Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 23, 2014                                             Shabcan, 26, 1435H     

 

 

 

 

Baarlamaanka Oo Sheegay Inay U Yeedhi Doonaan Xeer-ilaaliyaha Qaranka Si Ay Wax
Uga Waydiiyaan Sababta Garsoorku Ugu Dhaqmi Waayeen Xeerka Saxaafada Ee Ay Ansixiyeen

“Cida Sharciga Dalka Ku Tumataa Waa Cid Nabadgalyada Dalka Ku Tumatay” Rayte
Hargeysa, June 23, 2014 (Haatuf) - Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay inay u yeedhi doonaan xeer-ilaaliya guud ee qaranka si ay wax uga waydiiyaan asbaabaha ay keenay in hay’adaha garsoorku ilaa hada aanay ku dhaqmin xeerka saxaafada ee golayaasha Baarlamaanka ee Wakiilada iyo Guurtidu ansixiyeen 2004-tii.
Xildhibaan Md Siciid Cilmi Rooble iyo xildhibaanada Bashiir Tukaale, Maxamed Jaamac Rayte, Maxamed Aw Cali Shabeel iyo xildhibaano kale oo shalay la hadlay saxaafada ayaa intaasi ku daray in Saxaafadu ay u shaqayso shacabka oo ay wakiil ka tahay bulshada Somaliland, isla markaana aan loo baahnayn tacadiyada lagu hayo maanta, waxaanay tilmaameen in gole Baarlamaan ahaan ay ka warqabaan in xeerkii saxaafada ee ay ansixiyeen golayaashooda wakiilada iyo guurtidu aan lagu dhaqmin oo laga doorbiday xeerkii ciqaabta ee Somaliland waxaanay carabka ku adkeeyeen oo ay soo jeediyeen in ay dhaqan galaan xeerarka dalka ee ansaxa ah oo lagu dhaqmo xeerarka dalka gaar ahaan xeerka saxaafada Somaliland.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Rayte oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Cida sharciga dalka ku tumataa waa cid nabadgalyada dalka ku tumatay dadkii nabadgalyada loo diray haday iyagu sharciga ku tumanayaan waxaanu leenahay waxa ay noqonaysaa in xukuumadu markaa aanay ka jawaabayn danigii shacabka”
Hadalkan xildhibaanada ayaa ku soo beegmay xilli ay xukuumada madaxaweyne Siilaanyo xayiraad ku soo rogtay wargeysyada Haatuf iyo Hubaal, isla markaana masuuliyiinta Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige xabsiga loo taxaabay, xukunkoodana bari loo balansan yahay in garsoorku ku rido xukun qarqoosh laga soo maleegay Madaxtooyada.