|
|
Siilaanyo
Iyo Saaqidnimada Siyaasadeed
Haatuf Staff Writer
Hargeysa, June 23, 2014 (Haatuf) - Waa su’aal’eh damiir ma leeyahay
madaxweynaha intuu fakiro fakiro go’aansanaya inuu golahiisa wasiirada
ka saaro Maxamed Cabdilaahi Cumar oo aynu ka wada war qabno in aqoonta,
ilbaxnimada iyo hawlkarnimada uu leeyahay ay u suurtagalin lahayd inuu
dalka wax badan uga tago jagadii wasiirka ganacsiga ee uu hayey oo uu ku
badalo Muuse Qaasim-kii markii Rayaale uu u magacaabay gudoomiyihii
Komishanka Aids-ka hawshiisii ka bilaabay inuu guri ka dhisto deeqdii u
horaysay ee komishanka Aids-ka ka soo gaadhay beesha caalamka.
Hadiiba uu madaxweyne Siilaanyo ay markiisii horeba dantiisa gaarka ah
ay kala waynaatay dantii guud oo ay noqotay in Maxamed Cabdilaahi eryo
muxuu mar labaadkiina u arki waayey wadanka maslaxadiisa ee uu halkiisii
ugu magacaabay qof la wada garanayo in wax uu u dhimo mooyaane aanu wax
ku soo koordhin doonin wasaarada loo xil saaray iyo ganacsiga dalka
midkood toona?.
Arintani waxay ina tusaysaa hogaamin daacad-nimada iyo wadaniyada ka
sabool ah oon tudhaale u lahayn mustaqbalka boqolaalka kun ee
dhalinyarada ah ee ku camalka la’ dalka gudihiisa ee u baahnaa in
ganacsiga dalka iyo maalgashiga shisheeye ee dalku koro oo uu balaadho
si ay Somaliland gudaheeda uga abuurmaan fursado shaqooyin cusub oo
badan.
Halkii ay aragtidaasi ka xukumi lahayd fikirka madaxweyne Siilaanyo ee
uu qof ka midhalinaya u dhiibi lahaa wasaarada ganacsiga wuxuu la
kaashaday caqliyadiisii xumayd ee ahayd hebel hebel-baa neceb ee ka
horgee. Waa saaqidnimada siyaasadeed ta ugu xun ee cid dal xukumaysaa ay
ku dhaqanto.
Kolkaasuu waliba doonayaa inuu shan sano oo kale ka cuno mustaqbalka
jiilasha soo koraya oo uu ku sii hayo caqliyadii qarnigii 19aad iyo
horaantii qarnigii 20aad iyadoo haatan lagu jiro qarnigii 21aad oon
isaga uba bilawnayn.
Hadii uu dalkan hogaamin lahaa qof fahamsan oo la socda wakhtiga la
joogo oo wixii uu ummada u qaban lahaana u bartilmaameedsan yihiin una
kala cad yihiin, shaki kuma jiro in kumanaan iyo kumaanaan dhalinyaro
iyo dumar ahi ay ka bixi lahaayeen xaaladda shaqo la’aanta ee dulaysatay.
Laakiin markaad madaxweyne ka dhigato qof aydaan isku dan ahayn oon
dalkaba wax ka oolin oo hamigiisu yahay inta ayaamo cimrigiisa uga
hadhay in awlaadiisa kula qaato xaafada tijaartu degto ee Winbledon ama
Chelsea ee uu guryaha ku leeyahay isagu ma khaldana ee waxa khaldan
dadka u badheedhay inay hogaamiyihii dalkooda u doortaan qofka noocaas
ah.
Hadii ay umadu wacyi iyo wadaniyad ku filan yeelan lahayd waxay garan
lahayd danteedu halkay ku jirto, markay taas garatana waxay xulan lahayd
cidii ay ku aamini lahayd, soomanay hawaysteen umada
beenaale iyo wax-ma-tare kasta oon dadka u haynin cilmigii iyo hanaankii
uu ku gaadhsiin lahaa ummadaha hore u maray, manay dhacdeen in qofka
caynkaas ahi intuu ummada Somaliland doorasho waydiisto uu waliba marka
shan sanadood oo hore uu ummada qayrkeed ka reebo hadana ka doono in
shan dambe dib u doortaan si wiilka uu sodoga u yahay dalka u xukumo
shan sanadood oo kale. |