Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

  ISSUE 3570

 June 23, 2014                                             Shabcan, 26, 1435H     

 

 

 

 

Hadaad Diiday Inaad Noo Xil Qariso Waad Noo Xidhnaanaysaa

Faallo: Maxamed Cabdilcasiis Ciise, freelance journalist

Xadhiga wargeyska Haatuf iyo masuuliyiintiisa ee tuugii ay kashifeen wali xilka hayo oo uu suuqa marayo iyagiina xidhay ayaa waxay sheekadani ka bilaabmaysaa in markii uu wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale (Xuseen Waji-xun) iyo qoyska madaxtooyadu ay sas ka qaadeen maqaalo ay soo daabaceen labada wargeys ee Somaliland Times iyo Haatuf oo wax ka ifdiiminayey musuqmaasuqa ku lingaxan heshiisyada shidaal baadhista oo magac ahaan ah heshiisyo ay dawlada Somaliland la gasho shirkado ajnabi ah laakiinse markay runta tagto ah heshiisyo ay si-gaar ah (privately) u maamushaan wasiirka Xuseen Waji-xun iyo wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Siilaanyo ee Baashe Cawil.
Sida laga war qabo Xuseen Waji-xun iyo Baashe Cawil waxa ay ugu horayntii isku dayeen in masuuliyiinta Haatuf ay handidaado dadban u diraan iyagoo u marinaya shakhsiyaad ku dhawdhaw qasriga Madaxtooyada isla markaana ay aqoon isu leeyihiin madaxda Haatuf.
Ujeedada handidaadan waxay ahayd in wargeysku joojiyo qoraaladiisa uu ku soo bandhigayo musuqmaasuqa hadheeyey arimaha shidaal baadhista ee dadka reer Somaliland ka qarsoonayd taas oo yeelatay fal-celis (feedback) aan ka farxin Xuseen Waji-xun iyo Baashe oo fariimihii handidaada waxa ka dhashay wargeyskii oo ku sii dhiiraday soo saarista maqaaladii ay dhibsanayeen.
Marwada koowaad Aamina Waris ayaa dabeeto qaaday talaabooyin ay kaga aargoosanayso Haatuf iyadoo ku andacoonaysa in wargeysku fadeexadeeyey inankeedii Baashe Cawil. Aamina Waris waxay xall mooday wargeyska oo albaabada loo laabo.
Markay taasi waxba ka tari wayday mawqifkii Haatuf waxay noqotay in websiteyadii labada wargeys lagu daro oo shirkadaha isgaadhsiinta laga dalbado in laga xidho booqashadii. Waxa ku xigtay in masuuliyiintii labada wargeys laga xayiro inay dalka dibada uga dhoofi karaan.
Markay halkaa marayso waxa la go’aansaday in maxkamad qarqoosh la furto oo intay dacwadaasi socoto xadhig, jidh-dil iyo bahdilaad joogto ah lagula dhaqmo Gudoomiyaha Haatuf iyo Tifaftiraha wargeyska waxaanay xukuumadu arintan uga shirtay qaab qabiil iyadoo loo xil saaray xeer-ilaaliye reerka ah oo la yidhaahdo Aadan Salaad Seed (Aadan Gudhuu) kaas oo looga yeedhay Caynabo.
Aadan Gudhuu waxa ka amar qaadanayey garsoorihii dacwada qaadayey, taliskii bileyska, hogaanada ciidamada SPU iyo RRU, CID-da iyo bileyska maxkamadaha intaba, waxaanay arintu gaadhay heer uu xeer-ilaaliyahaasi dadkii dhagaysigii khamiistii dhaweyd joogay maxkamada oo wada maqlaya inuu Yuusuf Cabdi Gaboobe ku yidhaahdo “Cagta hoosteeda ayaan ku galin doonaa ee waad is arki doontaa”.
Maalintii u horaysay ee ay labada masuul ee Haatuf maxkamada tageen oo ahayd 4/5/2014 markii xeer-ilaaliyahan oo aanay hore u arag su’aaleen halka uu ka socdo ayaa wuxuu ugu jawaabay iyadoo garsoore Asad Nuur Cilmi oo dacwada mudaynayey maqlayo “Waxaan ahay kuwii aad wargeyskiina ku caayayseen”.
Markii ay wax sii su’aaleenna ayaa waxa uu u sheegay inuu yahay ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka, waxaana gudoommiyaha iyo tifaftiraha Haatuf isu-qaban wayday hadalkiisan dambe iyo kiisii hore ee uu ugu sheegayey in isaga iyo Xuseen Waji-xun, Baashe Cawil iyo Cali Mareexaan ay isku hayb yihiin.
Hada markay maxkamadu ugu dhawaaqdo xadhig, xayiraad iyo ganaax intay doonaanba ee Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige-ba ku adkaystaan halkoodii ahayd inaanay wax gorgortan ah ka galayn kana tanaasulayn xoriyatal qawlka ay xaqa u leeyihiin iyo madaxbanaanida wargeyskooda ee aynu ognahay mawqifka xukuumadan beelaysanina ahaa hadaad diideen inaad noo xil qarisaan idinka iyo wargeyskiinu waad xidhnaanaysaan, su’aashu waxay tahay hadaba arintani intaas ma ku ekaan doontaa mise xukuumada Siilaanyo waxay la gali doontaa meelo kale oo aanay hada haabkaba ku haynin?.
Inta la ogyahay Haatuf uma muuqato inay ka hadhi doonto wixii ku dhacay oo xataa hadii uu madaxweyne Siilaanyo “cafis” ka soo saaro dambi aanu masuuliyiinta wargeysku marka horeba galin waxay u badan tahay in talaabadaasi aanay u cuntami doonin bahda Haatuf iyadoo ay jiraan dhibaatooyin aanay masuuliyiinta Haatuf ilaa hadda ka hadal oo ay sheegayaan in loo gaystay mudadii ay xidhnaayeen oo sababi karta in Axmed Siilaanyo, Marwadiisa Aamina Waris, Wiilka ay sodoga u yihiin iyo madax kale oo ka tirsan dawlada lala tiigsado dacwado iyo ashkatooyin caalami ah si loogala xisaabtamo dambiyada ay masuuliyiinta Haatuf ka tirsanayaan.