweyne Siilaanyo sodoga u yahay Baashe Cawil.
Intii aan Haatuf la xayirin 7/4/2014 wargeysku tiraba sideed jireen ayuu
warar iyo falanqayn ka qoray heshiisyada ku saabsan hawlaha shidaal
baadhista ee Somaliland.
Wasiirka Xuseen Waji-xun oo dabayaaqadii March 2014 suxufiga la
yidhaahdo Xuuto uga cabanaya Haatuf ayaa wuxuu u qirtay in wararka
Haatuf qoray ku jiraan waxyaabo sax ah balse aanay danta dalka u
wanaagsanayn in la faafiyo waxaanu wasiirku Xuuto u sheegay in aanu
waligii Haatuf dacwad ku soo oogi doonin, halka Cali Warancade oo isagu
markaasi mudo gaaban wasiir ahaa uu guulwadanimo uu caado u leeyahay
darteed isugu daray dacwada Haatuf inuu dhibane ka noqdo.
Ma jirin wax ay Haatuf ka qortay Baashe Cawil ka hor cadadkii wargeyska
ee soo baxay 4/4/2014 kaas oo lagu baahiyey war sheegayey in Baashe uu
warqad ka qaatay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo in
Wiilkan uu madaxweyne Siilaanyo sodoga u yahay noqday ninka labaad ee
ugu awooda badan Somaliland marka laga yimaado Madaxweynaha.
Markiiba madaxtooyada ayaa Haatuf lagaga kacay waxaana Marwada koowaad
iyo Baashe Cawil wargeyskaas ku soo qaadeen dagaal ba’an oo aanay
dawladu u kala hadhin oo uu hadana barbar socdo dagaal kale oo waji
qabyaaladeed lihi.
Saddex cisho kadib markii la soo daabacay warkaa ku saabsanaa Baashe
ayaa wargeyskii Haatuf iyo lamaanihiisii the Somaliland Times albaabada
loo laabay sidiibaanay wali u xidhan yihiin.
Waxa kale oo jeelka la dhigay Gudoomiyaha Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe
iyo Tifaftiraha, Haatuf Axmed Cali Cige.
Ma jirto mudo loo cayimay intay Hubaal iyo Haatuf xayirnaanayaan. Mana
jiro xukun dhacay oo sharciyeynaya xayiraadahaa lagu soo rogay.
Xukuumada Siilaanyo halkii ay gafka ay tirsanayso kala xisaabtami lahayd
masuuliyiinta labada wargeys ayaa waxay ku horaysay meheradihii oo ay
xidhay sidii oo meheradi gef gasho.
Waxa xataa sugi kari wayday in garsoorayaasha ay ku shaqaysataa usoo
saaraan xukun qarqoosh xayiraadeed. Intaas kumay joogine waxay hadana
xidhay website-yadii wargeysyada markii dambana waxay ku dartay
mulkiilayaashii iyo tifaftireyaashi meheradaha.
Waxaas oo dhami waxay muujinayaan fulaynimo xad-dhaaf ah oo ay Siilaanyo
iyo qoyskiisu ka qabaan in warbaahintu wax ka sheegto iyo sida aanay
danba uga lahayn cawaaqib xumada ka dhalan karta xoriyatal qawlka ka
jiray Somaliland ee ay xasuuqeen.
Xigasho Somalilandcitizen |