Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 19 2014                                             Shabcan, 21, 1435H     

 

 

 

 

Maxkamada G/Hargeyska Oo Soo Gabagabaysay Kiiskii Masuuliyiinta Haatuf

 Loo Haystay, Xukunkana U Mudaysay 24-ka Bishan Iyo Siyaasiyiin Ka Soo

Xaadiray Dhagaysiga Maanta Oo Ka Markhaati-kacay Cadaalad Darada Garsoorka

Hargeysa, June 19, 2014 (Haatuf) – Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa maanta soo gabogabaysay dhagaysiga eedihii loo haystay masuuliyiinta wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha Wargeyskaasi Axmed Cali Cige, waxaanay maxkamadu u mudaysay ku dhawaaqista xukunka lagu ridayo masuuliyiintaasi Haatuf 24-ka bishan June.
Dhagaysigii maanta ee maxkamada ayaa waxa ka soo qaybgalay siyaasiyiin iyo dadweyne tiro badan kuwaas oo markii qarsoorihii dacwada qaadayey uu ku dhawaaqay inuu soo gabogabeeyey kiiskan ay ku eedaysan yihiin labaadi suxufi xili qareenadii u doodayey suxufiyiinta Haatuf ay dibada ka joogeen dhagaysiga dacwada ayaa ka marag kacay cadaalad daro baahsan oo ka muuqatay dhagaysiga dacwadan.
Jamaal Cali Xuseen oo ah musharaxa madaxweynaha xisbiga UCID iyo Xoghayaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo warbaahinta la hadlay kadib markii dhagaysiga dacwada Haatuf la soo gabogabeeyey ayaa sheegay in Xeer Ilaaliyaha gobolka Hargeysa Aadan Ismaacil Mire uu si badheedh ah ugu hanjabay Gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ah eedaysanaha xadhiga sharcidarada ah lagula kacay ee maanta maxkamada la keenayo, inuu cagtiisa hoosteeda galin doono gudoomiyaha Haatuf.