Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 19 2014                                             Shabcan, 21, 1435H     

 

 

 

 

Dhagaysiga Dacwada Xukuumadu

 U Haysato Haatuf Oo Hada Ka Bilaabantay Maxkamada G/Hargeysa

Iyo Xukunkii Lagu Ridi Lahaa Masuuliyiinta Wargeyskaasi Oo La Sii Diyaariyey

Hargeysa, June 19, 2014 (Haatuf) - Dhagaysiga dacwada xukuumada madaxweyne Siilaanyo ku soo oogtay gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha wargeyskaasi Axmed Cali Cige ayaa hada ka socdaa Maxkamada gobolka Hargeysa kadib markii xalay fiidkii gudoomiyaha wargeyskaasi oo ku xidhnaa xabsiga Gabilay laga soo qaaday lana keenay Xabsiga Hargeysa iyadoo isla saakana la keenay Maxkamada Gobolka Hargeysa oo dacwadu ka bilaabantay.
Xukunka dacwadan ayay xukuumada, Xeer-ilaalinta iyo gudoomiyaha maxkamada gobolka Hargeysa Faysal Dhago-dhago ka sii shaqeeyeen iyadoo garsooraha dacwadan qaadaya ee Asad Nuur Cilmi oo masuuliyiinta Haatuf ay dhawr goor dureen dhexdhexaadnimadiisa iyo in laga badalo ayaa loo dhiibay fayl diyaarsan oo duuduub loogu xukumayo masuuliyiintaasi Haatuf, waxaana xusid mudan in Maxkamada aanay ka soo xaadiri doonin qareenada difaacaya masuuliyiinta Haatuf maadaama oo la iska dhago tiray codsiyo ay ku dalbadeen in garsooraha laga badalo, kiiskana lagu dabaqo xeerka saxaafada Somaliland halka loo adeegsanayo kiiskan xeerka ciqaabta guud ee Somalia.
dhagaysiga dacwadan ayaa noqonaysa tii saddexaad ee ka dhacda maxkamada gobolka Hargeysa oo ay dhibaneyaal ka yihiin labada wasiir ee Cali Warancade, Xuseen Cabdi Ducaale (Waji-xun) iyo wiilka uu madaxweyne Siilaanyo sodoga u yahay ee Baashe Cawil kuwaas iyagu ku eedeeyey labada masuul ee Wargeyska Haatuf inay ka baahiyeen warar been abuur iyo meel ka dhac ah, waxaana la filayaa in sidii labadii dhagaysi ee hore uu hanaanka maxkamada iyo cadaaladu u socdo dhinac qudha oo garab siinaya wasiirada iyo wiilka uu sodoga u yahay Madaxweyne Siilaanyo ee Baashe Xidid-ku-xoolow.
Hadaba waxa aanu idiin soo gudbin doonaa wixii warar ah ee ku saabsan dhagaysiga maxkamada ee kiiskan loo haysto masuuliyiinta Haatuf anagoo idiinku soo daabici doona bogga internetka aanu ku leenahay ee Haatuf.net iyo Facebooka account-ka Haatuf ee Haatuf newspaper.