Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 18 2014                                             Shabcan, 20, 1435H     

 

 

 

 

Askari Bileys Ah Oo Saddex Qof Oo Rayid Ah Ku Dhaawacay Hargeysa

Hargeysa, June 18, 2014 (Haatuf) - Magaalada, Askari Bilays ah ayaa rasaas ooda kaga qaaday dad rayid ah, waxaana la sheegay inay xabaddu ka qaraxday.
Dhacdadan ayaa ka dhacday meel suuq ah oo afaafka hore ee xarunta Bangiga dhexe, halkaas oo nin ka mid ah Askarta Ilaalada Bangigu Baas ku furay Nin Gaadhi watay oo sida la sheegay amar diido ku sameeyay markii askartu joojisay.
“Askarigu wuxuu hortaagna gaadhiga, dabadeed ninbaa soo kala dhex galay gaadhigii ay askartu hortaagnayd iyo Askariga xabada riday, kaddibna xabadda qaraxday ayuunbaan maqlanay” sidaasi waxa warbaahinta u sheegay qof goob-jooge ahaa.
Waxaanu intaas ku daray “gaadhi wuxuu taagnaa ka soo horjeedka bangiga haadka dhina midig ee Laamiga, kaddibna askarigu markii ay xabadda u horaysaa qaraxday ayuu qoriga fooriyay” ayuu goob-jooguhu intaas raaciyay.
Afar qof oo uu ku jiro Askariga Xabadda riday ayaa ku dhaawacmay dhacdadan.
Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlay ayaa sheegay inay Askariga xabaddu ka qaraxday.