Is-difaac Looga Baahnaa Meesha Ma Oolin
Faallo: Naasir Aadan Maxamed
Hargeysa, June 22, 2014 (Haatuf) – Is-difaac la nooga
baahan yahay meesha ma yaalo’e, garsoore adna ha is-cadibin anagana hana
daalinin ee iskaga dhawaaq go’aanka aad gaadheen ayuu Yuusuf Cabdi
Gaboobe ku yidhi garsooraha Maxkamada gobolka Hargeysa Asad Nuur Cilmi
oo Khamiistii ay ka socotay dhageysigii saddexaad ee dacwada ay laba
wasiir, hal xildhibaan iyo wiil u madaxweyne Siilaanyo sodog u yahay ku
soo oogeen isaga iyo tifaftiraha Haatuf Axmed Cali Cige.
Waa run oo is-difaac meeha yaalay ma jirin sabahan awgood:-
1.
Labada eedaysane ee Haatuf ee loo haysto
inay afarta dhibane ka been-abuureen, isla markaana meel kaga dhaceen
sharaftoodii/sumcadoodii waxay intii dacwadu socotayba durayeen garsoore
Asad iyagoo ku doodaya in aanay ku kalsoonayn xaqsoornimadiisa oo ay
jiraan astaamo muujinaya in gudoomiyaha Maxkamada gobolka Hargeysa
Faysal Dhago-dhago uu ku dul maamulanayo dacwaddan isagana ay ku dul
maamulanayaan madaxtooyada iyo labada wasiir ee Xuseen Waji-xun iyo Cali
Warancade.
2.
Dacwaddan waxa lagu soo oogay saxaafad,
waana sharci daro cad in lagu qaado sharciga ciqaaabta ee Somalia,
iyadoo uu jiro sharci saxaafada u gaar ah oo la yidhaahdo xeerka
saxaafada Somaliland oo ay ahayd in dacwaddan lagu dabaqo.
3.
Eedaha xeer-ilaalintu u soo jeedisay Yuusuf
iyo Axmed waxay isugu soo ururayaan erayga af-Ingiriisiga ah ee
“defamation” kaas oo lagu tilmaamo fal-dambiyeedka dhala marka qof meel
kaga dhaco sumcadii/sharaftii qof kale.
4.
Xataa haddii xeerka ciqaabta la raaco
qodobka defamation-ku wuxu qabanayaa oo kaliya madaxweynah Somalia oo
kuma dabaqmayo madaxda kale ee dawladda oo uu Ra’iisal wasaaruhu ka mid
yahay. Mana jiro madaxweyne dhibane ka ah dacwadda Haatuf.
Sidoo kale ma jiro qodob ka mid ah xeerka ciqaabta oo
banaynaya in meherad ganacsi noocay doonto ha ahaate la xayiro wixii aan
ahayn haddii dambi ka dhaco goobta meherada sida dil, qarax, dhac, iwm.
Si ay dambi baadhistu hawlaheeda uga fushato sida faraha oo la qaado
(finger point) iyo wixii kale ee cadaymo noqon kara oo la ururiyo la
sawiro iwm.
Cid kastoo qareenkoodu taam yahay way arki karayaan in aanu meesha jirin
kiis dacwad noqon kara oo istaahila hadii uu garsooruhu yahay mid
damiirkiisu fayowyahay in lagaga garnaqo maxkamad.
Xeer-ilaalintu waxay soo ururiyeen koobiyadii 11 cadad oo wargeyska
Haatuf ay ka dhigeen cadaymihii eedihii (defamation-ka) ay ku soo oogeen
gudoomiyaha iyo tifaftiraha Haatuf.
Hase yeeshee marna soomay dhigin wax dhaliil ah in sharaftii ama
sumcadii afarta dhibane si dhab ah meel lagaga dhacay oo ay
waxyeeleeyeen waxyaabihii ku qornaa cadada Haatuf ee ay koobiyadooda
maxkamada keeneen ee ay wax ka tirsanayeen marna soomay daliilin wax
xaqaa’iq ah (facts) ama xataa ku dhaw oo cadaynaya siday dhibaneyaashu
sumacadoodii hoos ugu dhacday, ceebta dhibta gaadhay waa noocee iyo
xajmigeedii waa caynkee iyo inteebuu leegyahay.
Xeer-ilaaliye Aadan Salaad Seed (Aadan Gudhu) oo uu wasiirka Duulista
Hawadu Maxamuud Xaashi ka soo kaxaystay xeer-ilaalinta ciidanka qaranka
ee Caynabo mar uu dacwaynayey wargeyska Saxafi ayaa shalay waxa uu
garsooraha u dhiibay 11 koobi oo ah wararkii Haatuf ee dacwadu ka
koobnayd iyo warqad foojari ah oo uu yidhi waa cadayntii odayaasha
Sheffield in wasiirka Macdantu ku wareejiyey $20,000.
Su’aalaha uu afarta dhibane uu mid walba waydiinayey ilaa bilawgii
dhagaysiga waxay ahaayeen (1) bal noo sheeg in sharaftaadii iyo
karaamadaadii meel lagaga dhacay iyo haa meelbaa lagaga dhacay.
(2) Yaa meel kaga dhacay Iyo Haatuf been-abuurka lagu soo qoray.
(3) Cidii soo qortay halkan ma fadhiyaan iyo haa way fadhiyaan.
(4) Bal farta ku fiiq oo magacyadooda sheeg iyo waa kuwa halkaa fadhiya
Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha.
(5) Hore miyey wax idiin dhex mareen labada eedaysane oo ay kaga wada
jawaabayeen maya, wasiirka Macdanta oo isagu sheegay in Yuusuf Cabdi
Gaboobe Block shidaal oo nin ay isku reer yihiin la siin waayey kaga
aargoosanayey mooyaane.
Xeer-ilaaliyuhu marna ma sharaxin siday ahayd sumcada ay dhibaneyaashu
ku dhex lahaayeen bulshada iyo dhaawaca soo gaadhay midkood toona.
Dhibaneyaasha laftooduna kamay waramin waayo hadii qofka tirsanaya in
sumcad dil iyo karaamo loo gaystay aanu marka horeba sumcad hagaagsan
lahayn ama aanu ahayn qof karaamadiisa ilaashada sideebuu in meel lagaga
dhacay sumcadiisii iyo karaamadiisii u sheegan karaa?
Sidoo kale xeer-ilaalinta iyo dhibaneyaasha midkoodna may sheegin ama
cuskan xaqaa’iq cadaynaya (proof) in been-abuur (false information)
dhacay oo ay wararka Haatuf si ula kac ah uga been sheegayeen
dhibaneyaasha si ay sumcadooda u waxyeeleeyaan.
Markii uu xeer-ilaaliye Aadan khamiistii soo gabogabaynayey doodiisa
ayaa wuxuu dalbaday in magdhaw dhibaneyaasha laga siiyo meelka-dhicii ay
eedaysaneyaashu u geysteen isagoon sheegin qiyaasta dhaawaca (damages)
soo gaadhay iyo qiimaha uu magdhaw ahaan ku fadhiyo midkoodna.
Xeer-ilaaliyuhu koobiyada Haatuf waxa ku qoran oo uu akhriyo mooyaane
marna iskumuu dayin inuu xaqiijiyo (to prove) marka hore in been
abuuridii dhacday iyo marka labaad oo ah in been-abuurida lafteedu
sababtay faldambiyeed sumac iyo karaamo dil ah (defamation) oo ay
cadayso inuu xaqiiqo ahaan dhacay, taasi waxay muujinaysaa in aanu uba
haysan in looga baahan yahay dood uu ku xaqiijinayo in defamation dhacay
oo maragyadoodii leh.
Adcafal iimaan waxay ahayd inuu maxkamada hor keeno dad u markhaati fura
dhibaneyaasha inay sumacadoodii waxyeelo soo gaadhay isla markaana
sharxi kara xogogaal nimada ay u leeyihiin dhaawaca ku yimid.
Sidaas darteed marka horeba kiis muu jirin marka labaadna ma jirto eedo
in aanu qabno la nagu soo xaqiijiyey maxkamada horteedii.
NB: Markay akhristaan maqaalkan waxba kuma aha
garsoore Asad iyo Xeer-Ilaaliye Aadan inay doontaan cid aqoon u leh
sharciga oo u qorta go’aanka ay ka soo saari doonaan dacwada Haatuf
iyagoo daliishanaya asbaabo maxkamada horteeda aan laga cadayn ama
lagaga doodinba. |