Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 22, 2014                                             Shabcan, 25, 1435H     

 

 

 

 

Hawlgalkii Saddex-Geesoodka Ahaa

 Ee Lagu Khaarajinayey C/Laahi Abokor Iyo Xogaha Ku Duugan

Qalinkii : C/kariim Abokor Cismaan (Q/1aad)
Ugu horayn waxa aan salaamaya Saxaafada Madaxa Banaan Ee Hadh iyo Habeen Heeganka Ugu Jira sidda ay Ugui Adeegi lahaayeen Shacabkooda, Fikradohoodana u soo gudbin lahaayeen.
30-kii May2014-ka ayey ahayd habeen jimce ah abaaro 1:00-dii habeenimo markii mar kaliya gariirka,dhawaaqa iyo dayaanka hubka noocyadiisa kala duwani ay ka bilawdeen guriga walaalkey C/Laahi Abokor Cismaan oo si nabad ah isaga iyo caruurtiisuba ay ugu hoydeen, gurigiisa oo ku yaala xaafada Jig-Jigjigayar Ee Magaalada Hargeisa. Markii ay maqleen rasaasta sida baraha roobka ugu daadanaysa guriga ee qof waliba halkii uu hurday uu ka booday, ayaa mid ka mida gaadhka gurigu uu arkay argagaxa ku socda uu la soo baxay qorigii uu uu ku ilaalin jiray iskuna dayey inuu iska difaaco weerarkan culus ee ku habsaday saqda dhexe.
Halkaana ay is rasaasayni ku dhex-martay ciidankii duulaanka ahaa, nasiib daro ciidanka lagu magacaabo RRU-da oo rasaastii kaga timi ninka ilaalada ah ka cabsaday Ayuu Taliye Fadal oo isagu hogaaminayey weerarkani uu dalbaday ciidan xoojin ah oo laga keenay taliska ciidanka qaranka( ciidankii loogu talo galay inay difaacaan cadawga jiidaha hore). Ciidankan oo sitay hub culus ayaa si aan loo miidaan dayin guriga u garaacay, dhaawicii iyo meelihii ay rasaastu kaga dhacday guriga intiini ka dawaatay TV-yadu Marag baad ka wada tihiin.
Haddaba akhriste aniga oo khasaaraha goobta ka dhacay iyo guud ahaanba sidii wax u dhaceen maqaalo xidhiidha idiinku soo gudbin doona aan ugu horayn idinla wadaago Jawaabta, su’aasha ah Yaa Ka Dambeeyey Weerarkan Bahlnimada Ah Ee Loogu talo galay in lagu khaarajiyo Walaalkey C/laahi Abokor Cismaan W/xigeenkii Hore Ee Amniga.
Baadhis iyo daraasad aanu muddo wadanay qoys ahaan waxa noo soo baxay cidii qorshahan dhagaraysan ka dambaysay, waxyna nala noqotay inaanu bulshada u soo bandhigno intii ka talisay,intii amarka ka bixisay,intii gacmohooda ku fuliyey,intii isku dubariday,intii fududaysay iyo intii maal iyo afba ku taageertay, waa dad noogu qornaan doona diwaan qalinka lagu qoraa aanu tirtirmi doonin, waa xusuus iyo mahadho ku sawiran qalbiyadayada isku daygii dil ee foosha xumaa ee loogu talo galay walaalkey C/laahi Abokor.

Lasoco qeybaha dambe…………………………….
Qalinkii : C/kariim Abokor Cismaan.